-
Published On: Tue, Apr 17th, 2012

Abdilahi Yusuf iyo Adduun-arraga Siyaasiyiinta Somalida maanta, By. Adam Muse Jibril

Smiley face
Share This
Tags

Dhiiladii Dhimashada SSF iyo bilaw Guuldarrada
Waxaan filayaa in su’aalaha maanta da’yarta Somalidu isweydiinayso ay ka mid tahay; Talow taariikhdan buburka yaa abuuray, taarikh ka duwanse ma la saman karey?
Hadii aan isku dayo in aan sua’aashan qaybteeda hore ka jawaabo waxaan odhan lahaa isda: Taariikhda burburka Somalidu waxay la dhalatay qaabkii midnimada loo sameeyey lixdankii iyo god-loolooyinkii dawladihii ka dambeeyey ee xaq-darrada lagu dhisay. Waxaana xididada u taagey Taliskii Siyaad Barre ee militariga ahaa, waxaana biyaha nolosha waraabiyey ururadii mucaaradka ahaa ee sideetanaatkii (1980kii) ee ka soo jeedey dhinaca Somalia, ooy kala hoggaminayeen Abdliahi Yusuf Ahmed iyo General Mxamed Farah Aydiid. Waana arrin badiba dadkii markaas noola ay agyihiin, loona baahan yahay in xaqiiqadaasi sidii ay u sameysantay loo sheego.
“markii Abdilahi Yusuf Ururka SSF ku soo biiray ayuu Markiiba waxuu bilaabay  hadalo ka dhan ah madaxdii ururka, asaga oo ujeeda in uu inqilaabo. “Dadkani waa dad rayid ah (civilian) sidaas owgeedna ma huggaamin Karayaan dagaalkan lagula jiro Siyaad Barre, ee waa in la bedelo” Col. Ahmed Ilgiir baa aad u hadal haynjirey arrinkan, asaga oo ku naqdiya Abdilah Yusuf. In yar ka dibna waxuu inqilaab ku ridey madaxdii rayidka ahayd ee ururka hoggamineysey. Markaasna waxuu noqday gudoomiyihii ururka. Arrinkan dad badan oo Somali ahi, gudaha iyo debeddaba, waxay u qaateen in qabyaaladi ka danbeysey. Laakiin,  runtu weji kale oo ka sii qoto dheere ayey lahayd. Khilaafka iyo kala shakiga reeraha Somalidu waa wax iska caadi ah, sida la ogyahay, waxayse cudur noqotaa marka siyaasiyiinta Somalidu ka dhigtaan sallaan ay ku fuulaan xukunka ka dina ku dhacaan hantida qaranka. Taasina waa mid siyaasiyiinta Somaliladu badiba ka siman yihiin. Waxaase xusid mudan in arrinka SSF iyo Abdilahi Yusuf uu ahaa mid intaas ka sii qoto dheer. Marka dhinaca fekerka laga eego, waxaa waqtigaas taagnaa arrinka ah in xukunka Askarta la beddelo oo lagu bedelo mid medeni ah oo horseeda dimoqoraadiyad iyo horumar. Abdilahi Yusuf, iyo markii dabme General M. Farah Aydiid ayagu waxay wateen Inqilaab military oo keli ah ee maysan lahayn fiker siyaasi ah oo isbedel qot dheer loogu horseedayo bulshada Somalida.
Fekerka noocan ahi ma aha mid qof keliya ku kooban ee waa adduun-arag ay qabaan guud ahaanba saraakiisha militerigu, maxaa yeelay waa qaabka loo tababaray loons carbiyey, oo mar haddii ay siyaasada galaan ay u janjeedsadaan in dalka oo dhan ay u arkaan sidii xero ciidan ooy ku dabaqaan qaanuunka militeriga iyo asluubtiisa kala dambaynta, haddaba waa in arrinka loo gartaa sidaa uu yahay.
Isbeddelka madaxdii SSF min Medeni (civilian) ila Askari waxaa ku dhamaaday ururkii siyaasiga ahaa ee la odhan karay waxuu ahaa mid ay mucaaradka somalida ee debedu u dhamayeen, dhinac, dhinaca kalena mid suragal ka dhigi karay hirgelinta dibu-heshiisiinta, nabadda iyo dimoqoraadiyada. Nuxurka arrinkan waa mid ka baladhan sida laga yaabo in dad badni u qabaan, waxaanu ku fadhiyaa ma-hadhada taariikheed ee waqtiga arrimahani dhacayeen iyo qadiyada la isku hayo oo ahaa in laga soo horjeesan karo digtaatorka militariga. Waqtigaa la marayey oo ahaa waqti aan la maqli Karin Cod ka soo horjeeda midka “taliyaha sare ama Aabaha umada, Guul-wade Syaad”. Abdilahi Yusuf waxuu dad badan markaas uga dhignaa, Guul-wade Siyaad kale oo soo socda oo dusha uga baxaya mowjadda cadhada dadweynaha Somaliyeed u qabey Xukunka militariga ee Siyaada Barre.

Hadaba, dhimashyadii SSF ayaa waxay ahayd maraxalad gaara oo ku suntan dhirbaaxo ku dhacday dadkii dimoqoraadiyad doonka ahaa ee mucaaradada dibedda ee Somaliyeed. Hase yeeshee, in kasta oo Abdilahi Yusuf ku guulieystey in uu ka takhaluso madaxdii rayidka ahayd ee ururka SSF, taasina ahayd tallabo dibugurasho iyo xaldaac ku ah mucaaradadii debeda ee dimoqoraadiyad doonka ahayd, haddana may gaadhsiin heer quusasho iyo  isdhiibid midna. Waxaa mar labaad la hawaystey in Laba-kaclayn la bilaabo.
Markii warku gaadhey gudaha iyo debedaba ayaa waxaa bilaabmay guux dad badani Somalida dhexdeeda ka muujinayaan doonis in dedaal kale la sameeyo. Markaas ayaa waxaa soo ifbaxay laba fekradood (two tendencies); mid u janjeedha in reer waliba samaysto ururkiisa u gaarka ah iyo mid odhanaya waa in la sameeyo urur kale oo u taagan dimoqoraadiyada iyo u adeegga danaha Somalinimada ee waqtiga dheer.
Arrinka hore oo ka turjumayey quusta laga qabo xukun Askarta oo soo noqda, iyo weliba cadadiskii dheeradka ahaa ee dawladihii Somalida ee kala dambeeyey saarayeen dadka ka soo jeeda dhinaca Somaliland oo qayb muhiim ah ka ahaa midnimadii Somalida oo  xuquudoodi iyo qabkoodiiba meel laga dhacay, qaar ahaan dadka Isaaqa , ayaa hadiiba, tass awgeed waxaa dhashay ururkii SNM oo London Lagaga dhawaaqay 1981.
Arrinka labaad wuxuu ka danbeeyey feker odhanaya in ururkii hore u jirey ee SSF la balaadhiyo baaxad ahaan iyo nuxur ahaanba, si mucaaradka loo dimoqoraadiyadeeyo, qabyaaladana xanfteeda loo dhimo.
Bishi October 1981 ayaa shir lagu qabtay magaalada Aden ee dalka Yeman. Halkaas oo saddex urur ku samayeeyeen ururkii la odhanjirey SSDF. Nassib darro, Abdilahi Yusuf ayaa mar labaad soo fuulay mawjadii ay kicisay xamaasadii dimoqoraadiyad doonka ahayd ee Siyaad Barre ka cararka ahayd.
“Maantana nin Magacweyn leh oo qabiil wayn kasocda kuna tirasan cudud ciidan ayey nasiib xumadeeda haddana gacanta u gashay”. Waxaa hadakaa yidhi Alla ha u naxariitee Abibakr Haji Mohamed Husein (Eikar).Top of Form Waxaan xasuustaa dood si qarsoodi ah looogu qabtay magaalada Mogadishu bishii August 1981, taasoo aan ka mid ahaa dadkii ka qayb galay oo lagaga doodayey arrimaha markaas taagnaa ooy ka mid ahayd sida Abdilahi Yusuf u inqilaabay haggaankii ururka SSF ka dibna asagu u qabsaday, iyo SNM oo London lagaga dhawaaqay. Doodu waxay ku saabsanayd, si gaara, labada kee baa haboon in la xoojiyo. Doodaas oo socotey habeenkii oo dhan, kana socotey gurigii Abdirahman Aydiid Ahmed (dhabdhable) oo la rumaysan yahay in ilaalihii gaarka ahaa ee Abdilahi Yusuf (his Personal Bodyguard) toogashu ku diley asaga iyo Abibakar Haji Mohamed Husein (Iikar) bishii October 1984, arrinka dilka iyo xadhiga noocan oo kale ahi waa sheego aad u dheer una xanuun badan, aakhirkiina burburisay ururkii SSDF. Waxaa doodayaashii u kala qaybsameen laba dhinac, qayb tidhi waa in SNM lagu biiraa si loo xoojiyo mucaaradada debeda gaar ahaan S N M oo leh hoggaan rayid ah, waxayna ku salaysanayd qodob odhanaya, mar hadii SSF nin Askari ahi Qabsaday waa in SNM la xoojiyaa.
Dhinaca kale, waxay soo jeediyeen in SSF La xoojiyo si Abdilahi Yusuf ururka dhexdiisa loogaga adkaado loona bedelo. Ragaasu waxay doodooda ku saleeyeen qodob odhyanaya; hadii SNM lagu biirro waxaa taas ka xumaan donna qabiilka Majeerteen oo ayagu mucaardada lagula jiro xukunka Siyaad Barre bilabay, meel weyna hadda kaga jira halganka. Ragga habeenkaas doodaayey waxay ka koobnaayeen badiba qabaa’ilka Somalida iyo qawmiyaadka kala duwan, sida hwiye, Issaq, Darood, Raxanweyn, Dirr, Bantu, Banadiria Barawaani iwm. Dareenka guud ee la isla wada qabeyna waxuu ahaa baqdinta laga qabey in dalku mar labaad askartu dib qabsato Siyaad Barre ka dibna diktaatooriyad kale uu gacanta
galo.
SSDF iyo SNM, kala qaateen laba wado oo kala jeeda iyo laba falsafadood oo is-burya. Kala soco tirsiyada.
Adam Muse Jibril: waa qoraa madaxbanaan, iyo baadhe arrimaha taariikh-siyaasadeedka, dhaqanka bulshada, nabadda, Dibuheshiinta, iyo isbeddelka Cimilada ee geeska Africa
Waxaa laga la xidhiidhi karayaa:
Email-ka: adamjibril@hotmail.com

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>