Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Maxamed Xaashi Cabdi, ayaa Telefoonka kula garnaqsaday Sarkaalka qaramada Midoobay u qaabilsan Duulimaadyada ee fadhigiisu yahay

 

Magaalada Nairobi, kaasoo ay si adag uga wada hadleen sababta ay UN-ku Somaliya ugu wareejinayso Maamulka Hawada dalkii laysku odhan jiray Somaliya.

Xidhiidh dhinaca Telefoonka ah oo dhexmaray Wasiirka Duulista iyo Sarkaalka UN-ta , ayaa natiijo la’aan ku dhamaaday, ka dib markii wasiirka iyo sarkaalkaasi hadal taagtaagan isdhaafsadeen, iskuna fahmi waayeen wixii ay ka wada hadlayeen, iyadoo wajiga wasiirka laga dareemayay cadho iyo dareen aad u kulul oo uu u muujinayo Sarkaalkaasi.

Wasiir Maxamed Xaashi oo uu diyaar ahaa inuu Shir-jaraa’id qabto, ayaa waxa Telefoon u keenay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada, kaasoo u sheegay inuu soo wacay Sarkaal Magaciisa la yidhaahdo Petter oo sida hadalka wasiirka ka muuqatay ah Ninka qaramada midoobay uga masuulka ah dhinaca Duulimaadyada somaliya, dabadeed wasiirku markii Telefoonka qabsaday isagoo ku hadlaya Luuqada Ingiriisiga wuxuu hadalkiisa ku bilaabay “iska waran Piter, waxaan maqlay inaad Maamulka Hawada somaliya ku wareejiseen Dawlada federaalka ah, arintaasi hadii ay jirto Somaliland way ka xuntay, waana arin aan noo cuntamayn, markaa ma jirtaa”.

Labada Masuul waxay isku hayeen sababta Qaramada Midoobay ugu wareejinayso Maamulka Hawada Somaliya, dawlada Federaalka, iyadoo aan lagala tashan Somaliland, waxaanu wasiir xaashi qeexay inay somaliland xaq u leedahay inay maamulato hawadeeda, hadiiba ay dhacayso in dawladaha somalida lagu wareejiyo inay mamushaan Hawadooda.

Markii uu hadlayay mudo sodon Daqiiqo ku dhawaad ah Wasiirku, wuxuu ku dhigay telefoonka, dabadeed wuxuu wasiirku qabtay Shirkiisii Jaraa’id,kaga dhawaaqay go’aamo ay dawladiisu kaga Jawaabayso arinta wareejinta Maamulka Hawada somaliya, kaasoo ahaa inaanay Diyaaradaha Qaramada soo fadhiisan karin Garoomada somaliland iyo inay Maamulka Hawada somaliland la wareegayso Wasaaradda Duulista iyo Hawada ee uu Masuulka ka yahay “Shacbiga iyo dawlada Somaliland ma aqbalayaan in Hawadooda Muqdisho laga maamulo”ayaanu yidhi isagoo gacantiisa Midig ku hayay Telefoonka.

Go’aanka Wasiirka ee la xidhiidha arintaasi, oo kiciyay dareen culus, waxaanu difaacay Danaha qaranka Somaliland, iyadoo qaab u hadalkiisu xataa ahaa mid Geesinimo iyo kalsononi badani ka muuqato oo aanay gabasho iyo dano shakhsiyadeed ka muuqan “Wasiir ciil mooge waxaan leeyahay Magacaaga ayay ka muuqataa sidaad u moogantahay xaqiiqda, laakiinse hadaad qorsheysatay inaad hawshaa ku guulaysato ma dhacayso, wax suuro gelayana maaha”ayuu sheegay isagoo ku dhex jira Shirkiisa Jaraa’id.

Wasiir Xaashi kuma uu koobin weedhiisa arinta cusub ee Qaramada Midoobay ku talaabsatay, balse waxa kale uu shaaca ka qaaday in hore loogu Hodmay Maamulka Hawada somaliya ee Mashruuca Qaramada Midoobay ee horumarinta “Somaliland kamay heli jirin Lacagta laga qaado hawada Somaliya wixii ay xaqa u lahayd, waxaana ka soo geli jiray oo qudha waxaan ka badnayn afarta qof Mushaharkood, mashruucaasina wuxuu ahaa mid lagu hodmay oo aan sidii laga filayay ahayn, waxaanan u bandhignay bishii June ee Sanadkii 2011-ka inaan ku qanacsanayn Hanti naga soo gaadha lacagtaasi”.

Geesta kale, Wasiirka Duulis Hawada Somaliland, wuxuu qeexay isagoo garnaqsanaya waxyaabaha ay somaliland dunida kala shaqayso, isagoo sawiray inaan hadana laga Jawaabin dedaalka iyo degenaanshiyaha ay kula macaamisho beesha Caalamka, kuna tiraabay “waa dhab oo Somaliland maaha qaran ka mid ah Qaramada Midoobay, laakinse waa nidaam jira oo aan la dafiri karin, Beesha caalamkana kala shaqeeya Nabad-gelyada, Budhcad badeed iyo la Dagaalanka Al-shabaab”.

si kastaba ha ahaatee Garnaqsigii iyo Go’aankii adkaa ee wasiir Xaashi Maalintii Salaasada ku dhawaaqay waxay ahaayeen kuwo lagu diirsaday, dhab ahaana muujinaya inay somaliland gaadhay heer ay isku filnaashiyo ka gaadho arin kasta oo la soo derista, waxaanu warkiisu fariin siyaasadeed oo ka mug weyn go’aamadan oo qudha u ahaa Beesha caalamka iyo Jimciyada quruumaha ka dhaxaysa oo tobankii sanadood ee ugu dambeeyay aad moodo in loo istimaalo hadba wadanka amase qoomiyadaha cuno-qabataynta iyo colaada xaqdaradaha ah loola badheedhayo, isuna bedelay xarun ay ku adeegtaan qaar ka mid ah Wadamada Reer Galbeedka oo ku tuma hadba ciday maagayaan.

Waxaana xukuumadda Somaliland looga baahanyahay inay mawqifyo sidan oo kale u adag ka qaadato isku dayada dahsoon iyo kuwa badheedhka loo sameeyo ee ay inta badan ku kacaan Ururadda UN-ka hoos-taga iyo kuwa metela Dawladaha Caalamka ee inta badan ku gefa xuquuqda Shacbiga Somaliland, kuwaasoo tusaale loo soo qaadan karo kuwa Mashaariicda ay wadanka ka fulinayaan Nairoobi kaga soo dhufta Shambada Somaliya, isla markaana iska indho tira xaqiiqda iyo xaaladda dhabta ah ee halkan ka jirta.

Saleebaan Cabdi Cali (Kalshaale)
P/Anlysis and Reporter

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *