-
Published On: Sat, Feb 12th, 2011

Labada Xisbi Mucaarad Ee Somaliland Oo Xukuumadda Curdinka Ah Ku Noqday WALO Iyo JIIR, By, Ahmed Shire Mohamed (Baandheeye), UAE

Smiley face
Share This
Tags

Muddo Labatan sannadood  ah ayaa ka soo wareegtey waqtigii ay Somaliland go’aansatay inay ka go’do Somaliya inteeda kale,  ka dib markii ay u martay waddo dheer oo ay ku weydey Maal iyo Nafba, kana door bidday inay dugsato heeryadii gumaysiga iyo siyaasaddii gurcacnayd

 

ee keli taliskii Mohamed Ziyaad Barre kula kacay dadka ku abtirsada Dalka Somaliland.

Inkastoo muddadaas dheer Somaliland ku caan baxday inay tahay DAL  ka madax bannaan Dalkii la isku odhan jirey Somaliya, Nabad iyo kala dambayn ku dhisan distuur iyo shuruucna lagu maamulayey, haddana mar walba shicibka Somaliland wuxuu xukuumaddihii kala dambeeyey ku dhaliilayey in aanay marna u marin dariiqii ictiraafka loogu baadi dooni lahaa. Inkastoo Somaliland caalamku u arkayey Xiddig ka ifaysa Geeska Afrika, kuna soo shaac baxday Dimoqraadiyad taam ah iyo kala dambayn si weyn uga tisqaadday Somaliland, kana hirgaleen Doorashooyin Xor iyo xalaal ah, haddana mar walba waxaa bar bar soconaayey Musuqmaasaq iyo aafooyin si weyn u curyaamiyey hab socodkii shicibku filaayey inay ku gaadhaan Geedkii Ictiraafka iyo isku fillaanshihii Dhinaca siyaasadeed, Dhinaca Dhaqaale iyo dhinac nabadeedba.

Inkastoo Afooyinkaas aan soo tilmaamay ay mayalka u hayeen tiro yar oo danaystayaal ah, iskuna deyayey inay xuurto iyo xoog ku sii haystaan, haddana waxay meel ay ka dhaafaan waayeen in Allaale iyo intii danaynaysey jiritaanka qaranimada Somaliland, uu shicibku ka kow yahay iyo Haya’adaha Distruuriga ah ee dalka ka hirgalay.

Haddaan dib u milicsanno waqtigii Marxuum Mohamed Ibrahim Egal (AHN), wuxuu wax walba ka door biday inuu ummadda Somaliland boggooda Burcad isu mariyo iyo isu soo jiidis walaaltinimo, kana door biday Ictiraaf raadiskii iyo horumarintii Waddanka isagoo adeegsanaya dhaqaalihii dalka sida tooska ah ama sida dadban u soo gelayey. Marxuumku wuxuu jeebkiisa iyo hareerihiisaba ka dheereeyey musuqmaasuq dhaqaale oo isagu ku takrifalo, wuxuuna ka door biday inuu dhaqaalaha ku baadi doono isu soo helow iyo nabad ka dhex abuuranta Ummadda Somaliland ku abtirsata.

Haddaan dib u milicsanno Waqtigii Mudane Daahir Rayaale oo ahaa Madaxweynihii ugu muddada badnaa, waxaa waddanka ka hirgalay nabad gelyo iyo amni si weyn looga dareemo Geeska Afrika, wuxuuna dhaqaalaha intiisa badan ku bixin jirey Ciidamada Sirdoonka iyo Amniga Dalka guud ahaanba. Inkastoo  Mudane Daahir xoogga saaray Dhinaca amniga oo ah nolosha aasaaskeeda, haddana waxaa taas bar bar socdey Musuqmaasuq baaxad dhaafay oo si weyn dalka looga dareemay. Waxaa dhacday “BOOBA YAA WADDANII” lagu illaabey habsami u  socodkii dawladnimo iyo wax qabadnimo.
Wuxuu dhaqaalihii Dalku ku dhacay Jeebab khaas ah oo geddigood naxariistii shicibka iyo Dalkaba ka tagtay. Wuxuu dhaqaalihii noqday mid shicibka lagu kala furfuro iyadoo la adeegsanayo wax magaratooyin badan oo dantooda ka door bidaya tan qaranimada. Gebagebadii Musuqaasu wuxuu noqday mid shaqaalihii ku waayo musharkoodii yaraa, ujeedadiisa weynina ahayd in Xukuumadda Mudane Daahir Rayaale Xukunka ku sii haysato.

Markaan qoraalkayga ujeedadiisa ku soo dhowaado, Waxaa innoo soo baxaya in Cadhadii ku biirtay Shicibka iyo waaya aragnimadii ay ka dhaxleen Maamuladii kala horreeyey keentay isbeddel ka dhasha Dalka Somaliland, taas oo keentay inay shicibku ka baydhaan waddadii hore iyo Xisbigii Talada u soo hayey oo ahaa UDUB, iyagoo codkooda si xornimo iyo xalaalnimoba ku jirto ugu taageeray Xisbiga KULMIE  ee maanta Talada haya. Shaki kuma jiro in Kulmiye shicibkiisa ugu ballan qaaday Isbeddel horumareed oo qoys kasta oo Somaliland ahiba gurigiisa ka dareemo, hadday tahay mid dhaqaale, mid nabad gelyo  iyo mid siyaasadeedba.

Haddaba Su’aasha maanta la is weydiinayaa waxay tahay, Xukuumadda Madaxweyne Ahmed Siilaanyo ma tahay mid ballanqaadyadii uu shicibkiisa ugu ballan qaaday coodkoodana ku helay ku hagaysa dariiqii la rabey iyo isbeddelkii laga filaayey? Yaase la weydiinayaa oo dareemaya Isbeddelka? Ma siyaasi laga helay codkii? Mise afmiishaar ku mamay Musuqmaasaq iyo xoolo aanu ku dhididin? Mise Shaqaalihii Dulmanaan jirey iyo Shicibkii is beddel doonka ahaa?

Su’aalahaas Kor ku xusan Jawaabtooda waxaa la helayaa marka si caddaalad ah  loo sheego muddadii yarayd eek u sinnayd lixda bilood iyo badhka waxa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Qabatay ee shicibkeeda u qabatay, waxaana ka mid ah haddii aan la is xaasidayn:
•    Dawalad Tayo leh oo ay majaraha u hayaan Aqoonyahanno dalkooda iyo dadkoodaba u damqanaya.
•    Dhaqaalihii ku dhici jirey Jeebabka dadyowga khaaska ah oo ku  wada xerooday Khasnadihii Dawladda
•    Musharkii Shaqaalaha oo boqolkiiba boqol (100%) loo kordhiyey
•    Mushaharkii shaqaalaha dan yarta ah kaga maqnaa Xukuumaddii Rayaale afarta/shanta bilood oo la siiyey.
•    Waddooyinkii burbursanaa iyo kuwa cusub oo fara badan oo laga hirgeliyey Caasimadda (HARGEYSA), Berbera, Burco iyo Boorame. Taas oo maanta gaadiidleydu aad ugu mahad naqayaan.
•    Dariiqii Berbera iyo Hargeysa oo maanta hawshiisii socoto wax bandanna laga qabtay
•    Madaarada weli hawshoodii socoto iyo kuwa maanta bilicdoodii caalamku ku sheekaysto ee ay ka mid yihiin kan Berbera.
•    Ardaydii oo wax barashadoodii laga dhigay bilaash iyo kor u soo qaadista musharkii Macalimiinta, taas oo maanta guri kastaaba ama macalin kastaaba ka mahad naqayo
•    Bilicdii Magaalooyinka oo hawshoodii lagu guda jiro.
•    Biriijkii HARGEYSA ee muddada faraha badan qabyada ahaa oo iminka gebagebo                    ku dhow, maalin dhowna xadhiga laga jarayo.
•    Deynkii faraha badnaa ee Xukuumaddii hore kaga tagtay oo isaguna geba geba ah.
•    Derajooyinkii Ciidamada oo iyagana lagu dhawaaqay in hawshoodii la bilaabo isla markaasna dirayskii iyo qalabkoodii ciidanimo loo dhammaystiray.

In kastoo Gobolada qaarkood tabashooyin badani ka jiraan, haddana waxaa la oran karaa waar dawladdan curdinka ah shicibkeeda muddadii yarayd wax weyn oo dalka laga dareemo ayey qabatay oo aan sideedii sannadood ee ugu dambeysey cidina u qaban, ROOMna MAALIN KELIYA LAGUMA DHISIN.

Geba gebadii waxaan leeyahay, ama aan kula talinayaa labada XISBI MUCAARAD,  ama inta taxliisha dhaliisha cabtey, waar iyadoo muddadii yarayd Xukuumaddii curdinka ahayd intaas oo tallaabooyin horumareed ku tallaabsatay iyo xaaladda maanta Dalku marayo aad eegaysaan la idiinkama fadhiyo inaydin ku noqtaan xukuumaddan dedaalaysaa  WALO iyo JIIR Xadhka iyo YEESHA ka cunta. Waxaan kaloo leeyahay, Waar shicibkii mahad buu u hayaa dawladda e ha ku ceeboobina, hadalkiinana meel u daya.

Tan kale ee maanta aan labada xisbi mucaarad looga fadhiyini waa dhaleecaynta ay ku wajahan Wasiirka Arrimaha Dibadda oo la oran karo maanta wuxuu soo hooyey guul loo aayi doona midha ka dhasha oo ah inuu maanta shirkii Ingiriiska ka dhacay kaga qayb galay dawlad ka madax bannaan Somaliya, sida dawladaha kaleba kaga soo qayb galeen loona arkayey dal isagu la mid ah dawladaha kale, isla markaasna ka muujiyey milgihii iyo sharaftii Somaliland lahayd. Labada Xisibi mucaarad intay leeyihiin sharafta halaga xayuubiyo iyo khiyaamo qaran maxaa u diidey inay ku hambalyeeyaan oo yidhaahdaan

‘WAXAAN WASIIRKA KU HAMBALYEEYNAYNAA KA QAYB GALKA UU SHIRKAAS KAGA QAYB GALAY DAWLAD IYADU KA MADAX  BANNAAN Somalida kale. Bal intay dhinaca xumaanta ka eegayaan iyo mucsirnimada leh maxay dhinaca wanaagsan uga eegi waayeen. Waxaan leeyahay, Wasiirku wuxuu ku mutaystay abaal marin iyo qadderin…. Xagla laaban ,xusul duuban iyo aniga oo aan cidna la hadlayn ayaan ictiraaf doonayaa waa mucsirnimo, waana waxa dib innoo dhigay, ee mucaaradow arrinta dhinac kale oo dalka iyo dadkaba faa’iido ugu jirto hadalkiinna ula wareega.

Waa Bilaahi Towfiiq
Qore: Ahmed Shire Mohamed (Baandheeye), UAE
E-mail: yufle1@hotmail.com

 

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>