Washington(Araweelo News Network) Waxa magaalada Seattle ee gobolka Washington ku sugan wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee

Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi,waftigan uu hogaaminayo gudoomiyuhu ayaa ka kooban Badhasaabkii hore ee gobolka Saaxil Mudane Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax)Gudoomiyaha Jaalliyada Somaliland ee Washington-DC Mudane Xaashi Ismaaciil iyo Samiir oo ka tirsan shaqaalaha TV-ga Qaranka.

Waftigan uu hogaaminayo Hoogaanka Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta waxa kulan heer sare ah ku qaabilay madaxda magaalada Sea-tac, waxaanay isla soo qaadeen waxyaalo badan iyagoo madaxdii ka socotay dhanka Maraykankuka balan qaadeen inay Jamhuuriyada Somaliland ka caawin doonaan dhinaca Maamul wanaaga, Ciidamada nabadgalyada, qalabka ciidamada booliisku kaga hortagaan rabshadaha iyo sidii loo mataanayn lahaa labada magaalo Sea-tac iyo Hargeysa.

Waftigan oo maalintii Arbacada ahayd kasoo deggay Madaarka Caalamiga ah ee Sea-tac International Airport oo si weyn ay ugu soo dhaweeyeen bulsho-weynta reer Somaliland ee deggan gobolkan ayaa tan iyo maalintii ay soo gaadheen magaalada Seattle waxa si isdaba jooga ugu qul-qulaya hudheelka ay daggan yihiin qaybaha kala duwan ee bulsho-weynta reer Somaliland oo aad uxiisaynaya inay arkaan madaxdooda.

Waftiga ayaa lagu wadaa inay kulan fool ka fool ah la yeelan doonaan bulshada reer Somaliland maalinta Sabtida ah ee inagu soo aadan hadii Alle Idmo June/1/2013 goobta uu shirku ka dhacayaana waa Hallka Shirarka ee Tukwila Community Center Address 12424 42nd ave S Tukwila Wa 98168.

Guul Iyo Gobonimo Somaliland
Wabilaahi Tawfiiq
Khadaryare Elmi

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *