Gedgedoonka maankiyo qalbiga, gocasho soo boodka,Xaajada garlayliga jartiyo, Gun u saluugayga

Gibladiyo mashxaraddayda iyo, farax la goohayga
Gandoodkayga taahayga iyo, goobo xaradhkayga

Gurmadkiyo haloosiga taxmiyo, guluf alooskayga
Gama’li’ida reenkayga iyo, jiif galgaladkayga
Goobyaalka caga-jiidka iyo, Meel-ka-gabargaalka
Gucla orodka seeraarka iyo, geyllan dirirkayga
Haddaan geestan eegana cabsida, gaarkay igu raaran
Gabranaanta qoollaalligiyo, mala gorfayntayda

Gadoobnaanta yeelkayga iyo, kala gantoobnaanta
Garab lida soodhkayga iyo, gooninnimadayda
Goofkiyo xabaalaha shixnadan, godadka buuxbuuxa
Cagta go’an lugaa iyo gacmaha, gabawar duugoobey
Naafada garbaha kaashatee, sumucu gaagaabshey
Geerida shinkeed dhaaftay iyo, Guri dambayskayga
Goodaadsigaygiyo hiyiga, garar tallawgiisa

Kol haddaan wadnuhu kuu garrayn, geydha kugu yeedhye
Garasow anaa kula hadlee, gacalkayow heedhe
Nafta gororaheediyo haddii, galowda lays taabto
Geesteyda waafule ninkii, goob ka saahidaye
Guddoon dhacayna waa doqon ninkii, gaar u faashadaye
Guri ba’ayna waa cadow ninkii, raarta sii guraye
Gobannimana waa quus ninkii, gawska dhaafsadaye.

Ummad geeska loo tumay habeen, gocasho soo jeeddo
Haddii aan tashiga loo golayn, amase gaashaanka
Fallaadhiyo gabooyaha haddaan, godobta loo taaban
Iyadoo gadoodiya hadday, fadal garmaammayso
Hadba nabar gataatiya hadday, gebi dhac tuuryayso
Galladdeeda oo dhow hadday, gaadhi kari weydo
Inta gudashadeed tahay hadday, geysan kari weydo
Iyadoon garaysnayn haddii, gacantu ay daasho,

Gamaarshaa ku dhaca amase way, gabax tidhaahdaaye
Gabbashay liqdaa amase way, gamashi luuddaaye
Way kala guddaa amase way, kala go’doontaaye
Ways gawdhisaa amase way, feedha gurantaaye
Guushay nacdaa amase way, gubasho oydaaye.
Inkastoo guddoonkii burburay, loo gudcura joogey
Inkastoo go’aankii dulliga, geesinnimo diiddey

Inkastoo giyigu waa xormee, gaadhka lagu meershe
Inkastuu gaggaabkii cuslaa, garangar duul duulay
Xaajada god-raaca leh haddii, loo gabbala eego
Sida ay u kala geysan tahay, way gun dheertahaye
Kol haddaan garaad lagala hadhin, galabba sheeggeeda
Inta maanku gaajeysan-yahay, guuli waa weliye.
Gashigayga way dhaqanyihiin, gaasaskii qabaye

Weli gaaf dugsoon bay hurdaan, ganacya weyntiiye
Dibjirkii gidaarrada hurdaa, laysu soo guraye
Gebegebe rag lagu keenay baa, layga gadayaaye
Erey gara haddii loola tago, godol ma waayeene
Gargaarkoodu wuu dhimi lahaa, guul-darrada taalle
Lafa gerina wayjebin lahayd, maalin gudeheede
Gobanimana way dhalin lahayd, loo gudboonyahaye
Gacalnimana way hubin lahayd , aan la goyn karine.

Weli gumucu meel baydhsan buu, gawda ku hayaaye
Gariirkaad maqlaysaan ka dhow, goobahaan rabaye
Gadhqaadkeedu waa leexsanyahay, waana gudayaaye
Garar loo maleeguu ku ridey, guura socodkiiye
Guudkeedu waa wada fin iyo, gaatir iyo booge
Hadday gooli-baadh tahay, waxaa gabay raggeediiye
Guyaal iyo guyaal bay rarteen , gocorro shaydaane
Iyadoon goblamin baa haddana , geelo loo hadhaye
Gol-dalooladeedaa ka badan, galalka ciideede

Gelin looma wada sheegi karo, xaajo geda weyne
Gawdiidka iyo quusta waa, lagu gumoobaaye
Mar haddaan hillaab lagu gudbayn, giriftan mooyaane
Gabgabteedu waa xubin intay, gawrac leedahaye
Geeddiga cagaa daaliyaa , lagu geyoodaaye
Gellimaadka hayskaga jirtiyo, goosan habaqlaaye
Gubuxsiga mar uun bay tirsiga, meel ka soo geliye
Gargaraaciddeediyo ha deyn, geed ka didinteeda
Garashadu hadday ruux la tahay , suu u garanaayo
Garaadkiisu suu qabo haddii, loola garan waayo
Gardarruu u qaataa ninkii , yidhi garaadkiise

Xaajadu markay gobo’da iyo , gawda culus joogto
Keligii nin gaashaantay wuu, gola ka fuulaaye
Gadaashiisa uun baa durbaan, laga garaacaaye
Labadiisa geesood ma jiro , ruux ku gelayaaye
Arrin lalama guulee warkuu , gura yidhaahdaqye
Dadka wuxu u gacan haadiyaa, qof iyo gaarkiise

Gendi iyo dhukaan buu qabaa, cudurro guumeede
Gogol wuu ku shaashoonayaa, loo gudboonyahaye
Sida goray fallaagoobey buu, Gooni joogyahaye
Kol hadduu nin mawd lagu gudbadey, tiisa uga guuro
Xil uun buu guddoontaye ka baydh, gudashadiisiiye,
Ka galgaley habaar-qabe halkuu, gool ku cuno weyne
Nin hadduu tashiga guuto faran, keli ganaanaysto
Gaaraayucuuntiyo shinnida, gurucya dhaadheerta

Giiryaalayaashiyo fulaa, laguma guuraanka
Gumarta iyo maajeenta iyo, geed-xunkiyo tuugga
Gungunnaafka iyo maarta iyo, gocorka aan quudhin
Kun ninoo guraangura hadduu, goob isugu keeno
Guufkiyo haddii hooda iyo, giniga loo qaybsho
Dadka kale intii gudan haddii, gararka loo jiido,
Ninka gaaban meel dhow haddii, looga geda-sheegto
Guubaabadeedii haddii, loogu godadleeyo

Hadallada galoofta ah haddii, loogu mala gaaxsho
Guryo-noqoshadeedii haddii, lagu gawaan-raacsho
Gabbal daye sidiisii hadday, laba gar-daymooto
Shimbiraha gabraartiyo hadday, galow wax weydiiso
Kol hadday galaydh soo kallahay, laabta uga guuxdo
Garba-raar cadhaysani hadduu, gooyo taladeeda
Guulkeedu dheeraa sidii, geenyadii Bixine

Weligeed fal baa loo guntaa, lagu guhaamaaye
Mar uun bay gadooddaa siday, gees lo’aad tahaye
Galab xiisaheedaa wakhtigu, kaga gaboobaaye
Ninuun baa ku guuree iyada, geeddi waw weliye
Marka wiil ku guro Naarta iyo, godadka Yaahuuda
Ayay kii Jannada geyn lahaa, dayasho goobtaaye
Marka uu galaa buu iyaga, guba yidhaahdaaye

Markay raar guraysaba nin bay, gudub tidhaahdaaye
Gabno ugubi way quusisaa, gaawe Cumarowe
Garab-daar ninkii lagu bokhraa, geedad sare waabye
Gar-ma-qaatayaashiyo dadkaa beera, ruux gudhane
Ganbo nimaan la soo bixin haddii, guulo lagu waabo
Markuu dhaawac geystaba haddii, loo gargarateeyo
Isagoo canaan lagu gudbiyo, gaarran filanaaya
Giblo iyo haddii sacabbo lulan, loogu gogol-xaadho
Keligii inuu guurti yahay, maalintaa gunudye

Marka uu gadaan iyo gadaan, Gacan-togaaleeyo
Ayuun buu waxaan ganac lahayn, sii gorgoriyaaye
Seetada nin goostaba, wuxuu gesto lala yaabye,
Mar hadduu tallaabada gurguro, gaatan iyo booddo
Dhaaxaa gadaal laysla tebey, wiil galbaday jeere.
Toojaba waxaa lagu godlaa, say u gaar tahaye
Gurranidu mar waa dhalasho iyo, gacanba qaabkeede

Marna waa calool garac siddiyo, xaal ku soo gala’e
Kol haddaanay maankaaga gadin, talana kaa geynin
Gurracnaanta qiil lagu saxoo, loo gudbaa jira’e
Gudboonaantu way daalisaa, ruuxa meel gurane
Nin hadduu go’aankiyo sharciga, gawrac ugu jiido
Hadba goondhabaaliyo hadduu, Gooddi-furan keeno
Gacalnimo hal loo yidhi hadduu, gubasho sii beero
Guudaan haddii uu ku liqo, ereyga geedeysan

Runta wuxu u guul-guulayaa, way gun-dheer tahaye
Goldaloolo qudha maaha iyo, goonnidaa taliye
Gedaan loo filayn baa jirtiyo, Geel-la-daaq kale’e
Hadba geed-is-maris baa u hadha, guul dad leeyahaye
Miyaan Geeddi-Baabbow arladu, gelina waayeynin.
Gole miiggan, geed sheegan iyo, garangar muunaysan,
Gudban iyo cod laba geesa iyo, guurti kala soorta,
Garnaqsiga mudducigoo tashiga, gooni uga showrey,

Geda labe maddaacaley hadloo, dhaabad Wan geystey,
kala gurasho meertiyo rogaal, la isla guur guurey,
Maahmaaho wada guuna iyo, gabayo raac raacay,
Guddoon dhacay hubaal iyo go’aan , layku gacan qaaday,
shan god oo murtidu leedihiyo, gororka suugaanta,
Gedda hadalka loo ruga geshiyo, marin gobaadeed dheh.
Gobannimadu waa libin ku taxan, geeddi nololeede

Waa gumaro aadmigu hantiyo, guusha ugu weyne
Guddoonkeedu waa faral siyaal, loo gafaa firine
Geduun buu ka leeyahay khalqigu, maalintuu gado’e
marka uu gabaabsiyo xilliga, laga gu’weynaadey
Ayuun baa ninkii gudan karaa , dhan ugu guuraaye
Qabyadeedu waa guun intay, gaadho weligeede

Galab noolba ooddeedu waa , gudinta loo hay-ye
Nin gufeeya mooyiye ma jirin, ruux gunaanadaye
Gelbiskeeda oo qudha hadduu, tacabku kuu gooyo
Adigoo gadaashaday hadday , guure kugu dhaafto
Gommodkiyo yaboohdeedu way, goora badataaye
Haddii aan gantada loo adkayn, amase gaafaanta

Guddo iyo waxay yeelataa, gulufo shaydaane
Gaadaa dhexdeedaba ka kaca, maalin gelinkeede
Gacmaa lagu xejaa amase way, galab dhaqaaqdaqye
Waa lagu gam’aa amase way, geeri badisaaye
Gob baa lagu noqdaa amase waa, lagu gumoobaaye.
Garan maayo maalmaha intuu, soor gad leeyahaye

Mar hadduu gidaad bahal qabaa, gaajo kula ciiro
Gujo-dhaadhigeediyo hadduu, taabo gorofkeeda
Waxba kama go’aan ruux ku shubay, xeedho gudaheede
Hadduu gaar u maamulo qof, waa geel nin leeyahaye
Inkastoo gantaal iyo wed iyo, gawrac lagu hooyo
Meel loo gun-raaciyo haddaan, gogol dhig loo yeelin
Mar haddaan garaad loo lahayn, wayska gubataaye
Geedkeed ba’waa sixir haddaan, garasho hilayne

Hadduu gaws dhurwaa ruugi karo, waa lafguri taalle.
Gunti-furey nin caashaqay haddii, guudka loo sudho’e
Galacdeeda uun baa indhuhu, golongol eegaane
Giniis iyo hadday kala dhaxlaan, Gaar-la-ababkiisu
Waa maro gargaranoo adhyaha, lagu gabraartaaye
Mar hadduu waraabuhu gashado, Giiro waa halise
Iyadoo gashaantiya sidii, Loola gogol dhaafay

Guurkeedu tuuguu ahaa, Gaabsi iyo beene
Iyadoo garoobiyo markay, Guudka fidhanaysay
Inanuu gumaystuhu dhalaa, Gaadhka ka ahaaye
Gaboowgeeda way doonantahay, gedaha waayeele
marka ay geyaan sheelataa, garacu yeeshaaye
Hadba wiil is gaalaynayaa, loo gu’tiriyaaye

Nin dharaar wuxuun laga guntay, guushu jamataaye
Gobannimadu ruux kuma xidhniyo, Giib ninkii dilaye
Agaabaynta maalmaha gudbiyo, galaha taariikhda
Gadood dhacayba sheekuu lahaa, geyfan iyo raade
Ganba-xoorka waayaha haddii, laysu minan guursho
Dad uun baa ma guurtada lahaa , goobihii baxaye.
Gurgurshaagu awr buu ka yahay, rarasho gaadiide

Gadh-wadeenku ruux buu ka yahay, geylan wadareede
Nin uun baa guddoonsha’e xil waa, laysu gororshaaye
Galladduna waxay saaran tahay , wax isu geygeyne
Inkastuu wax galo ama wax gudo , ama wax weyn gooyo
Inkastuu galool mudhay ka yahay, dhiraha gaagaaban
Hadduu geel abuuriyo hadduu, gaas cartama beero

Inta ruux wax gaadhsiin karaa, way gun dhowdahaye
Noloshana galgalaheeda iyo, gebi ahaanteeda
Waxaan geesi karin baa jiroon, gaar ninawfaline,
Xaajaba gan baa loo unkaa, talaba waa goore
Ummadyahay tiraa kaa gedmane , wax isu geygeyso
Ninkii aad garaaddiyo shaxshaxo, saartay garabkiisa
Kol hadduu dharaar goonya kulul, kaa gelgelin doontay
Waxaad galabsatuun baa jiree, gaado kale yeelo

Ninkii aan gondaha kaala dhayin, gololo hawsheeda
Gardaadkaaga yuu baran inaan, taada lagu gaadhin
Hadday gibili kaa saarantahay, gocomo hooseeya
Waxaan geedna kaa qarin indhuhu, yay ka gabargaalin
Hadba soo gadaal eeg ninkaad, gadato hiilkiisa
Gol dalooladaaduu nin ogi, galagalaystaaye

Aduun bayse kaa go’an yihiin, maalmahays guraye
Godan baa la yeeshaa xadhkaha, haysku wada giijin
Geyigiisa wiilkaan ahayn, gibilka mooyaane
Gun-dhigiisu meel kaa fog buu, geed ku leeyahaye
Si aad uga go’daba ruux ku neceb, gaarar kala yeesha
Guushaada waa lala jiraa, gees ha ka ahaannin
Godobtaada meelee intaan, gacantu kaa boobin
Gacalnimada noolee intaan, gocasho kaa oodin

Guddoonkaaga reeree markay, kula gudboonaato
Gamaaddaada muunee haddaad, geeri huri weydo
Guntashana xusuusnow waxaad, godolba soo joogtey
Gurgurshaana haw raran nimaan, gudasho kuu doorin
Garashana ogsoonow inay, xaaja badan goyso
geeraarku waa sede hadduu, kuu ged-bixi-waayo
Adba goor is weydii intuu, gabaygu kaa dhaafo.
Cir gadoodey, dirir gaamur da’ay, galayax waalaystay,
Onkodkoo gariirkii ka baxay , galowgu yaab yaabay,

Guulaamo sawsaba kortiyo , dhibic garaaraysay,
Guluuluco mareegeysey iyo, gabadhle miish-miishtay,
Fad godladey, mahiigaan dhex galay, mayay ku soo gaadhey,
Waqal gaaftey jarar soo gabradey , gebiyo soo ciiray,
Gibil bururtay, gale foos burburay , galangal leexastay,
Gurdan baxay, xareed-gala1-jabtiyo, godanno midaystay,
Dadka oo intuu nabad gogladey, godob la’aan toosay,
Qorraxdoo garayskiyo martii , gees isaga xoortay,

Dayaxoo intuu gaadh ka degey, gacalo muunsooday,
Tigaaddoo ganbada uunsatoo, shidatay geed-saaqa,
Marka geela laantiisa dheer, gabantu soo reebto,
Guryahoo haleelada sidkani,, gaabis ka fooftay
Marka gorarka naasaha fatahay , goba’da deyn weydo
Galabuu kulaylkii ka jabay, gubayey jeedaalka,
Qorraxdoo gollaha kuulatood, gaari wacan mooddo,

Gaaraabidhaankiyo markay, taranto goobaantu,
Caweys ay gabdhuhu boodayaan, golaha saarreyda,
Dayaxoo galshada meersadood, geesi ba’an mooddo,
Xilligay gammaankiyo ifaan , quruxda gaarreydu,
Dhulka oo galaaluhu simeen, gun iyo baarkiisa,
Cosobkoo golxada fooraroo, laba gardhaalaystay,
Qorraxdoo gelgelimaysatoo , goroddu laallaaddo,

dayaxoo goyaal wada cas iyo, shaal galgala qaatay,
gu’xasilay, gudgudayaal habsadey , adhaxda Gaaroodi,
Marka awrku goojada ka simo, Gaasa-baya dhaartay
Qorraxoo guduud lagu bokhroo, meel garba ah saaran
Dayaxoo intuu garab la baxay, gooddi uga muuqda,
Gararkiyo taraaraha madow, Kala geddoonkooda,
Gabbal ururay, waa soo gurguray, labada worood dheh.
Ged ninkii ogaadaba shillale, guuto loo wacaye

Inta aan gar- waaqsaday intaan, garasho diidaayo
Inta laygu gaad gaadayaa, iiga geed ba’ane
Cishaday gabnowdiyo intay, gelinba heerjoogtey
Girif-giriftu way igu badnayd, gu’iyo jiilaale
Inaan gaabsho mooyiye cishana, tayda maan gabine
Galka seefta kuma haysan jirin, maalin gulufeede
Misna geeladay, gocoraday, iiga gaws kulule

Goonbaartu eelkay dhigtaba, gaari baw xidhane
Godobteedu waxay saarantahay, meelo aan geyine
God markaan daboolaba far baa, laygu godayaaye
Nin gefaaba lay tirinayaa, garasho waa yaabe
Waxan ahay nin lagu saan gatoon, raadba soo geline
Garraantayda qaar iyo, lag iyo, gaasas baa necebe
Gabbashayda duul iyo badh iyo, goosan baan rabine
Haddaan gaasho yeeshana dar bay, gawl la leedahaye
Hadba waxaan ku guul seegayaa, lama garaystaane

Garba-duub waxaan ugu xidhnahay, maan gurracaneede
Inaan geenyo buubsaday haddii, guuxu welijoogo
Gadaal baaba lay eegayaa, gool tirsaa jira’e.
Ummadyahay dib uma guuri karo , gooshkan maanta ahe
Gosha hooyo waa laga koraa, goodir kay tahaye
Gashi baxana waa lagu dayaa, geed ka hadalkiiye
Hadday gudubto yeedhaydu waa , sheeko ii gadane.
Geyigaygu waa kow intuu, waajib ii galo’e

Dhulka kale intaan gaadhi karo, waw gol leeyahaye
Adduunyada go’doon kagamajiro, garangar loo yaalle
Garaadkaygu waa dhaafsan yahay , xaajo goboleede
Dareenkaygu gooddiga sibuu , ii gilgilayaaye
Guhaad iyo canaan buu hiyigu, ii gab-leeyahaye
Inta garasho ii meel la’dahay , tayda maan gudane
Hadba waxan galiilyoonayaa, goobo lay tebaye
Asaaggay wuxuu galo ayaan , anigu gooyaaye
Anigiyo kuwii lagu goblamay, waa gudboonnahaye
Qayrkay intuu guul suntaday, gooni iifarane

Nin kastoo ganbadu saarantahay, dunida guudkeeda
Gurmadkayga waw baahanyahay, ruux la gaasiraye
Taydana ninkii igu guntadey, waw gar leeyahaye
Marba gooha dhiillada halkii, igu galoollaata
Karaankayga waan geyn intaan, geeri moogahay
Waxa ina rag ii guulayaa , tiisa gaarka ahe

Anna waxaan go’aansaday inaan, lay gaboodfaline.
Garawshiiyo jeeraan ka helo, gaanka dunidayda
Jeeraan galaa baxo arlada, gooddi iyo gooddi
Jeeraan gufaacada ku tago, meelo geriyaada
Gaaliyo Islaamkaba ilaa, taydu wada gaadho
Barigiyo Galbeedkaba ilaa, laygu gacan qaado
Gurey iyo Islow iyo Hurrow, gabaygu waa beene

Godadleysan maayee tashiga, waan guddoonsadaye
Waxba yaan indhaha laygu gubin, gaabsi ma aqaanne.
Gudcur laga tallaabsaday ilays, baadi lagu goobtay,
Gamas iishay, gaashaan burburay, gawrac laga maarmay,
Dunidoo giblada iidsanoo, gacal walaalowdey
Gudboonaanta xeerkeeda iyo, garasho nuurkeed dheh.
Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi”.

Gudgude

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *