Hargeysa(Araweelo News Network)Shirkada sharaabka ee SBI Coca-Cola ayaa u dabaal degtey sanad guuradeedii koowaad ee ka soo wareegtay markii si rasmi ah loogu dhawaaqay

shaqaynteeda. Waxaanay maamulka shirkadaasu mahadnaq u direen guud ahaan shacbiga Somaliland iyo cid kasta oo si barbar taagtay shirkadan Somaliland ka hana qaaday.

Sida oo kale waxa ay maamulka shirkadu daboolka ka qaadeen in muuqaalkii ay lahayd Caagadooda sharaabku ay badaleen iyaga oo soo bandhigay nooc cusub oo dunida hadda uun laga isticmaalayo waxaanay sheegeen in mudo laba bilood ah ay tijaabo ku jirtay.

Ugu danbayntii waxa ay masuuliyiinta shirkada sharaabaka ee SBI ay sheegeen inay sare u qaadayaan sanadkan cusub ee ay galeen wax soo saarkii shirkada ayna saacadii soo saari doonaan 48000 oo caagadood halka markii hore ay ka soo saari jireen 11000 oo caagadood saacadii. Waxaanay shacbiga u balan qaadeen inay baxin doonaan 800 oo talaagadood oo bilaash ay u siin doonaan dadka danyarta ah ee doonaya inay ganacsadaan.

Maamulaha shirkada SBI Coca-Cola Mustafe Cismaan Geele oo amuurahan oo dhan ka hadlaayay ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan “ Ugu horayntii waxaanu soo bandhigaynaa muddo laba bilood ahna aanu tijaabadeeda wadnay nashqadii caagada sharaabka Coca-Cola oo aanu badalnay sida ay mudaba dadweynuu la socdeen, nasiib wanaagna waxaynu noqonay dalkii ugu horeeyay ee Coca-Cola sameeya ee bariga dhaxe iyo Afrikaba nashqadaas cusub qaata dhawr dal oo Maraykanka iyo Shiinahu ka mid yahay ayuunbaa inaga horeeyay, nashqadaas cusubina waa ay inoo hirgashay, dad weynaha Somaliland iyo Puntland-bana waa ay soo dhaweeyeen, imka laga bilaabana nashqadaas cusub ayay noqon doonaan sharaabka ay shirkadu soo saarto.”

Mustafe Cismaan oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “ Ta labaad waxa weeye sanad ayaa ka soo wareegtay markii shirkada si rasmi ah loo furay, 12-kaas bilood ee ka soo wareegay furitanakiina shirkadu horumar weyn ayay ku talaabsatay oo ay ka mid tahay in sharaabkii nooc waaweyn lagu soo kordhiyay, waxa kale oo aanu soo kordhinay oo suuqa lagu arkaa gaar ahaan Hargeysa qalabkii loogu talo galay in sharaabka lagu qaboojiyo oo ay ka mid yahiin talaagado ku shaqaynaaya cadceeda iyo meheradaha waaweyn oo aanu ugu talo galnay talaagado aad bilicdoodu u sarayso. Insha allaahu bishaas bisheedana waxaan rajaynaynaa inaan wax badan ku soo kordhin doono oo ay ka mid yahiin sharaabka aan soodhaha lahayn sida Canbaha, Saytuunka, sharaabka aan sonkorta lahayn iyo biyahaba. Sidaad la soctaana shirkada SBI waa hormuudka shirkadaha wax soo saara ee Geeska Afrika.”

Ugu danbayntii waxa uu Mustafe Cismaan Geele warbaxintiisan uu ku soo gunaanaday inay rajaynayaan in wax soo saarkay ay sii badiyaan “ Warshadana waxaan rajaynaynaa in 12-kaas bilood ee soo socda uu wax soo saarkeedu saddex laabmi doono, imika laynka shaqeeyaa waa mid 11000 oo Caagadood saacadii soo saara, layn labaad ayaanu keeni doonaa hadii alle idmo lixda bilood ee soo scoda oo wax soo saarka warshada 48000 oo Caagadood saacadii ka dhigi doona. Markasta oo wax soo saarku batana waxa bata shaqaalaha suuqaynta iyo ka warshadaba, bisha todabaadna waxa bilaabmi doona in aanu suuqa ku bilawno qaboojiyayaal taayiro iyo dalaayado leh oo suuqa lagula wareegi doono, bilaashbaanan u siin doonaa dadka danyarta ah ee ganacsiga doonaya inay meel uun ka soo galaan marka talaagada laga tagana maalin walba barafka ay ku shaqaynayaan bilaash ayaaynu u siin doonaa, ugu yaraana 800 oo talaagadahaas wareegaya ayaanu bixin doonaa, taasina waxay ka dhigantahay in sideed boqol oo qoys oo dakhli dheeri ah helaaya.

Ugu danbayntan waxaan u mahadnaqayaa oo u mahadcelinayaa dadweynaha Somaliland ee mudadaas warshada la soo shaqaynaayay ee is barbar taagay taageerayna, waxaanu dalku horumar sameeyaa marka shacbigiisa iyo dawladiisuba ay is barbar taagaan wax soo saarka, warshaduuna waa laf dhabarta dawladaha horu maray.” ayuu yidhi Mustafe Cismaan Geelle.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *