Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  ayaa maanta ka qaybgalay aaska Marxuum Ibraahin Maygaag oo si heer qaran ah loogu aasay xabaalaha qaranka ee Magaalada hargeysa, iyadoo ay sidoo kale aaska marxuumka oo saaka lagu keenay diyaad kadib

marii uu ku geeriyooday dabayaaqadii bishii hore dalka japan, aaska marxuumka oo ay ka qayb galeen kumanaan qof oo isugu jira siyaasiyiin, aqoonayhano, culimo, madaxdhaqameed, ganacsato iyo qaybaha kale ee Bulshada.

Madaxweyne Siilaanyo  ayaa si kooban uga waramay shakhsiyadii  Marxuum Ibraahi Maygaag Samatar, isagoo sharaxaad ka bixinayana Marxuumkana wuxuu  yidhi,  “ILaahay   Naxariistii jano ha ka waraabiyee Mujaahid Marxuum- Ibraahim Maygaag Samatar, ehelkiisii iyo shacbiga Somalilandna samir iyo iimaan ha ka siiyo, waxa uu ahaa saaxiibkay, wuxuu ahaa nin weyn oo wadani ah, aniguna saaxiib ayaanu ahayn muddo dheerna waanu wada shaqaynay. Halyay qaranna wuu ahaa. Waxa uu ahaa raggii wax ka abaabulay dhalashada halgankii dib u xoraynta. Wuxuu ahaa nin aqoon dheer u leh cilmiga dhaqaalaha iyo horumarka, wuxuu ahaa wadani aad iyo aad u weyn. Wuxuu ahaa Guddoomiyihii  shirkii SNM ee  1984-kii shirkii aniga la igu doortay, waxaana marxuumka mar wada nimi Ethopia  oo wefti ayaanu ahayn.”

Sidoo kale, waxa aaskaasi ka hadlay Madaxweyne Ku Xigeenkii hore ee  Somaliland Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, oo ka hadlay  aaskaasi ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii iyo shacbiga Somaliland oo uu ka tacsiyadeeyay geerida  Marxuum- Ibraahim Maygaag Samatar waxaanu yidhi “Nin aad iyo aad u wanaagsan ayaanu u aqaanay marxuum- Ibraahim Maygaag Samatar,  Bishii August 1984-kii ayaanu isbaranay shirweynihii SNM ee Jig-jiga, illaa 1991-kii markii dalka la soo galay waanu is naqaanay, nin dabeecad wanaagsan oo macaamil wanaagsan ayuu ahaa. Wuxuu ahaa nin geesi ah oo qaata khaladkiisa geesinimaduna waa ninka khaladkiisa qirta.”

”Waxyaabaha cajiibka ah waxa ka mid ah waxa uu ku dhashay Magaalada Hargeysa ee aynu ku aasanayno, wadanka galbeed adduunka ugu xigana wax buu ku bartay, wadanka ugu bariyeeyana wuu ku dhintay qadarka ILAAHAY ayaa caynkaas ah, waxaan dhambaal tacsi ah u dirayaa qoyskii iyo shacbiweynaha Somaliland ee uu ka baxay,”ayuu yidhi Md. Xasan Ciise Jaamac.
Dhinaca kale, waxa dhambaalo tacsi ah qoyskii Marxuumka u diray  Guddoomiyaha Xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe iyo  Guddoomiye Ku Xigeenka xisbiga UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, waxaanay Ilaahay uga baryeen  marxuumka Ilaahay uga baryeen inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoyskiisii iyo qaranka Somaliland-na samir iyo iimaan ka siiyo. Waxaanay shakhsiyadiisii ku tilmaameen nin wadaniya oo ku ad-adag qaranimada Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
Info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *