Madaxweynaha JSL Md:  Ahmed Mohamed intii uu talada hayey wuxuu booqashooyin ku tagay wadamo badan.  Dawladaha dalalka laga casuumay qaarmood wuxuu la soo galay

heshiisyo sidaas oo kale wuxuu heshiisyo ganacsi la soo galay shirkado danaynaaya maal-gashiga Somaliland isaga oo ka wakiil ah dalkiisa iyo dadkiisa haseyeeshee looma soo bandhigo dadweynaha lamana yaqaano wuxuu heshiisku ka kooban yahay ama nuxurkiisu yahay.

Madaxwehuhu markasta oo uu soo guryo noqdo hadalkiisa wuxuu ku soo koobaa safarkiisii in uu guul ku soo dhamaaday, maamuus heer sare ahna lagu soo dhaweeyey isaga iyo weftigiisaba intaa wax kabdan masheego saxaafadana looma ogolaado fursad ay su’aalo ku weydiiyaan  si ay ugu iftiimiyaan dadweynaha nooca heshiiska iyo inay dani ugu jirto Somaliland iyo in kale.

Waxaad moodaa madaxweynuhu in aanu ogayn ama isdiidsiinaayo in ay umadu xaq ugu leedahay in ay wax ka ogaato heshiisyada lala soo galo dawladaha ama kanbaniyada sida kuwa shidaalka. Xukuumadu ugu yaraan waa in ay la socod siisaa golayaasha qaranka iyo madaxda xisbiyada waana hab-dhaqanka wanaagsan ee dawladaha dimuqraadiga ah.  Haa, way haboontahay in arimaha qaarkood ay noqdaan qarsoodi sida heshiisyada ku saabsan iskaashiga amniga iyo arimaha milatariga.

Runtii xisbiyada mucaaridka ah, xubno ka tirsan golaha wakiilada, saxaafada madaxbanaan iyo aqoon yahanka reer Somaliland in badan madaxweynaha waxay ugu baaqeen welina ugu baaqayaan in heshiisyadu noqdaan wax cad oo aan mad madow ku jirin (transparent).  Waxa iyana taxadar iyo aqoon u baahan heshiisyada lala galayo shirkadaha shidaalka oo waayo-aragnimo dheeraad ah u leh gorgortanka iyo sida loogu bursado, Dalalka aan khibrada laheyn waxay ku khiyaameeyaan weedhaha iyo erey bixinta qoraalada sida ku dhacday dalal badan oo Afrika .

Si kastaba ha ahaate waxay u egtahay in madaxweynuhu heshiisyadii uu soo galay dhamaantood ka dhigay wax sir ah oo anay cidina la ogayn marka laga reebo koox yar oo ku dhow dhow hase yeeshee taariikhda waxaynu ka baranay madaxweyneyaasha guntiga gashada ama qarsada siraha qaranka isagana waxa qarsada ama uu lahayste u noqda inta la og ama la socota sheekada. Anigu ma aaminsani lagamana yaabo in madaxweynuhu dadkiisa khiyaamaynaayo, waxaanse u malaynaya in ay farsamo xumo ka tahay ama in ay rag damac iyo dano gaar ah lihi ku qanciyeen in uu sidan u maamulo.

Dhinaca kale madaxweynaha JSl Md: Ahmed Mohamed Mohmoud iyo weftiigii oo uu hogaaminayey waxay dawlada Imaaraadka weydiisteen ama ka codsadeen in laga caawiyo mashaariic dhawr ah iyada oo aan waxba laga fulin kuwii loogu balan qaaday sanad ka hor ama madaxweyneyaashii ka horeeyey.  Hore ayaa loo yidhi in baahani ma quusto, hadana waxa loo sameeyey balan qaadyo kale kuwaas oo weftigu aad ugu farxay sida laga daawaday telefishenada .

Madaxda Somaliland markasta waxay isku khaldaan soo dhawaeynta, marxabaysiinta iyo shax-shaxda saraakiisha protocol-ka iyo hadalada macaan ee afka baarkiisa ah ee  madaxda martida loo yahay , markaas ayey u qaataan in la jecel yahay waxkasta oo ay codsadeena in si niyad sami ah looga aqbalay ama sida ay tahay loo fulin doono .

Cabdiraxman Cadami

abdirahmanadami@yahoo.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *