Hargeysa(ANN)Marxuum Axmed Maxamed Halac oo ka mid ahaa aqoonayahankii iyo siyaasiyiintii gundhiga u ahaa halgankii dib u xoraynta dalka Somaliland, isla markaana kaalin muga leh ka soo qaatay dib u dhiska dalka, ayaa maanta lagu aasay xabaalaha qaranka ee Boqol Jire oo

 

ku yaal Koonfur galbeed magaalada Hargeysa. Marxuumka oo todobaadkii hore ku geeriyooday dalka Swedan , waxa loo sameeyay Aas qaran, waxaana Aaskiisa  ka qayb galay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo),  Madaxda Sadexda gole qaran, Mas’uuliyiinta ka socotay  Xisbiyada iyo Ururada Siyaasada, Aqoon-yahano, Siyaasiyiin, Madax dhaqameed iyo boqolaal bulshada  Magaalada Hargeysa ah.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay in MarxuumAxmed Maxamed Halac uu kaalin muuqata oo fir-fircoon kasoo qaatay halgankii dib u xoraynta wadanka, wuxuuna xusay in Marxuumku ka mid ahaa Aas-aasayaashii ururkii SNM, isla markaana uu ka mid ahaa saraakishii ugu horaysay ee Ciidamada Booliska Jamhuuriyada Somaliland, gaar ahaan Markii ay Somaliland Madaxbanaanida ka qaadatay Boqortooyada Britain.
Madaxweyne  Siilaanyo oo ka waramaya taariikhda Marxuumka, wuxuu sheegay in  tan iyo xiligaa uu bulshada dhexdeeda ku lahaa taariikh iyo sumcad weyn,  isla markaana uu baal dahab ah kaga jiro hawl galadii laxaadka lahaa ee ku wajahnaa nabadayta iyo dibu dhiska qaranimada Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu Ilaahay uga baryay inuu Marxuumka naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhammaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.
Sidoo kale waxa ka mid ahaa masuuliyiinta ka qaybgalay aaska Marxuumka  ee ka sheekeeyay sifooyinkii uu lahaa iyo  aqoontii ay u lahaayeen Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane C/raxmaan Maxamed C/llaahi (Cirro),Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Mudane Cabdi Yuusuf Ducaale boobe iyo madaxda Xisbiyada Qaranka iyo mas’uuliyiin kale, kuwaas ka waramay aqoontii ay u lahaayeen Marxuunka iyagoo ku tilmaamay inuu ahaa  shakhsi wadaniyad  jacayl leh oo  lagu majeerto dulqaad,deeqsinimo iyo isu soo jiidka ummadiisa kana shaqayn jiray  horumarkooda waxaanay eebbe uga baryeen inuu naxariistiisa jano ugu deeqo,Qoyskii,Qaraabadii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.
Marxuun Axmed Maxamed Halac Ilaahay ha U naxariistee waxa uu ka mid ahaa Xubnihii isu soo taagay Xilka Madaxweyne-nimo ee shir weynihii beelaha Somaliland ay ku yeesheen Sannadkii 1993kii Magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, wuxuuna sanadii u danbeeyay ku noolaa dalka debediisa, waxaana Maydkiisa laga soo saaray diyaarad dalka Swedan oo uu ku geeriyooday todobaadkii hore 7 May 2012.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *