Go’aammadaas ayaan qoray oo soo saaray war-baahinta dalka iyo dibaddana ku faafiyay. Labadan Agaasime ee aan beddelay waxay ku jireen awoodaha Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta oo waxay xilka ku hayeen Go’aammo uu saxeexay Geel-jire oo ahaa Wasiir iiga horreeyay

 

Wasaaraddan Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta. Kama aan bixin xeyndaabkii awoodeed ee wasaaradda, sida laga yaabo in dadka qaarkii qabaan ama aamminsan yihiinba. Madaxweynuhu wuxu awood iyo mas’uuliyadba u leeyahay magacaabista iyo xil-ka-qaadista Wasiirka iyo Agaasimaha Guud.

Bal hadda u fiirsada warqaddan digniinta ah ee Agaasimaha Guud mar hore ku abhinayay kooxdan ka baxday xeyndaabkii Wasaaradda.

Arrintan xil-ka-qaadista Agaasimayaashu ma ay ahayn mid aan ku degdegay. Kor iyo hoosba waan ula hadlay dadkan arrimihii Wasaaradda suuqa la galay. Digniin ayay ahayd aan uga jeeday in ay inta hadhay wax ku qaadato, waanay ku qaadan lahayd, bal se madaxdii Qaranka ayaan diyaar u ahayn hab-samaanta maamulka, oo aan filayaa in ay dhabarka ak taabteen.

Xilli aan is-leeyahay wuxu ku beegnaa dhammaadkii bishii Abriil ayaan habeen Madaxweynaha kala hadlay Agaasimaha TV-ga Qaranka oo aan go’aansaday in aan xilka ka wareejiyo. Wax aan badnayn ayaanu ku yar murannay markii danbe se wuxu igu yidhi Wasaaradda adiga ayaa ka mas’uul ah ee waxaad doonto samee adiga ayaan kaala xisaabtami doonaaye. Habeenkaa waxaan u dhiibay CV-ga ninka aan u magacaabayay Agaasimaha TV-ga Qaranka. Maalin iyo laba ka dib ayaa culays xad-dhaaf ahi meelo kale iga fuulay oo la igu yidhi bal mar naga qallee. Qalad iyo qalad la’aanba, codsigaa waan oggolaaday. Aniga oo taa ka dhaqaaqayay isla markaana aan doonayn in aanu cid danbe muranno ama culaysba la I saaro, markan danbe Go’aanka inta aan qaatay ayaan qaybiyay, aniga oo aan diyaar u ahayn in aan cidna gorgortan kala galo.

Si aynu isula soconno oo isula jaan-qaadno bal aynu isla fahamno Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta, dhibaatooyinka ama murannada ka taagan iyo waxyaabaha u sabab ah murannadaas. Si kooban in aan idiin ku sawiro ayaan isku deyayaa ee ial socda oo ha iga hadhina.

Tan iyo 1991kii waxaad maqlayseen Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta, xaqiiqada jirtaana waxa weeye Wasaarad jirta oo miisaaniyad loo qoondeeyaa ma jirto. Maxaa jira haddaa? Waxa jira laba qaybood oo la kala yidhaahdo Radio Hargeysa iyo TV-ga Qaranka. Xukuumadda Dhexe Miisaaniyad-sannadeedka waxay kharashka u qorshaysaa labadaa qaybood, waxa kale oo dhammina iyaga ayay hoos yimaaddaan, markaas ayaa la isku yidhaahdaa Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta. Weliba inta badani Radio Hargeysa oo TV-ga ka miisaaniyad yar ayay hoos yimaaddaan. Markaad labada Miisaaniyadood is-ag dhigto tan Radio Hargeysa waxba ama aha, waxaana shilis oo wax lagu waday tan TV-ga Qaranka.

Markii dalka la soo gelayay waxa jirtay Waaxda Warfaafinta ee Ururkii SNM. Meey, 1991kii markii Burco lagu soo dhisay Xukuumaddii ugu horreysay, Waaxdii Warfaafinta ee SNM ayaa isu beddeshay Wasaaraddii Warfaafinta. Aniga ayaa ahaa Xoghayihii Waaxda Warfaafinta ee SNM oo xilkaa ku wareejiyay Cismaan Aadan Doo loo loo yaqaannay ‘Quulle’ Ilaahay ha u naxariisto e’. Halkii ay Waaxdaasi deggeneyd ayay Wasaaraddii Warfaafintu qaadatay.

Markii radio Hargeysa la dhisay ayay Wasaaraddii Warfaafintu u wareegtay xarunta Radio Hargeysa, sidaa darteed ayaa Wasaaradda lagu dul dhisay Radio Hargeysa oo Wasiirku fadhiisan jiray bartii uu lahaa Agaasimaha radio Hargeysa.

Markii aan Wasiirka ahaa mushaharka waxaan ka qadan jiray Radio Hargeysa, gunnadana Tv-ga Qaranka. Tusaale kooban haddii aan idin siiyo Wasiirka iyo Agaasimaha TV-ga Qaranku mushaharka wax caynkaas ah is-maba dheera, halka Agaasimaha Radio Hargeysa aanu wax caynkaas ah ka qaadan.

Radio Hargeysa waa idaacaddii ugu horreysay ee Soomaaliyeed ee la furay, ballaysinkeeduna wuxu ku beegnaa ilaa 1941kii. Hantida ugu qiimaha badan ama dhaxlka suugaaneed ee ugu qaalisani waa ka dhex yaal Qolka Keydka ee radio Hargeysa. Sidaa ay tahay agabka qiimahaa lihi wuxu marti u yahay TV la furay 2005tii oo marna laga jaro, marna lagu jilo. Waa nasiib. Ma is-tidhaahdeen waa hangoolkii lagama-maarmaanka ahaa habeenkiina dibadda lagaga seexanayay ee aan guriga meel ku lahayn.

27/8/2012ka:

Maalinnimadii:

v  Waxaan subaxdii hore ku kallahay Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta. Waqti ku beegnaa ilaa 7.30kii saacadood ee subaxnimo ayaanu bartaa ku kulannay Wasiirkii Wasaaraddaas, Sheekh Khaliil. Bariido ka dib waxaan weydiiyay wuxu ka og yahay Idaacadda FM-ta ee Radio hargeysa la dhex dhigay. Wuxu si deggan oo aan shaki lahayn iigu sheegay:

In uu ka war qabo, uu ogaa in Idaacaddan Radio Hargeysa la geeyay oo lagu jitaabinayay,
In ay ku talo galeen in ay noqoto Idaacatul-Quraan oo Quraanka lagu baahiyo,
In ay Wasiirka Madaxtooyada ay isla og yihiin,
In miisaaniyadda kal-danbe lagu dari doono oo xukuumaddu iibsanayso kol haddii la jitaabiyay,
In ay damacsan yihiin in Idaacadda cusub maalin lala furo,

Wixii halkan ka danbeeya, Idaacaddan cusub ee la dhigay Radio Hargeysa waxay taxanaheennan inoogu suntanaan doontaa Idaacadda Siddeedaad.

Waxba kama waalin Sheekh Khaliil ee waxa keliya ee aan ku idhi waxay ahayd in uu si rasmiya u soo sharciyeysto Idaacadda oo aanay si dhuumasho ah Radio hargeysa ku gelin, inta uu sharciyaddaa soo samaysanayo ka horna laga dhex saaro Radio Hargeysa oo aanay saacad danbe sii dhex oollin. Waan ka tegay annaga oo sidaas ku heshiinnay. Bal ka warran adiga oo xarun aad xukumayso la soo dhigo Idaacad la hadli karta ilaa shacbi ku dhow milyan qof! Yaa mas’uuliyaddaa qaadaya. Alla inta dawladnimada laga garanayaa yaraa. Bad bad aan la gelin baa jirta.

Idaacadda haddi la oggolaadayba in ay dalka timaaddo sow meel walba laguma jitaabin karayn maxaa Wsaaradda Warfaafinta loo la soo doonanayaa?

v  Laba ka mid ahaa Agaasimayaashii Waaxaha ayaan xilkii ka wareejiyay oo aan ku amray in ay u tiriyaan kuwa ku xiga. Agaasimayaasha aan xilalka u magacaabay mid waan garanayay oo Xuseen Cabdillaahi Deeqsi ayuu ahaa, ka labaad se weligay ma arag mana aqoon ee waxa la ii sheegay in uu ku-xigeen mas’uul ah yahay. Go’aankii Wasiir ee aan maalintaa soo saarayna waa kan ee iga guddooma:

JAMHUURIYADA                                                                                                                                                                                  REPUPLIC OF

SOMALILAND                         SOMALILAND

Wasaaradda Warfaafinta                                                  Ministry of Information

& Wacyigalinta Qaranka                            & National Guidence

Contact address: 0025-2 523981, 00252-24240188/4424258/4142533;

Ref: 05/08/2012ka,

27/8/2012ka,

Ujeeddo: Go’aammo Wasaaradeed

Aniga oo ah Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aan halkan ku soo saarayaa Go’aammo-maamul oo daarran dar-gelinta hawlaha Wasaaradda qaybo ka mid ah. Waxa kale oo aanu go’aammadan uga gol leenahay in aanu hawada iyo saaxaddaba ka saarno hadal-haynta demi weyday ee lagu saydhinayo Wasaaradda Warfaafinta oo ka mid ah hormoodka hay’adaha Jamhuuriyadda Somaliland oo maamulka iyo hoggaanka Mudane Axmed Maxamuud Siilaanyo, dedaal iyo duunyo badanba geliyay, mana suurtowdo in guulihii xukuumaddan dedaashay loo beddelo guul-darrooyin iyo dacaayado ay ku dawarsadaan ma-kas aan dal iyo dadba muraad ka lahayni.

Waxa kale oo aanu go’aammadan uga gol leenahay in ay digniin u noqoto dad faro-ku-tiris ah oo caadaystay in ay wiiqaan hawlaha Wasaaraddan.

Go’aammada Wasiirka:

1.    Xasan Maxamed Maxamuud: Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Xisaabaadka TV-ga Qaranka:

Soddonkii Bishii Juulay, 2012ka ayaa Hanti-dhowr ku waa-bariistay Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta, hawl-galkaas oo dhaliyay in Saldhigga kood-buur lagu xidho Xasan Maxamed Maxamuud. Arrintii waxay gashay Xeer-ilaalinta iyo Maxkamadda oo Xasan Maxamed Maxamuud ku sii deysay dammiin. Intaa ka dib warqad u qoran sidii taararkii hore ayuu Hanti-dhowrku noo soo qoray oo ay ku sheegeen:

Tirada lacageed ee Xasan Maxamed Maxamuud lagu soo eedeeyay,
Iyo in aanu hawhiisii geli karin ilaa ay baadhistu dhammaanayso,

Xasan Maxamed Maxamuud Xeerada Warfaafinta in uu soo galo wax fal-denbiyeed ah oo ku jiraa ma jiro oo aan ahayn in aanu hawshiisii hore qaban ilaa inta ay baadhistu dhammanayso. Arrinta Xasan Maxamed Maxamuud hawl aniga ii taal ma aha, umana taallo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo arrin khusaysa ma aha. Waa hawl u taal Hanti-dhowrka iyo Garsoorka Somaliland, waxaana lagu camal-fali doonaa wixii go’aammo ah ee ka soo baxa.

Haddaba maa-daama ay baadhistii dheeraatay, hawlaha xasaasiga ah ee Wasaaradduna u xannibnaan karin, waxaan si-ku-meel-gaadh ah xilkaa ugu magacaabayaa:

Maxamed Sheikh Maxamuud Cawaale oo ah Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Xisaabaadka ee Radio Hargeysa,

Xuseen Cabdillaahi Deeqsi oo ah Madaxa Barnaamajyada ee TV-ga Qaranka, waxaan u magacaabay Agaasimaha TV-ga Qaranka,
Cumar Maxamed Faarax oo ah Tifaf-tiraha Wargeyska Dawan, waxaan u magacaabay Guddoomiyaha Dawan Media group,

Aniga oo hawshoodii hore ay u soo qabteen uga mahad-celinaya, waxaan si naxariis leh oo weliba debecsan uga codsanayaa Madaxdii xilalkaa hore u haysay in ay Madaxda cusub ee la magacaabay xilalkii ay hayeen ku wareejiyaan, iyaga oo mahadsan ugu danbeyn, 1da bisha Sebtember, 2012ka.

Waxa xilalkaa kala-wareejintooda u xil-saaran in ay fuliyaan Guddida hoos ku qoran:

Cabdirashiid Jiibrii Yuusuf: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta,
Siciid Aadan Cige: Agaasimaha Radio Hargeysa,
Mukhtaar Axmed Sheekh Aadan: Agaasimaha Waaxda Qorshaynta,

Fiiro Gaar:

Baahida jirta awgeed, Ku-simaha Agaasimaha Waaxda Maaliyadda iyo Xisaabaadka Maxamed Sheekh Maxamuud Cawaale, wuxu hawshiisa bilaabayaa berrito oo ay bishu tahay 28ka, Ogos 2012ka, haddii Eebbe idmo.

Gobannimo dadkaa mudan,

Galladdana Allayska leh,

Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe)

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee Jamhuuriyadda Somaliland

(La soco……………………………………)

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *