Hay’ad ka hubisa dadwaynaha walxaha laga soowaarido debedaha ku waasoo suuragala in ay xambaarsanyihiin,caafimaaddaro,weheliyaana walxodiinta lid ku ah (xaaraan ah) midabo la ogaaday in khater ku yihiin caafimaadka oo xambaarsan cudurada halista ah

sida kanserka(cancer), sidaasna caalamka kamadnuuc ah (internationally forbidden), masaaridu waxay tidhaahdaa) القانون مايحمي المقفلين  )   oomacneheedu tahay qaanuunku ma ilaaliyo qofdhoohan.

Qaanuunka caalamigaahi waxauu farayaa ganacsata aallaabta iibgeynaaya in ay si cad oo aan madmadow lahayn dusha uga qoraan weelka ay alaabtu kujirto  ahaato  sixaarad, caagad, teneg ama bac, Macluumaadka hoos ku qoran:

1-      Magaca alaabta.

2-      Magaca shirkada leh iyo astaanteeda (brand).

3-      Miisaanka oo lagumuujiyay G,Kg,Mg, hadii walxuhuyihiin adke(solid), liter, Milliliter haduu haygu dareereyahay.

4-      Waxa uuka koo ban yahay (ingridient s)

5-      Wakhtiga la soosaaray(production date), oosi cad loogu muujiyey maalinta, bisha iyos annadka.

6-      Wakhtiga uudhacaayo, maalinta, bisha iyo sanadka.

Aan kazoo qaadno muunada (Sample) laga hadlaayo buskud macluumaadka loogabaahnaa  way kuqoranyihiin, waxyaabaha uubuskudku kakoobanyahay waa daqiiq, sonkor iyo Dufanka xoolaha(Animal fat), subaga lo,du waa xoolo,subaga khansiirkuna waa xoolo. Dalka sooqaatay ammasoowaariday ayey u taal in ay iskahubiyaan alaabtu waxay kasamaysantahay, waatusaale, muunad (sample) lagasooqaaday mid ka mid ah dekedaha, madaaradda ama xuduudaha Somaliland ay la leedahay dalalkajaarka, dalkaaan lahayn hayadka hubisa waxa la dhigtaa khashin qub, waa sababta loo abuuray Hayadda dhawrista tayadda, una xil saran hawshaa. Waxaynu hore u xusnay in ay dhaqaale la,aan la soconwaydey xukuumadii Rayaale.

Labosanadood iyo badh oo ay xukuumadda silaanyo jirtay maxay kaqabatay adeegan? Waxaynu la wadasoconaa in ay goobfagaare ah ay kugubeen Raashin iyosharaab ay sheegeen in ay kasooqaadeen bakhaaro iyo welibas haraab ay dad ganacsato ahi iskood u keeneen in ay gubaan markay ogaadeen in waqtigoodu dhacay.Hadaba Hayada dhawrista tayadu waxay qabteen ma yihiin hawshii laga sugaayay?   Waxaan hore u sheegay in caalamka hayadani la ma qaamtahay hayada nabad gelyada,haseyeeshee hayada dhawrista tayada Somaliland way kaduwantahay tan caalamka kahawlgasha,waayo waxay kukoobantahay raashin iyo sharaab dhacay.waxaan aka khatar san kuwaaan dhicin oosuuqa dalka ka buuxa.Tusaale yar waxaa dukaanda yaal Monosddium Galtamate,dadkuna u yaqaan ,siiba dumarku  maraqdigaaga cad oo loo adeegsado in ay dhadhanka cuntada wanaajiso.Daraasad dhowaan lagu sameeyey waxaa lagu ogaadey in ay xamaarsantahay cudurka kansarka [cancer].Waxaan mar hore Xaqiiqda kasheegay maqaal hore oocinwaankiisu ahaa kudarayaasha ugu halistabadan[the most dangerous addtives].Waxaan dadka uga digayaa isticmaalka maadada.Waxa laga yaabaa in aad tidhaahdo waan adeegsaday waxbana kumanoqon,waxaad ogataa in natiijada uugeysankaro  la arki karo muddo dheer kadib.Waxa aan halkan uga digayaa cidda isticmaasha .Waa in si dag dag ah ujoojiyaan . ) والله علي ما ا قول شهيدIlaahayna waa kamarag  odhaahdayda)

Lasoco qaybta afaraad…………………….

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *