Ka dib markii dantii laga lahaa laga gaadhay, ayaa la kala diray Golihii Baarlamaanka, waxaana lagala soo hadhay Gudoomiye Shariif Xasan iyo Xubno kooban oo ay saaxiibo ahaayeen. Balse markii wadamadan Soomaaliya danaha gaarka ah ka lihi arkeen inaysan suurto gal ahayn in

Ummaddan lagu qanciyo Shariif Xasan iyo xubnihiisan kooban, ayay wadamadani la yimaadeen qorshe kale oo ah in la isticmaalo kaas oo noqday waxan ay ugu yeedheen Madax-Dhaqameedyo.

Waxaa wax lala yaabo ah in Oday-Dhaqameedyadan oo badidooda kuraastooda la isku haysto amaba qaarkood kuraastan boobay, metelina Beelaha ay magacooda banaanada la wareegayaan, una badan dhalinyaro iyo wayeel aan waxbaba ka aqoon siyaasadaha maanta aduunka looga dhaqmo, sidoo kalena aanan Aqoon Maadi ah iyo Aqoon Diimeed-toona lahayn; tan intaas oo dhan ka sii darana ay tahay in Odoyadan iyo Dhalinyaradani yihiin niman aanan aqoonba u lahayn luqadan lagu wadahadlayo, ulama jeedo Luqad ajnebi oo ay hubaal tahay inaysan uba bilaabnayn, balse ragani waxayba ka aradan yihiin luqada Soomaaliga oo ujeedadaydu tahay, “MANA QORI YAQAANAAN AF SOOMAALI MANA AKHRIYI YAQAANAAN”.

Nimanka noocaas ah een waxna akhrin waxna qorin, balse waxii loo sheego uun maqla, saxeexooduna yahay Suulka oo waraaqaha la dulsaaro. Ayay wadamadani door-bideen intay meel isugu soo xareeyaan oo u sheegaan waxay doonayaan kana fushadaan ka dibna ku kala diraan; shacabkana ka doonayaan inay ku qancaan. “WAAR MA Anagaa  Waalan  Mise Cadan ayaa Laga  Heesayaa”. Waxa laga hadlayaa miyuusan Masiir Wadan ahayn, Maxaa loo diiday in xataa lala shaqeeyo Baarlamaankii ay iyagu shalay dhiseen, ee u fulinayey danahooda, mise markay fikradahoodii diideen bay kalsoonidii kala noqdeen ma sidan baa DIMOQRAADIYADA ay inoo sheegayaan.

Oday dhaqameedadani geed hoostii iyo xaajo Qabiil bay gorfayn yaqaaniin, taas oo ay soo xigtaan “Reer hebel sidaas baa inoo Xeer ahayd, Reer hebelna sidan”; balse aqoon uma laha 5X3+3/4=?, taas oo ah siyaasada maanta soomaaliya lagu kala qaybinayo. Waxaa kaloo xusid mudan oo la yaab leh Madax-Dhaqameedadani kuba dagaalamayaan Anigaa Saxeexaya iyo Maya’e Anigaa Saxeexaya oo Albaabka  gelidiisa ayayba  isku laynayaan.

Shaki kuma jiro inay Ceeb iyo Foolxumo faraha la geli doonaanaan, taasoo keeni doonta inay xataa ku waayaan xilkoodii Madax-Dhaqameed ee ay Beelaha u hayeen hadii aanay  iska ilaalin dabinkan nin walba ka baqay ee la doonayo in lagaga xayuubiyo sharaftii yarayd ee ay bulshada ku dhex lahaayeen, lagana dhigo dagaal oogayaal cusub, maadaama aanan Soomaaliya laga rabin qof dadku maqlo, waxaana la doonayaa in iyaga iyo shacabka oo ah xidhiidhka qudha ee weli isku hadhay la kala fur-furo oo la iska horkeeno. “WAAR HOOY KA JOOGA GODKAN LA IDIIN QODAYO”, oo garta waxa awoodiinu gaadhsiisan tahay iyo waxa awoodiina ka baxsan ee qof aqoonteeda leh u baahan. Shacabka Soomadliyeed waxaa la gudboon inay Odoyadan,  ama Dhalinyaradan Beeshooda magacooda ku socota ee aqoonta ka ah sidaan kor ku xusay ka joojiyaan falkan ay faraha kula jiraan, oo aanay Masiirka Siyaasadeed oo Wadanka ku sii deynin ragan, maadaama arintu maanta soo dhaaftay Masiir Qoys oo ay marayso Masiir Wadan.
By, Qasim Aadan Saleebaan
Kasslmn@aol.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *