-
Published On: Fri, Nov 16th, 2012

Magacaabistaydii iyo maagistaydii: Laba Isku Lamaanaa Qormooyinkii 32aad Iyo 33aad: Boobe Yuusuf Ducaale

Smiley face
Share This
Tags

Bal hadda aan dhanka kale ka eegno, arrinta iyo sida loo qoray warbixinta hore oo u eg waraaqihii ay qori jireen dadkii ka hoos adeegi jiray nidaamkii bahalka iyo kelidii-taliyahaba ahaa ee Siyaad Barre. Bal hadda kelmadahan u fiirsada

uu Hanti-dhowraha Guud adeegsaday ee ah: “Waxa cad oo marag ma doon ah in uu lacagtani si toos ah ugu tagri faley, isla markaana aanay jirin haba yaraatee wax uu Qarankani ugu qabtay”. Hadda lacagta uu sheegayo ee Xasan Maxamuud ku takri-falay qaddarkeedu wuxu dhan-yahay 927, 725,500/=. Tolow Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ma isagaa kelidii haystay.

Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland oo ah kan isku keen haya ee aynu Jamhuuriyadda iyo dawladdaba ku nahay wuxu qorayaa oo uu qabaa in Eedaysanuhu yahay denbi-laawe ilaa ay Maxkamad awood u lihi ku caddayso. Sidaas oo kalena Xeerka uu Hanti-dhawrku u cuskaday eedaynta Xasan Maxamuud waa Xeerka Ka-hor-tagga iyo La-dagaallanka Musuq-maasuqa oo ah Xeer Lr. 38/2007 Qodobkiisa 2aad iyo 5aad, kuwaas oo iyaguna la-jaan-qaadaya Qodobka Dastuuriga ah ee odhanaya: Qofku wuxu Denbiile noqon karaa oo keliya marka uu jiro xukun Maxkamadeed oo “kama-danbeys ahi”. Bal haddaba waxaad is-weydiisaan xukun Maxkamadeed goorta uu kama-danbeys yahay ama noqdaba.

Xukun Maxkamadeed wuxu kama-danbeys noqon karaa oo keliya marka uu oofsado dhammaan jaran-jarada looga qaato rafcaannada ee Maxkmadaha Rafcaan iyo Maxkamadda Sare, saddexdaasina isku raacaan: “In danbigaasi dhacay, Eedaysanuhuna yahay kan galay danbiga”. Mar haddiiba ay sharcigii iyo Dastuurkiiba sidaa cad wax u qorayaan, maxay ka dhigan yihiin weedhahan dhagareed ee Hanti-dhowraheennii amranaa adeegsanayo ee ah: “Waxa cad oo marag ma doon ah in uu lacagtani si toos ah ugu tagri-faley”.

Miyaanay weedhan hoosta ka xarriiqan ee Hanti-dhawraha Guud muujinayn in uu dusha u ritay xilkii saarnaa Xeer-ilaaliyaha Guud iyo mas’uuliyaddii shaqo ee Garsoorku lahaa? Miyaanay erayadaasi meel-ka-dhac ku ahayn damiirka iyo magac-samida shakhsi ahaan qofka eedaysan? Miyaanay gef ku ahayn Dastuurka iyo mabaadiida bud-dhigga u ah garsoorka ee loo yaqaan “presumption of innocence” ama in qofka loo qabo Eedaysane ilaa Maxkamad horteed denbi kaga caddaanayo?

Dhinac kale aan ka eegto marka uu Hanti-dhawrku qoray warbixintan ugu horreysay 1/8/2012ka ee uu cayimay tirada guud ee lacag ahaan uu ku eedeysan yahay Xassan Maxamuud oo dhammeyd 927,725,500/=, bal hadda tirada hoos u eega waa mid sugan, oo aan muran geli karin, erayada uu ku muujinayana waxay u dhigan yihiin “waxa marag ma doon ah in uu si badheedh ah ugu tagri faley”.

Haddiiba ay sidaa uu sheegayo wax ka jiraan maxaa keenay ilaa maanta in Xasan Maxamuud damiin ku joogo oo kolba muddo kordhin ay codsadaan. Miyaanu saaxiibkeen Maxamuud Dheere ka dhigneyn islaantii loogu maah-maahay “Habar dhali weyday aleelo ku waalatay”. Waxa intaba ka daran qoraalka danbe ee uu ka daba-geeyay Maxamuud Dheere oo uu cinwaan uga dhigay “TAAR” oo far waaweyn ku qoran, sidii wuxu joogo xiligiyadii gumeysigii Ingiriiska ee Taarku ahaa waxa kaliya ee war la iskugu gudbiyo, taas oo uu haddana qaddarkii lacageed ee uu isagu ina lahaa waa marag ma doon kaga noqday ama ku buriyay, mid cusub oo hor lehna ku abuuray. Qaddarkan danbe, sidii aan shalayba idiin soo qoray waa lacag dhan 300,000,000 /= iyo sanaati. Bal hadda halkaa u fiirsada!

Hanti-dhawrku wuxu eeddiisa sal uga dhigay Xeerka Ka-hor-tagga iyo La-dagaallanka Musuq-maasuqa Xeer Lr: 38/2007 Qodobkiisa 2aad iyo 5aad. Mar haddii ay dacwadi ku socoto qofka shaqaalaha ah waxa xaaraan ah in tallaabo anshax-marineed ay ku sameeyaan mas’uuliyiinta ka sarreysaa ilaa iyo ay dhammaanayso dacwadda qofka shaqaalaha loo haystaa, iyada oo la raacayo Xeerka Shaqaalaha Dawlada Xeer Lr. 07/96 Qodobkiisa 33aad. Ujeeddadu waxay tahay in aan qofka shaqaalaha xuquuqdiisa lagu tuman muddadaa uu ku meel-gaadhka ku jiro ee aanay waxna ku caddaan (Denbiile) ama aan wax lagu waayin (la sii deyn), Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ayaa Xasan Maxamuud badhtamihii bishii Ogos, 2012ka u qoray warqad uu ku amrayo in aanu xeyndaabka Wasaaradda soo geli karin. Miyaanay ka dhignayn ceebayn sumcad-dilis ku ah magac-samida qof shaqaale ah oo xuquuqdiisa leh oo isaga oo ku jira xaalada ku tilmaaman Qodobka 33 ee Xeerka Shaqaalaha Dawlada sidaa foosha xun loola dhaqmayo. Bal hadda waxaad u fiirsataan sharciga iyo nooca shaqo ee shakhsi gaar ah sharaf-dilkiisa loo adeegsanayo, iyo awoodda maamul ee cidi iska maroorsatay. Sharciga miyaan loo sinnayn? Miyaan xuquuq isku mid ah muwaaddiniintu lahayn?

Bal hadda dhanka kale aan ka eegno oo aan is-weydiinno awoodda Hanti-dhawraha Guud inta ay le’eg tahay sharci ahaan. Hanti-dhawrku waa Hay’ad madax-banaan oo ku aasasan Xeer Lr. 05/98. Waxay mas’uuliyaddeedu tahay in ay baadhis hufan ku sameyso kharashka iyo dakhliga dawladda soo gala, isla-markaana ay diiwaan-geliso dhammaan buugaagta cashuuraha lagu qabto oo la isku yidhaa “GR” ama General Receipt. Xagga baadhista haddii ay uga soo if-baxaan fal-danbiyeedyo, waxay diyaarinayaan Gal-dacwadeed, kaas oo ay tahay in ay u gudbiyaan Xeer-Ilaaliyaha Guud. Mas’uuliyadda Hanti-dhowrku waa in ay laba shay caddeeyaan: Marka koowaad waa in ay sugaan in denbi dhacay, marka labaadna waa in ay xaqiijiyaan in eedaysanuhu yahay kan galay denbiga,

Hanti-dhawraha Guud wuxu leeyahay diyaarinta warka hore ee eedda in uu bixiyo, kana caawiyo Xeer-ilaaliyaha Guud sugidda caddaymaha kala duwan. Qaabka wada- shaqayneed ee labadan hay’adood ee kala madaxa-bannaan waxa qaabeeya laguna dejiyay Qodobka 20aad iyo 21aad ee Xeerka Hanti-dhawrka iyo 70aad iyo 71aad ee Xeerka Habka Ciqaabta Guud.

Haddaad saddexdaa qodob isla akhrido, waxa kuu soo if-baxaysa, in Hanti-dhawraha Guud ku fashilmay gudashada xilkiisa isla-markaana uu tahli kari waayay in uu badheedhihiisii fadalka caddaa ee uu marag-ma-doonta ugu hal-qabsaday uu irbad caaradeed u soo gudbiyo hay’adaha Garsoorka iyo Xeer-ilaalinta. Haddiiba wuxu sidan yahay miyaanay habboonayn in isaga lagu soo oogo dacwad ka dhan ah oo daarran “Dayacaad Mas’uuliyad Qaran” ama “Magac-dil”. Miyaanu qabaneyn Xeer Lr. 38/2007 ee uu isagu cuskanayay Qodobkiisa 8aad ee “Dayacaad Mas’uuliyad Qaran”, mise sharcigaba wuxu u yaqaannaa meel waxaad doontana aad ka qaadanayso, waxaad doontana ka tegayso, hadba sida isaga u dan ah.

Dhacdooyinka iigu xanuunka iyo soo-jeedkaba badnaa intii aan noolaa waxa ka mid ahaa dilkii bahalnimada ahaa ee Jibriil Aammin iyo wiilkii dhallinyarada ahaa ee Cali- Mazda. Odeyga Jibriil Aammin waxa laga xidhay Wasaaradda Caafimaadka ee Muqdisho oo uu Agaasime Guud ka ahaa. Wiilkaa yaraa ee Cali-Mazda wuxu Maxamuud Dheere ka xidhay Wakaaladdii Dayactirka Gaadiidka ee ‘WAGAD’ ee magaalada Berbera. Wuxu ku eedeeyay boqol kun oo shilin sida aan maqlay. Hadda hantida gobolkan Woqooyi-galbeed ee uu mas’uulka ka ahaa lagu boobayay malaayiin dollar waa ay gaadhaysay. Qolyaha reer koonfureedku gobolladii Woqooyi aad ayay u jeclaayeen oo waa ay ku hodmi jireen, waxaanay u yaqaanneen ‘Abu-dabi’.

Labadaa marxuum badbaadintooda muddo ayaanu ku jirnay oo xataa habeenkii ugu danbeeyay Mudane Xasan Guuleed Abtidoon, Madaxweynihii Jabuuti oo la ii sheegay in ay Jibriil Aammin ilmo-abti ahaayeen ayaa Maxamed Siyaad Barre tilifoon kula soo hadlay. Sidaas ayaanu u ulanayay in labadoodaba xabsi-daa’in laga dhigi doono. Nasiib-darro subaxnimadii danbe ayaa labadiiba la toogtay. Gurigii Jaamac Rabbiile Good, Ilaahay ha u naxariisto e’, ayaanu habeenkii oo dhan ku soo jeednay.

Anigu maanta xil Wasiirnimo oo la yidhaahdo Xasan Maxamuud ayuu ku ilaalinayaa ma lihi ee bal inta Maxkamad la geeyo ha lagu soo oogo waxa lagu haysto. Wasaaradda 375 qof ayaa ka shaqeeya, Xasan Maxmuud keliya ayaa eedaysane ahna wax la qaadan karo, ma aha e’, bal dee Maxkamadda ha la saaro

Waa I noo bilowgii gebegebeda Qormooyinkan koobnaa ee taxanaha ahaa iyo berrito haddii Eebbe inagu simo.

Aniga oo ku dhex jira soo-ururintii taxanahaygan kooban (Re-cap), ayuu ila taraaray Qodobkii Hanti-dhowrka iyo Hanti-dhowraha Guud. Run ahaantii waa qodob xiiso leh oo mudan in lagu talax-tago, maxaa yeelay Hay’ad ay ahayd in ay u adeegto maamul-wanaagga ayaa laga yaabaa in loo adeegsaday maamul-xumaynta iyo khal-khalinta hay’adaha Qaranka. Immisa sannadood ayaan xisaab-xidh lagu samayn Miisaaniyadda Qaranka? Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda immisa bilood ayaa lagu hayay Imperial Hotel? Hadda waxyaabihii ugu mudnaa ee lagaga caban jiray xukuumaddii hore waxa ugu mudnaa xisaab-xidhka? Maanta maxaa lagu illoobay? Mise awrka ayaa lagu kacsanayay.

Xukuumadda maanta dalka ka jirta waxa la gudboon in ay dib u eegto hawl-galka Hanti-dhowraha Guud inta aanu dal iyo dadba la amban oo aan meel dheer la inaga doonin. Hay’adda Hanti-dhowrka iyo inta ka hawl-gasha ayaa u baahan badbaadin iyo xil-gudashadooda oo dib loo habeeyo, sumcaddoodiina loo soo celiyo.  Waxaynu u jeednaa ma aha cay iyo dhaleecayn. Haa….Waa laga yaabaa in ay dadka qaarkii sidaa ugu muuqato, innaga xaggeenna se waa badbaado iyo daryeelka, dad iyo dal u baahan horumar iyo nabadgelyo buuxda oo waarta. Waxaynu u jeednaa sidii aynu caddaalad ijtimaaci ah oo aynu u siman nahay u heli lahayn.

Maanta intaa aan kaga hadho, aniga oo ku rajo weyn in aynu waqtiyo danbe fursad intan ka badan isu heli doonno, haddii Eebbe inagu simo.

Maxaanan Qormooyinkan taxanahaa ahaa ee kooban uga gol lahayn ama uga jeedinba:

Aan soo xigto oo ballaysin uga dhigo qaybtan, tuduc uu lahaa Macallinkii halgamaaga ahaa ee ku caan-baxay run-sheegga iyo xaq-u-dirirnimada, Maxamed Xaashi Dhamac, Gaarriye. Sow kii lahaa:

“Wallee qalin-daraalaha

Denbi Qaranka laga galay

Kama qariyo wadhatada.

Wallee qoonta mililka leh

Qaarka sare ma dhay-dhayo”.

Sida dadka qaarkii oo aad iyo aad u koobnaa ay kaga soo fal-celiyeen Qormooyinkan taxanaha ahaa ee koobnaa ugama aan jeedin:

In aan cid gaar ah ama qof gaar ah, xilka uu doonaba ha hayo e’ ku eedeeyo ama dhaleeco uga dhigo,
In aan ku gudbiyo ama ku faafiyoba wax ay ummaddan iyo Qarankani gaar u leeyihiin,
In aan ku cadho-burburo ama ku aar-goostaba, waayo xil-ka-qaadista wax ceeb ah uma haysto, umana haysan, umana haysan doono mustaqblka, Madaxweynuhuna waxba I ma yeelin ee in uu ii naxariistay ayaan u qabaa oo uu weliba I qiimeeyay,

Waa ayo dadka inta badan nebcaysta ama aan jeclaysan qormooyinka noocan oo kale ah:

Dad aan jeclayn in runta la sheego ama xukuumaddaba la tilmaamaba,
Dad aamminsan in ay ummadda inteeda kale ka xigaan Xukuumadda, oo aan si maan-gal ah u caddayn karayn sababta ay dadka uga xigsanayaan. Hadda weliba sidaa ay tahay wax sad-bursiimo ah oo ay difaacaa ku qabaan ma jirto,
Dad Xukuumadda dano gaar ah ku qaba oo dalka iyo dadka intiisa kale aanay waxba ka gelin,
Dad dawladda amah ku leh ama wax kaleba ka naawilaya,
Dad xilal haya oo haddii ay u rixiyaan (xagliyaan ama jeclaystaanba) Qormooyinkan taxanaha ahaa ee kooban ka baqaya in shaqooyinkooda loogu yimaaddo,
Dad aan aqoon ku filan lahayn oo intaa aynu kor ku soo sheegnay ku cabsi geliso, sirtii dawladda ayaa bannaanka la soo dhigayaa,
Intaa waxa dheer daan-la-roortii, intii dalqada indhaha ku lahayd ee sidii gorgorrada geedaha dul fadhiday,
Inta jabka iyo halaagga ummadda diillaasha ee ka dhigta wax ay ‘Mashruuc’ u yaanniin,
In xasadka iyo xiqdigu uurkooda biyo-dhigeen oo hinaase la duuban ama ku fal-celisaba. Waa dad iska bukaan-socod ah,

Intii aan Qormooyinkan taxanaha ahaa ee kooban qorayayba dhallinyaradu aad ayay ii la soo xidhiidhaysay. Waxa jiray qaar doonayay in ay Qormooyinkani joogsadaan oo u arkayay in SIR dawladeed la faafinayay. Waxaan si la yaab leh uga helay wiil dhallinyaro ah oo maalin e-mail ii soo diray, isaga oo u jawaabayay kuwa ku andacoonaya in SIR dawladeed la faafinayo ayuu iyagii soo weydiiyay su’aal ahayd: MA SIR DAWLADEED baa mise waa WAA SILIC DAWLADEED. Hoosta ayaan ka xasuustay tuduc Deelleeydii Dheeg ku jiray oo ahaa:

“Dalka waan ka quustee,

Dunida show rag baa nool,”

Aan marka horeba is-barraxo. Intii aan idiin soo baahinayay Qormooyinkaa taxanaha ahaa ee koobnaa, marna idiin ma soo qorin wax SIR dawladeed lagu sheego ama lagu tilmaamaba.

Marna idiin kagama sheekayn, idiin mana soo qorin wax ku saabsan ama loo aaneeyaba:

Gantaalo riddada dhexe ah oo Somaliland ugu rakiban meelo istaraateji ah oo ay cadawgeeda kaga toogato,
Qaacidad ama qormo-sin (formula) Somaliland leedahay oo ay ku samaynaysoo dawo aan nooceeda hore loo arag,
Dayax-gacmeed Somaliland hawada sare u ridayso oo ku rakiban bananka: Xadeed, Geeriyaad, Qool-caday, Ban-cadde, karamaan ama bananka kale ee dalka intiisa kaleba ku yaal,
Ciidammada Qaranka ee kala duwan iyo xog ku taxan arrimahooda,
Wax Qaranka Somaliland ugu suntan SIR ama dokumenti qarsoodi u ah,

In badan ayaan wax qorayay, waxaanan halkan ka caddaynayaa in ay Qormooyinkani ahaayeen kuwii iigu xiisaha badnaa ee noloshayda ii soo mara. Waxay ahaayeen:

Kuwii ugu akhriska badnaa,
Kuwii ugu danaynta iyo xiisaynta badnaa,
Kuwii ugu fal-celiska badnaa,
Kuwii ugu faafidda badnaa,
Kuwii ugu keydinta badnaa, oo dadku iyaga oo aan iga fasax qaadan ayay Qormada ay helaanba fayl ama gal gashanayeen,
Kuwii iigu tilifoonka iyo e-mailka badnaa, marka aan eego intii aniga la ii soo diray iyo faallooyinkii soo  galay mareegtayda www.dharaaro.com iyo facebook-ga,
Kuwii ugu badnaa ee ay dadweynuhu iga codsadaan in aan buug uga dhigo,
Kuwii ugu badnaa ee ay bulshada Somaliland meel ay joogtaba akhriskeeda ka sinnayd,
Kuwii ugu mudnaa ee la tix-raaci kari waayay isla markaana laga jawaabi kari waayay ee intii lagu dhalliilayay ku hafatay,

Tilmaamahan aan kor ku taxay maxay ku yimaaddeen ama sabababba u ahaa, siday ay ila tahay?

Intaa iyo in kale waa inoo berri haddii Eebbe inagu simo.

(La soco…………………………………………………)

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>