Download untitled.JPG (43.2 KB)Hargeysa(ANN)Allah Hawnaxariistee Marxuum Maxamed Cabdulle Walan-wal, ayaa aas qaran loogu sameeyay maanta Xabaalaha Naasahablood ee Bariga magaalada Hargeysa. Kadib markii uu shalay 16/04/20102, ku geeriyooday guriisa oo ku yaala

magalada Hargeysa.
Aaska Marxuumka waxa ka qaybgalay masuuliyiin ka socotay Xukuumadda Somaliland, siyaasiyiin, Gudoomiyayaasha  Ururada siyaasada qaarkood, culimaa’udiin iyo boqolaal qof ka mid ah shacbiga Magaalada Hargeysa.
Allah ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cabdulle Walan-wal oo ku magac dheeraa (Six), oo ahaa Oday da’ah, isla markaana kasoo jeeday qoys taariikh facweyn ku leh Somaliland, wuxuu ku dhashay Magaalaada Burco ee gobolka Togdheer, wuxuuna  waqtigan ahaa marxuumku 93 jir.
Marxuum Maxamed Cabdulle Walan-wal, wuxuu kasoo qayb qaatay, isla markaana xilal kala duwan kasoo qabtay dawladihii kala danbeeyay ee xiligii mustacmarka Somaliland iyo dawladihii lixdanadii ilaa todobaatanadii, isagoo mudooyinkii u danbeeyay ku noolaa Sucuudiga iyo Ingiriiska magaalada London, isagoo ka mid ahaa Odayaasha jahliyada Somaliland ee London.

Marxuumku wuxuu ifka kaga tegey 69 qof oo isugu jira Caruurtiisa iyo caruurta uu awoowaha u ahaa.
Marxuumku wuxuu waxbarashiisa kusoo qaatay magaalada Cadan  xiligii uu Ingiriisku gumaysanayay, wuxuuna koorsooyin waxbarasho kusoo qaatay dalka Britain xiliyadii uu la shaqaynayay dawladihii Somalia.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *