waxan halkan rabaa in aan Qoraalkaygan kula hadlo  saddex qolo, kuwaas oo aan u arakay inay lagama maarmaan tahay inaan wax  ka idhaahdo, maadaama ay jiraan xaalado siyaasadeed oo aan indhaha laga qarsan karin.
1.    Madaxweynaha JSL
2.    Shacabka iyo
3.    Ururuda aan guulaysan
Madaxweynaha midbaan leeyahay, madaxweyne dawladaadu waa caadifi, haddii la dhaliilo way gubataa, haddii la aflagaadeeyo dulqaad uma laha, haddii khalad dhaco khalad bay ku saxdaa, hubsiimo la’aan iyo degdeg baa jira, aargoosi degdega ayaa jira.
Madaxweyne in lagaa xishoodo oo lagu adeeco xaqbaad u leedahay, adna inad bulshada Somaliland ee codkooda maalinta dhan bacadka u taagnaa ee safafka dhaadheer kuugu jiray siday kuugu hiilin lahaayeen oo aanad markale u hungoobin sidii 2003 dee inad cadaalad ku xukunto oo dulqaad u yeelato oo aad waxqabad dhab ah u muujiso dee madaxweyne xaqbaa laguugu leeyahay.
Madaxweyne umadani uma baahna ku jiqsii iyo xiqdigii QAAXO laga soo bartay, lataliyaashaadu yaanay karkaarka ku waydaarin.
Umada Somaliland meelkastooy joogaanba waxa laga wada xun yahay tacadiga loo geystay Aqoonyahan C/raxman C/Qadir ma geyo waxa lagula kacay waanaanu ka xunnahay, waxa kaloo laga xunyahay qafladii lagu qabtay gudoomiyihii gobolka maroodi jeex iyo masuuliyiinta la xidhan ee xilka qaadis iyo xadhig degdeg ah la isugu daray iyo xadhiga Boqor Cismaan Buur-madaw.
Umadani way ka dhiidhiday kali talisnimo lagu maamulo oo wixii ladoonana la sameeyo NO! NO! taas waatii nafo dhami u hureen siday xornimo u heli lahaayeen waana tii lagu afgambiyay taliskii afweyne ee dulmiga ku caanbaxay, maanta ma tihid adigu Madaxweyne kii loo sheegi lahaa oo waadigii hormoodka u ahaa halgalkaa. laakiin waxa dhacaya mararka qaar dad badan ayaa is weydiinkara miyaanu Madaxweynuhu ahayn muj. Axmed.
Umadii oo dhami dhegahay taagayaan oo waa la yaaban yahaye, ka garaw waxa dhacay xaalna ka bixi geesinimona muuji madaxweyne  eshqiyasak.
Shacabkana midbaan leeyahay, waar maxaa qaaq idinka siiyay, madaxweynihii yimaadaba miyaydun ka qaylin oo aydun ku mucaaradi, xumaan uunbaa ina deeqda baan u malaynayaa, waayo waxay Soomaalidu ku maahmaahdaa inaynu KAL BAQDA LEENAHAY EE KAL XISHOODA aynaan lahayn.
Kusaliya Rasuulkiina “CSW” oo salka dhiga, oo madaxda cayda iyo aflagaadada ka daayay, oo siyaasadan meel walba lagaga hadlayo joojiya oo hurmarka wadankiina ka qayb qaata, siyaasiyiintuna yaanay inagu guurin oo nabadgelyadeena aynu ilaashano.
Takale, nimankan mujaahidiinta ah ee dalka usoo halgamay sida (Ibraahim Dhegaweyne, A/Rahman aw Cali, Muuse Bixi, Moxamed Kaahin, Xasan Ciise iyo kuwa kaleba yaynaan xil u dhiiban 5ta sano ee aynu dooranay mujaahidkooda u wayn (Madaxweyne Siilaanyo) ayaa inagaga filan maamulkooda waana la arkaa maantaba siday wax leeyihiin, horena u soo aragnay (wixii dhacay sagaashameeyadii) waayo xalkoodu waa xabad waa niman askara oo sanka ka hadla midba mid buu ka daran yahay.
Markaa waynu u ducaynaynaa iyaga (mujaahidiintaas) waanay soo halgameen khayr ale ha siiyee markaynu dhaqaale inagu filan helnona mid walba tarmiis baa loo qorayaa insha’alaahu iyo wixii kalee wanaagsan ee loo qaban karoba taalooyin lagu xasuustona waynu u dhisi.
Ururada aan guulaysan mid baan leeyahay, waxan leeyahay adeerayaal samra oo isdejiya, haddii maanta laydin reebay oo dusty bin  laydinku daray wakhti kaleba waydun soo bixi hadaad noolaataan oo maalmihiiba qaar baa dambeeya ee calm down please.
Haddaad bahdilaad tirsateen dee adeerayaal waa laydinka  horeeyay oo madaxweynaha maanta (Mud. Siilaanyo) waatii isba la bahdilay 2003 ee hadhgalay doorashadii uu helay laga siiyay Daahir Riyaale, waliba loogu daray in XAASkiisiina (marwada koobaad ee dalka) intay shaqo ku guulaysatay hadana loo quudhi waayay ee loo diiday cidina aanay ka hadal, ma bahdilaad ka weyn baa jirta adeerayaal, markaa dee caloolxumada waa laydiinka horeeyee samra oo ururada la yidhi way soo bexeen iskaga biira, siyaasadu samir iyo dulqaad iyo tanaasul ayay u baahantahay. Haddii kale saaxada ha imanina marka hore. shacbigana waxan leeyahay gamcaha is qabsada.

Wabilaahi tawfiiq
Waa Nura A Yusuf
Hargeisa Somaliland

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *