Hargeysa(Araweelonews)Maayarka Degmada Maydh Mr.Xuseen Sh.Siciid Sh.C/raxmaan Maydh ayaa baaq taageero ah ka soo jeediyey dhismaha wadada isku xidha Ceerigaabo iyo Burco isagoo isla markaana dadweynaha reer somaliland ugu baaqay inay u midoobaan dhisideeda

 

Maayarka Degmada Maydh Mr.Xuseen Sh.Siciid Sh.C/raxmaan Maydh oo qaar ka mida  warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa oo uu hawlo shaqo ujoogo ayaa waxa uu si ugle uga hadlay artinta dhismaha wadada oo todobadyadii ugu danbeeyey ahayd artinta loogu hadal haynta badnaa Somaliland

 

isagoo arintaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi“  dhismaha wadadani  waa arin astaan u noqon karta in dadka reer somaliland lee yihiin himilo isku mida waaana arin u baahan in tafaraaruqa laga ilaaliyo iyo in arimo kale dhinac bilaabo “

 

Dhinaca kale Maayarka Degmada Maydh Mr.Xuseen Sh.Siciid Sh.C/raxmaan Maydh waxa uu tibaaxay in muhiimada ugu weyn ee in maanta laga wada shaqeeyaa tahay dhisida tahay in dhisida wadadan Ceerigaabo iyo Burco isku xidhaysa isagoo sidoo kalena hir-galinteeda ku tilmaamay guul usoo wada hoyatay dhamaan Ummadda reer Somaliland.

 

Sidoo kale Maayar Xuseen waxa uu xusay in uu soo dhawaynaayo dhamaan waxii mashaariic horumarineeda ee laga fulinayo degaanka Sanaag isagoo arintaas ka hadlaayana waxa uu yidhi”Hadiiiba ay jiraan qaybo kale oo iyana u baahan in wax laga qabto ,iyaguna way daba socdaan oo waxbaa laga qaban doonaa hadii ay ku tahay Dekado  Wadooyin kale dhamaan wax-yabaha kale ee kobcin kara dhaqaalaha dalka”

 

Dhinaca kale Maayarka Degmada Maydh Mr.Xuseen Sh.Siciid Sh.C/raxmaan Maydh waxa uu u mahadnaqay Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa iyo sidoo kale wasiirka Madaxtooyada Somaliland iyo Marwada koowaad iyo Marwada Labaad isagoo arintaas ka hadlaayana waxa uu yidhi” Hambalyo iyo bogaadin waxa halkan uga dirayaa Madaxweyna Somaliland M/kuxiigeenka iyo Marwada koobaad , Marwada labaad Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ,Wasiirul Dawlaha Maaliyada Somaliland iyo Gudidii  Madaxweynuhu u magacaabay dhismaha wadadan oo si qiimo leh isakaga xilsaaray  iyo in Alaale intii ka qaybqaadatay Mashruucada Dhismaha wadadan .”

 

Dhinaca kale Maayarka Degmada Maydh Mr.Xuseen Sh.Siciid Sh.C/raxmaan Maydh  waxa uu si gaara ula dardaarmay shacabka gobolka  sanaag oo uu faray inay si muge isakaga xilsaaraan hirgalinta dhismaha wadadan isagoo il markaan usoo jeediyey inay isla garabtaagaan taageero hiil iyo hooya intii kaaran –kodaa ah.

info@araweelonews.com
jaamac132gmail.com
What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *