Subaxnimadii 14ka Juun waxa shirkadda Telesom kula dhaqaaqday carruurta iibiya wargeysyada tacadi lala yaabay iyada oo wajahaddadhismaha magaalada Hargeysa dhexdeeda ku yaalla u diidey carruurta haddii aanay gashan garamo ay maqaasiin uga soo saareen. Dhacdadaniwaxay ka dambeysey

markii carruurta lagu arkay iyaga oo xiran funaanado qurux badan oo dhinacna kaga sawiran tahay magaca Ururka ee Xorriyo dhinacna shirkadda Dahabshiil oo iyadu ugu deeqday garamaanta iyo qalab xafiis.

Haddaba waxa isweydiin leh, waxa saxaafadda ‘madaxa bannaan’ ee Somaliland uga damqan waayeen arrinkan iibiyeyaashooda looga eryey laamida ka horreysa Telesom, oo ka baxsan dhismahooda. Website’ka la yiraahdo berberanews.com ayaan arkay wax ka dhiidhiyey dhcdadan oo
ilmaha u hiiliyey. Waxa kale oo la og yahay in shaqaalaha iyo madaxda Dahabshiil adeegsadaan dhammaan adegyada Telesom: Tilifoon, Intenet, ZAAD, iwm.ilaa ay xataa dadka la wacayo ee lacagtu u timi u marreeyaan SMS’kooda. Haddaba miyaan la gaarin xilligii Telesom dib isu xisaabin lahayd, mise ciddii qortaba sidii weriye Maydhax ku dhacday ayuu ka cabsan?
By,  Ibraahin Abdi jama

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *