Hargeysa(ANN)Allah ha u naxariistee Marxuum Axemed Maxamed Halac oo ka mid ahaa Saraakiishii iyo Aqoonyahankii SNM ee dalka xoreeyay, isla markaana ka mid ahaa musharixiintii doorashadii Madaxweynaha 1993-kii shirkii Boorama isugu soo taagay, ayaa ku geeriyooday 7 May 2012, dalka Swedan.
Qoraal tacsi ah oo Madaxweynaha Somaliland ugu tacsiyadeeyay Qoyskii, qaraabadii ehelkii iyo bushada Somaliland, ayaa u qornayd sidan:-   “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee MARXUUM, AXMED MAXAMED HALAC oo ku geeriyooday Waddanka Sweden, 07/05/2012, MARXUUMKU waxa uu ka mid ahaa Aas-aasayaashii  SNM, dhinaca kalena waxa uu ka mid ahaa saraakishii ugu horaysay ee Ciidamada Booliska Jamhuuriyada Somaliland, Markii ay Somaliland Madaxbanaanida ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska,
Marxuumku tan iyo xiligaa waxa uu bulshada dhexdeeda ku lahaa taariikh iyo sumcad weyn
Madaxweynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa MARXUUMKA, inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhammaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo. “

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Dhinaca kale shebekada wararka Araweelonews, haddii ay suurta gasho marxuumka taariikh nololeedkiisii waanu  idiinka soo gufbin doonaa, balse   waxaanu  tacsi taa la mid ah u diraysaa, qoyskii, qaraabadii iyo dhamaan bulshada Somalilnd, iyagoo ka tacsiyadaynaya geerida Marxuum  Axmed Maxamed Halac, waxayna marxuumka Illaahay uga baryayaan  inuu janadii ka waraabiyo qoyskii, qaraabadii , ehelkii iyo umada somaliland samir iyo iimaan ka siiyo, marxuumkana janadii fardawsa ka waraabiyo. Aamiin   Aamiin Aamiin.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *