Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa soo bandhigtay waxqabadka wasaaradaha Ha’yadaha dawliga ah ee sadexdii bilood ee la soo dhaafay, taas oo qayb ka ah balanqaadkii xiligii Ololaha doorashada eek al hore Madaxweyne Siilaanyo ugu balanqaaday shacbiga in waxqabadka
xukuumaddiisa
saddexdii biloodba mar dadweynaha losoo bandhigayo.
sadexda wasaaradood ee Kaluumaysiga xanaanada Xoolaha , Hawlaha Guud Iyo Gaadiidka ayaa waxqabadkoodii saddexdii biood ee u danbeeyay u qornaa sidan:-
Wasaaradu waxay soo saartay saddexdii bilood ee ina dhaaftay dakhli dhan $38,123 Dollarka maraykana ah.
Waxay dib u dhis iyo dib u habayn ku samaysay qayb ka mid ah xarunta EX NEC FISH BERBERA oo ay ka dhistay dhisme wayn, kaasoo deyrna ay ku soo wareejisay.
Waxay la kulantay hay’adaha FSNAU, WOLRD BANK, USAID & FAO, waayna ka wada hadleen kor uqaadida adeega bulshada.
Wasaaradda Xanaanada Xoolaha
13.
si ay uga hawl galaan lana tacaalaan dhibaatooyinka caafimaad ee ka jira deegaanada xoolo dhaqatada ee goboladaas. Isla markaana wasaradu waxay u dirtay afar kooxood gobolka sanaag si ay uga hawl galaan talaalka wasaarada waxaa ka taakuleeyay gurmadka gobolada sannaag, haayada caalamiga ah ee loo yaqaan AU-IBAR.
Waxaa kaloo la qabtay mashaariic rarid, dajin iyo hadhadh laga fuliyey Awdal, Gebilay, Wajaale, Berbera, Burco iyo Laascaanood.
Waxaa kale oo la fuliyay kawaano casri ah magaalo madaxda gobalka Awdal ee Boorame oo la dhamaystiray, isla markaana kawaan kale oo casri ah laga bilaabay Magaalo madaxda gobolka Tog-dheer e Burco. Waxa dayr lagu wareejiyay Saylada iibsiga xoolaha ee Hargaysa.
Waxa kale oo wasaaradu dejisay sharcigii Baadhista iyo illaalinta caafimaadka hilibka oo laga ansixiyay Golaha wasiirada haddana horyaala Golaha Baarlamaanaka,
Tirada xoolaha la tallaalay 19 april 2011 ilaa 19 may 2011 ee Gobolada Sool, Saaxil Awdal, Togdheer iyo M/jeex Waxay Dhanyihiin 419407 neef
Tiradda xoolaha la daweeyay, gobolada M/jeex, awdal, saaxil, togdheer iyo sool laga bilaabo 19 april ilaa 19 may 2011 ee Gobolada Sool, Saaxil Awdal, Togdheer iyo M/jeex Waxay Dhanyihiin 350785 heads
Tirada xoolaha la talaalay gobolka sanaag 26 may ilaa 10 june 2011 ee Gobolka Sannaag kuwaas oo laga talaalay Xanuunada Sambabka Riyaha waxa laga talaalay 17736 heads iyo Furuqa riyaha iyo idaha oo isna laga talaalay 30592 heads
Tirada xoolaha la daweeyay ee gobolka sanaag 26 may ilaa 10 june 2011 gaar ahaan Adhiga oo dhan 62158 iyo Geela oo isna ah 3640
Fiiro gaar ah: Waxaa laga daweeyay cudurada gufac, raaf-dilaac, caal, shilin, nabaro, shuban, dhukaan, shimbir iyo guudaan.
Dhismayaasha rogida iyo raaritaanka xoolaha ee la dhameystiray
Wasaaradda Hawlaha Guud & Gaadiidka
14.
Wasaarady waxay hirgelisay Waddada makhaayadda Inanta-Berbera
-Waddada Laascaanood-Gambadha (qaybtii 2aad)
-waddada Oog-Laascaanood.
-Dayacritka biriijka 1aad ee Burco.
-Dib u hagaajin briijka ceel-la-helay oo daadadku waxyeeleeyeen.
-Dayactirka wadada makhaayad inanta Hargeysa.
-Dayactirka wadada Oog-Burco.
Waxa dhismaheedii socdaa waddada Dila-Tuli (4km oo ka bilaabma Dila) Kharashka ayaa dibu ga dhcay, qalabka qandaraasluhuna wuu cila badan yahay, inuu qalab kale kirayasna ma ogola.
Waxa la bilaabayaa dayactirka waddada tuulada Crusher – Hudusa.
Lasoco——-
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com