https://mail-attachment.googleusercontent.com/attachment/u/0/?view=att&th=13b278256dcbf00a&attid=0.3&disp=inline&safe=1&zw&saduie=AG9B_P-gFL7Z89OuvP9PKOmox24P&sadet=1353615009618&sads=_ku68WiHuC2OfjGW8o0kn_EXNu8Hargeysa(ANN)Kumanaan ka mid ah taageerayaasha musharax Cabdi raxmaan Cali giire ayaa isugu soo baxay badhtamaha magaalda Hargaysa,kuwaas oo socod dheer kusoo maray wadooyinka caasimada Hargeysa, balse ugu danbayntii isugu tegey Beerta Xoriyada

ee Hargeysa. kadib markii ay dhoolatus baaxadleh ka muujiyeen shalay oo ay ahayd maalintii ugu danbaysay Ololaha xisbiga Kulmiye.

Musharax Macalin C/raxmaan Cali Giire oo ka mid ah shaqsiyaaadka ugu miisaanka culus musharixiinta golaha deegaanka ee Hargeysa, isla markaana kasoo qaybqaatay dib u dhiska waxbarashada iyo tacliinta Somaliland, kana soo jeeda qoys facweyn ku leh taariikhda halagandii kala duwanaa ee Somaliland, wuxuu isagoo la hadlaya kumanaan ka mid ah taageerayaashiisa isgu soo baxay ololaha maalintii ee danbaysay ee xisbiga Kulmiye yidhi,
https://mail-attachment.googleusercontent.com/attachment/u/0/?view=att&th=13b278256dcbf00a&attid=0.1&disp=inline&safe=1&zw&saduie=AG9B_P-gFL7Z89OuvP9PKOmox24P&sadet=1353611081792&sads=Yf0gaVuOdsPnipOvRVW7em5wmiE

“waxa ay mahadi u sugnaatay illaahay oo si nabada halkan isugu keenkeenay ,waxa kale oo aan u mahad naqayaa dhamaan taagerayaasha xisbul xaakimka kulmiye meelkasta oo ay joogaan, waxaan si gaara ugu mahad celinayaa  taageeerayaashaydu sida balaadhan ee ay isugu soo baxeen ee ay  u muujiyeen cududa iyo baaxada ay leeyihiin. ayuu yidhi Musharax Maclin C/raxmaan Cali Giire.
https://mail-attachment.googleusercontent.com/attachment/u/0/?view=att&th=13b278256dcbf00a&attid=0.2&disp=inline&safe=1&zw&authuser=0&sadnir=1&saduie=AG9B_P-gFL7Z89OuvP9PKOmox24P&sadet=1353615564685&sads=EH7uAaMvOdND-_B1_TACovFL33o
sidoo kale isagoo la dar-daarmaya taageerayaashiisa, wuxuu yidhi, ” Maanta waaxaad muujiseen cududiinii taageero,  waxaanse idinku  dar-daarayaa inaad xusuusnaataan sida aad maanta cududiina u muujiseen ee fagaaraha ugu soo baxdeen inaad berina cududiina iyo codkiina u muujisaan, maadaama ay soo socoto maalinta la kala hadhayaa, waan ku kalsoonahay inaad maalintaana sidan iyo si ka daran usoo baxaysaan idinkoo doonaya inaad codkiina i siisaan, waxaad ogaataan inay maalintaasi tahay maalinta la kala hadhayo. sidaa darteed waxaan mar labaad idinku dar-daarayaa inaad ku hubsataan sanduuqa iyo calaamadayda Musharax ahaan C/raxmaan Cali Giire, magaca maanta isu sheegimayno ee waxaynu is xusuusinaynaa calaamadda oo ah N0: 307, ee ku hubsada codkiina.
Aniguna waxaan idiin balanqaadayaa Haddii Illaahay ila garabgalo inaan fuliyo balanqaadka baahiyaha aasaasiga ah oo aan is bedel ku sameeyo mushkiladaha adeegyada aasaasiga ah ee caasimada Hargeysa. sida biyaha, Nadaafadda Caasimada garoomada ciyaaraha iyo waliba dhankasta oo wax laga badali karo”

Markii laga soo dareeyay fagaaraha Khayriyada Hargeysa, waxay kumanaan ka mid ah Taageerayaasha muharax C/raxmaan Cali Giire oo ruxaya sawiro boodhadh waaweyn oo lagu daabacay sawirka calaamada iyo nambarka musharxaa, kusoo wareegeen shaaracyada magaalada Hargeysa iyo wadooyinka waaweyn ee halbowlaha ah, kuwaas oo muujinayay taageerada ay u hayaan musharaxaa, iyagoo ku dhawaaqayay halku dhegyo ay doonayeen inay dareenka dadka kale kusoo jiitaan.

https://mail-attachment.googleusercontent.com/attachment/u/0/?view=att&th=13b278256dcbf00a&attid=0.2&disp=inline&safe=1&zw&saduie=AG9B_P-gFL7Z89OuvP9PKOmox24P&sadet=1353605506183&sads=BDfe0DKlEVisDxo3Ks-lQmN6qTo

Dhinaca kale wefdi uu hogaaminayay  muharax C/raxmaan Cali Giire oo ka mid ah musharixiinta ugu cad-cad tartamayaasha golayaasha deegaanka uga sharaxan xisbiga Kulmiye caasimada Hargeysa, ayaa kormeer kusoo maray deegaamada duleedka Hargeysa ee Farawayne , Sh.Moodhle,Dhaboolaq iyo meelo kale, iyadoo Degmada Faraweyne si weyn loogu soo dhoweeyay, halkaas oo uu hadalo kooban oo dar-daaran ah u jeediyay taageerayaashiisa deegaamadaa.

wuxuuna isagoo la hadlaya dadka deegaamadaa yidhi, “Walaalayaal aad ayaan idiin ku mahad celinayaa sida way ee aad noosoo dhawayseen iyo waliba inta badan ee aad cadceeda nagu  sugayseen. walaalayaal  waxaan idiin ballan qaadayaa wixii taagtayda ah ee illahayna ila qabto in aan idiin qaban doono hadaan ku kuulaysto xilkan , idinkana  waxaan idinka codsanayaa in aad codkiina isiisan idinka oo hubisaaya  halka aad xariiqaysaan iyo waliba astaanta oo ah No 307 waxaynu wada rajaynaynaa guul ilalahayna wuu inala garab qaban doona” ayuu yidhi muharax C/raxmaan Cali Giire, isagoo markaa ka dibna kusoo laabtay Hargeysa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *