Berbera(Araweelo News Network)Marxuum  Maxamed Xuseen Naaleeye oo lagu naanaysi jiray  (Good Abees), isla markaana ahaa Odayaasha sida weyn looga yaqaaney

 

Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ayaa ku geeriyooday Shil Baabuur oo maanta ka dhacay Duleedka Magaalada Berbera.

 

Kadib markii Gaadhi ay wateen kula dhacay Duleedka Xamaas ee Magaalada Berbera, iyagoo ku jiray safar ay ugu sii jeedeen dhinaca Magaalada Burco.

Maydka Marxuumka ayaa loo qaaday dhinaca Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer  oo la filayo in lagu aaso Magaalada Buurco.

Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland ayaa Tacsi u diray Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuumku.

Dhanbaalka Tacsida Madaxtooyada ayaa u qornaa sidan:-

“ Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Shacbiga reer Somaliland, isaga oo ka tacsiyadaynaya geerida naxdinta leh ee ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum MAXAMED XUSEEN NAALEEYE (GOOD ABEES)  oo maanta ku geeriyooday Shil baabuur oo ka dhacay tuulada lafa-ruug ee u dhacaysa Berbera iyo Hargeysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu marxuumka ku tilmaamay oday Qaran oo ka baxay bulshada Somaliland gaar ahaana gobolka togdheer oo uu ka mid ahaa tiirarka gobolka togdheer, tusaale fiicana u ahaa dhalinta iyo waxgaradka gobolka togdheer iyo guud ahaan dalka.

Madaxweynuhu waxa uu  MARXUUMKA uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhammaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo. “ ayaa lagu yidhi Dhanbaalka Tacsida.

Sidoo kale Bahda Shebekaddaha Araweelo News Network iyo Arraweelo.com, waxay Tacsi u dirayaan Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuumku, waxayna Illaahay uga baryayaan  Inuu Marxuumka janadii Fardawsa ka waraabiyo iyagana Samir iyo Iimaan ka siiyo.
Inaa Lilaah wa Inaa Ilayhi raajicuun.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *