somalimemo.netWashington(ANN)Madaxweynaha Dalka Maraykanka Obama, ayaa ka murugooday  xasuuq wadareed nin hubeysan  oo Mareykan ahi  ka geytay dugsi hoose oo ku yaalla gobolka Connecticut ee waqooyi bari dalka Mareykanka, kadib markii uu ninkaasi qudha ka jaray ilaa sodon caruur ah

oo wax ka baranayay dugsigaa, kuwaas  oo ay ku jiraan 20 caruur ah oo da’doodu u dhaxaysay 5 jir illaa 10 sano jir.

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa baahisay in ninkaa falka  toogashada xasuuqa geystay uu ahaa nin 20 jir ahaa oo la odhan jiray Adam Lanza, kaas oo isna is toogtay oo ku jira maydka caruurtan. Warku waxa uu intaasi ku daray in wiilkani ka hor intii aanu iman dugsigaas uu soo khaarajiyay Hooyadii oo meydkeeda laga helay iyana gurigoodii.

Adam Lanza, ayaa ahaa Aabe u ahaa mid ka mid  ah Carruutii dhigeneysay dugsigaa oo lagu magacaabo Sandy Hook Elementary School oo ku yaal magaalada Newton gobolka Cooncticut ee dalka Mareykanka.

Madaxweyne Obama ayaa dhacdan argagaxa leh kaga dareen celiyay hadal uu ka sii daayay Telefishanka, iyadoo intii uu hadlayayna dhawr jeer sawirkiisa laga baahiyay TV-ga isagoo ilmadda hoorsanaya.

“Quluubteenu maanta way qaracan tahay, waanay qaracan yihiin waalidiintii, walaalihii caruurtii iyo qoysaskii dadkii waaweynaa ee ku dhintay falkan,”ayuu ku tiraabay Madaxweyne Obama oo wajigiisu murrugo la doorsamay.

Dad goob  joogayaal ah ayaa  warbaahinta u sheegay inay maqlayeen dhawaaqa tacshiirado rasaas ah oo xooggan, taas oo ka dhaceysa gudaha Iskuulka, ka hor intii aanay Ciidamada Booliisku goobta tegin, sidoo kale dadka goobta ka dhowaa  ayaa warbaahinta u sheegay in ninka falkaa geystay uu  istoogtay markii uu falkaa fuliyay.

Haweeney ka mid ah dadka gurmadka usoo sameeyay carruurta la gumaaday oo warbaahinta la hadashay ayaa  tidhi,  ” xaaladdu aad bay u adkeyd, waxaan arkayay carruur yar yar oo gebi ahaanba jidhkoodu uu dhiig qariyay, kuwaas oo kasoo baxsanayay ninka ku kacay falka waxashnimada ah”.ayay tidhi.

Dhacdooyinka sidan oo kale ah ayaa sanad walba ka dhaca Dalka Maraykanka, balse dhacadadn ayaa lagu tilmaamay tii ugu khasaaraha badnayd ee lagu xusuuqo  carruur dhiganaya Iskuul ku yaalla dalka Mareykanka.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *