Tan iyo markii Xukumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo shacabka reer Somaliland hogaanka dalka u doorteen waxaa ka soo wareegtey laba sano iyo kow iyo toban bilood, hadaba madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland baahidda shacabka reer Somaliland u qabey shaqaalaysiintiisa iyo siddii uu

wax uga qaban lahaa dhamaan baahiyahii jirey waa qaar aan lagu hungoobin oo waxbadan uu ka qabtay, inkasta oo dhisidda iyo qabyo tiridda nidaamka Dowladnimo iyo baahiyaha yaaley ahaayeen qaar aan shan sanno iyo toban sanno toonna lagu wadda saxi Karin, hadana Madaxweyne Axmed Siilaanyo qiimaynta iyo qaderinta shacabka reer Somaliland u hayaa waa mid 100%.
Inkasta oo dhaliisha iyo dayaca qaybaha kala duwan ee Xukumadiisa, wasiiradda iyo hawlwadeenadda kala duwani ay ku kacaan markasta si khaldan dusha loogaga tuuro Madaxweynaha, hadana Ummadda reer Somaliland waxay isku waafaqsantahay in hogaamiye Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo yahay hogaamiye tayooyin badan oo shaqsinimo ilaahay hibo u siiyey.
Aan ku bilaabee Madaxweyne Axmed Siilaanyo waa shaqsi qofka uu qaato aan si dhibyar ku tuurin ama kaga tegin oo xataa haddii lagu diro aan waxa loola yimid aan iska qaadan, isla markaasina aan daaqadda jujuub iyo jees jees kaga tuurin. Taasi waxaa marageedda ragga Xukumadiisa maanta ka tirsan ee wakhtigii Xisbiga Mucaaridkaa ee Kulmiye la soo wadda kifaaxay ama wadaddii dheerayd ee Kursiga loogu soo habeen dhaxay uu rag badan isku barteen, isla markaasina barashadaasi rag badan maanta ay masabyo Siyaasiya oo kala duwan ay u goysey, inkasta oo qaarkood ayna Xisbiga mudda dheer ku jirin.
Aniga oo ogsoon inay jiraan dad badan oo aan nasiib u yeelan in halkii ay filayeen ay gaadhaan oo aan ka bilaabaayo naftayda. laysugu dudi mayo, dagaal iyo duufaanadda Siyaasadeedna waa nin iyo aqoontii ama garaadkii oo raggu qaar sidda Galowga bararaf leeyey iyo nin iska aamusayba waa leeyahay, laakiin waxaan ognahay in ( Daruurta Illaahay shubaaba dadka wadda gaadhin),  waxaan halkaasi xigmadda ku jirta aan ka dheehan karaa in nin kasta oo cadey jebiyey aanay suuragal ahayn inuu masab,  ama boos siyaasiya helo. Waxaan dhinaca kale dareemi karaa oo caqliga saliimkii indhahoodu farta iigu fiiqayaan in Madaxweynaha culaysyadda isu raacay ay yahiin Barashaddii asxaabtii halgankii hubaysnaa iyo asxaabtii Xisbigii Kulmiye oo dhamaantood dadkaasi qancintoodda iyo in dhamaan ay helaan doonistooddu ay adagtahay markasta.
Aan ku soo dhowaadee waxaa foodda inagu soo haysa 18 May oo ah maalin shacabka reer Somaliland u leh ahmiyad weyn, magac iyo maamuus aan duqoobin oo ah maalintii Qarankani dib ula soo noqday madaxbanaanidiisa. Hadaba Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane/Madaxweyne Axmed Siilaanyo maalintaasi weyn Cafis madaxweyne mow fidin karaa Badhasaabkii Gobolka Maroodi-jeex, Mudane Axmed Cumar Xaaji Cabdilahi, Agaasime Axmed Cilmi yare, Cisman Saciid iyo weliba Boqor Cisman Buur-madow.
Aniga oo dareensan, kana dheregsan eedaha iyo dacwadaha ka dhankaa shaqsiyaadkan ee lagu soo eedeeyey, aniga oo og in sunaha dowladnimo uu xadhigu ka midyahay, aniga oo og in sharciga loo sameeyey in uu ina kala hago oo qofkasta lagu abaal mariyo waxii gaf, maamul xumo iyo dayaca ee loo tirinaayo in uu ku kacay.
Waxaa muuqata oo baahi weyn loo qabaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo inuu uga faa,iideeyo maalintan weyn iyo faraxeedda asxaabtaasi aan soo sheegay iyo weliba muwaadinka badan ee reer Somaliland oo qaarkood ayba dhici karto in sifa khaldan ay ugu xidhanyahiin Jeelka Magaala Madaxda Hargeysa iyo Jeelasha kale ee dalka.
Madane/Madaxweyne waxba kuu yeedhin mayo, laakiin in aragtidda iyo fikirka muwaadinku ku soo gaadhaa waa arin mahiima oo door balaadhan ka ciyaari karta toosinta iyo dardar gelinta Xukumadaadda oo dhamaanteen hareeraha aan ka joogno ilaalinteedda iyo toosinteedda hadba waxa u muuqda wax ka qabasho iyo meel marin dhaba oo danta dadka iyo dalku ku jirto.
Mudane/Madaxweyne weedhani Cafisku waa mid ka guuxaysa qalbiga iyo quluubta muwaadin aad u badan oo reer Somaliland oo jecel Hanaanka iyo xeerka hufan iyo geedi socodka Xukumadda aad hogaamiso oo berito ka maalin taariikhu qori doonto. Kelmadeydda u danbaysa waxaan hawda u marinayaa Madaxweynahii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane/ Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo aan leeyahay aan isi saamaxno Madaxweyne, waayo dagaal Siyaasiya iyo duulduul saxaafadeed ayaa jirey oo shaqsinimo, hayb iyo deegaan midna ahayn, laakiin kursiga iyo xag-xagashadiisa iyo mucaaridaddii Xisbiga KULMIYE ahaa. Markasta qorshaha wey iigu jirtey in aan iska gacan qaadno, waxii aanad xaq u lahayn ee ummaddan kaa soo gaadhey, waayo kursigu Cay, Habaar, Dagaal, Deelqaaf iyo Denbiyo badan oo hogaamiyaha laga gelaayo ayuu leeyahay, halka Hogaamiyaha laftiisa looga baahanyahay cadaalad, sinaan iyo midnimo oo iska ilaaliyo in ummaddiisa si khaldan in uu ugu liico oo xaqoodda u duudsiyo.
Cabdilahi Cali Xassan John
Liverpool
UK

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *