Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka qaybgalay Aas qaran oo loo sameeyay Allah ha naxariistee

 

Marxuum Aadan Shire Faarax (Aadan Sanweyne) oo ka mid ahaa xubnaha Odayaasha Golaha Guurtida ugu maga dheer. Marxuumka ayaa ka mid ah dhawr qof oo shalay gaadhi ay wateen daad ku qaaday Dooxa Laf-ruug ee wadada isku xidha Hargeysa iyo Berbera, iyadoo Maydka Marxuumka oo la baadidoonayay ilaa shalay casarkii xalay saqdii dhexe laga soo helay halkaa.
Waxaana Marxuumka saaka lagu aasay xabaalaha Hargeysa, iyadoo ay aaska ka qaybgaleen Madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo, shirgudoonka labada gole iyo dadweyne tiro badan.
Madaxweynaha Soamliland waxa uu tacsi Tiiraanyo leh u diray Golaha Guurtida JSL, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Marxuum Aadan Shire  Faarax (Aadan Sanweyne) oo ka mid ahaa Odayaashii bud-dhiga u ahaa Golaha Guurtida JSL, isla markaana tan iyo markii la aasaasay golahaa  kasoo shaqaynayay mudo dheer.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumkaasi ku sifeeyey oday qaran oo ka baxay bulshada Somaliland iyo qarankaba, laguna xasuusan doono doorkii uu ka soo qaatay dib u heshiisintii iyo dib u dhiskii qaranka Somaliland, wuxuuna Marxuumka iyo intii la socotayba illaahay uga baryay inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo.
Allah ha u naxariistee Marxuum Aadan Shire wuxuu ahaa Oday dhaqameed wax badan kasoo qaatay halgankii dalka lagu xoreeyay,  nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, wuxuuna ahaa Ilaaahay ha u naxariistee Nin mabda adag oo ku adkaysta mawqifkiisa iyo wuxuu aaminsan yahay, isla markaana Bulshaawi ah oo jecel inuu ka Odayeeyo khilaaafyada soo dhexgala golaha uu ka tirsnaa iyo golayaasha kaleba.
Shebekadda Araweelonews waxay Tacsi u diraysaa Qoyskii Qaraabadii, Eeheladii, Golaha Guurtida Iyo Ummada Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Aadan Shire Faarax, waxayna Illaahay uga baryayaan inuu Naxariistii Jana Fardawsa ka waraabiyo iyagana Samir iyo Iimaan ka siiyo.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *