http://www.somaliland.org/images/b/2013/05/Telesom1.jpgHargeysa(Araweelo News Network)Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM, ayaa lambarada Teleefoonadda gacanta ku soo kordhisay Fureyaal cusub, iyadoo la jaan-qaadaysa

nidaamka caalamiga ah.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed caawa ka soo baxay xafiiska suuq-geynta iyo xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda TELESOM, waxaanu war-saxaafadeedkaasi oo dhamaystirani u dhignaa sidan:-

“Shirkadda Telesom oo la aasaasay sannadkii 2002, waa shirkad saamilay ah oo ay ku wax ku leeyihiin kun iyo dhowr boqol oo qof oo muwaadiniin Somaliland ah.

Shirkaddu muddadii ay jirtay waxa ay samaysay dedaalo badan oo keenay in ay isbeddesho nolosha bulshada, iyada oo keentay adeegyo teknoolajiyadadeed oo wax weyn ka beddelay kaabayaasha dhaqaalaha waddanka, nabadgelyada, horumarinta, tacliinta, caafimaadka, isku xidhka bulshada miyiga iyo magaalada iyo guud ahaan isku xidhka wadanka iyo caalamka.

Muddadii Telesom jirtay waxa ay soo kordhisay qalab casri ah, si ay u daboosho baahida macaamiisheeda iyo wadankaba; taasi oo keentay in sannadkii 2006 la ballaadhiyo furayaashii shirkaddu isticmaali jirtay oo lagu kordhiyay lambarka ‘4’ kana dhigtay toddoba god, halkii ay ka ahaayeen lix god.

Qalab kasta oo shirkaddu ay keento iyo ballaadhinta shabakada shirkaddu waxay u baahan yihiin furayaal cusub oo noqonaya halbeegga ama ciwaan uu qalabkaasi ku shaqeynayo si uu ula jaanqaado nidaamka Caalamiga ah (International Telecommunication Union Recommendations).

Si waafaqsan nidaamka caalamiga ah ee ITU-ga, labadii sannadood ee u dambeeyay waxa qorshaha furayaashooda wax ku kordhiyay 11 wadan oo kala ah Mauritania, Swaziland, Sychelles, Georgia, Azerbaijan, Togo, Sint Maarten, South Sudan, Djibouti, Gabon, Sacuudi Carabiya. Telesom Somaliland waxay ka mid noqonaysaa kuwaasi.

Dhammaan isbeddelada ay shirkadda Telesom samaysay waa kuwo waafaqsan xeerarka Somaliland iyo oggolaanshaha Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta, iyada oo sidoo kale, si dhow ula shaqeynaysa shirkadaha telefoonada Caalamiga ah ee wadamada adduunka ee ka tirsan ururka Caalamiga ah ee Shirkadaha Moobilada ee GSMA.

 

Isbeddelkan u dambeeyay waxay shirkaddu si toos ah oggolaansho uga heshay Wasaaradda Boosaha & Isgaadhsiinta Somaliland.

Iyada oo ay weli jirto in dhammaan Shirkadaha ka hawlgala Somaliland iyo Soomaaliya ay weli isticmaalaan furihii +252 ee guud, baadhitaan badan kadib iyo xidhiidh aanu la sameynay shirkadaha waaweyn ee telefoonada soo tebiya (carriers) waxa noo caddaatay in dhammaan furayaashii ka dambeeyay +252 la isticmaalay oo ay diwaagashadeen shirkadaha Isgaadhsiintu. Sidaas darteed, furaha keliya ee moobilka Telesom u bannanaaday waxa uu noqday 63.” Ayaa lagu yidhi qoraalka.

 

Dhinaca kale Wasaardda Boosta iyo Isgaadhsiinta ayaa ka hadashay arrintaa. sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda oo uu ku saxeexanyahay Agaasimaha Guud Xasan Cumar Hoori, kaas oo dhamaystirani ayaa u dhignaa sidan:-

“Shalay, 8dii May 2013, shirkadda Isgaadhsiinta Telesom waxay lambaradeedii ku soo kordhisay Tirsiga 063 taas oo keentay in la isweydiiyo lambarka cusub inkastoo shirkaddu in muddo ah dadweynaha ku wacyigelinaysay isbedelkan soo kordhay.

Haddaba waxaa Wasaaradda xaq loogu leeyahay in ay bulshada u iftiimayso lambarkan soo kordhay iyo in ay dadweynaha ka wacyigeliso wax kastoo la xidhiidha isgaadhsiinta dalka.

Sida aan ka warqabno, Ururka Caalamiga ee GSM waxaa uu lamabar 06 u qondeeyay telifoonada mobilka ee Somaaliland iyo Soomaaliya. Shirkadda Hormuud ee Badhtamaha iyo Koonfurta Soomaaliya waxaa ay saami u heshay lambarka 061. Shirkadda Gollis ee maamulka Punland iyaduna waxaa ay qaadatay lambarka 062 halka shirkadaha Somaliland iyaguna ay kala qaateen Telesom 063, Telecom 065, iyo Nationlink 067 iyo 068.

Ilaa hadda dalkennna waxaa laga isticmaala furaha dal (country Code) 252 kaas oo aan la wadaagno Soomaaliya. Hase ahaatee, waxaa innoo kala soocan furayaasha degaamada. Sidaa darteed, waxaannu halka ku qeexaynaa lambarka cusub ee 063 inuu gaar u yahay dalkeenna iyo Shirkadda Telesom ee Somaliland. Lambarku ma aha mid aan la wadaagno Xamar kamana duwanaa qorshayaashii hore ee lagu maamuli jiray lambarada dalka.

Haddaba iyada oo isla arrinkan ay hore warbaahinta uga la hadleen Wasiirka iyo madaxda Waaradda Boosaha & Isgaadhsiinta, mar labaad, waxaan halka ka cadeynaynaa in wasaaraddu oggolaatay adeegsiga lambarka 063 islamarkaana in aanu waxba u dhimmayn qarannimada Somaaliland taasoo dhammaanteen aan u wada taagan nahay difaaceeda iyo horumarinteeda.

Wasaaraddu waxay hore farta ugu godday adeegsiga furaha dal (252) ee ilaa hadda aan la wadaagno Somaaliya kasoo haddii aanu si dhakhso ah looga xadhig furan, dhowaan, keeni doona innaga xidhaan xukuumadda Somaaliya ama in ay innagu cashuuraan.

Sidaa darteed, waxay wasaaraddu hore ugu baaqday in shirkadaha isgaadhsiintu shir muhiim ah isugu yimadaan Xafiiska Agaasimaha Guud, 10.00 subaxnimo, maalinta Arbacada, 15ka May si looga wada hadlo qorshaynta lambarada qaran iyo wax kasta ka hor in laga wada hawl galo sida ugu dhow ee dalku ku heli karo Fure Dal oo gaar u ah Somaaliland. Waxaannu ku rajo weyn nahay in xukuumadda, shirkadaha isgaadhsiinta, ganacsatada iyo aqoonyahanku gacan naga siin doonaan sidii loo xaqiijin lahaa arrinkaa oo leh mudnaanta kowaad ee dalka. Allaa Mahad Leh.”

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *