Madaxweynuhu wuxu la soo fadhiistay laba warqadood oo gacan ku qornaa, muraayadahii indhahana waa uu xidhnaa. Waxaan is-leeyahay warqaddu khad cas ayay ku qornayd, qalinna waa uu haystay, sidanna waxa u dhacay kulankayagii:

v  Aniga oo dareensanaa in uu habeen adag noqon doono, bariido ka dib aniga ayaa hadalka bilaabay, si aan bal jawiga caadi uga dhigay. Weji furan iyo dareen fayow oo sheekadaydii xiisaynaya ayuu igu qaabbilay, waanan uga mahad-celinayaa. Warbixin kooban ayaan ka siiyay safarkaygii Juba, koonfurta Soodaan iyo Itoobiya oo geeriyeysneyd,

v  Madaxweynaha ayaa hadalkii la wareegay. Wuxu igu bilaabay isaga oo ilko-caddaynaya oo weji furan hadal u ekaa oo inankan Agaasimaha TV-ga ee Maaliyadda ahaa waxa la sheegay in adiga laguu mari la’ yahay. Aniguna si deggan ayaan ugu jawaabay:

  • Madaxweyne, ogaantay arrintiisu Hanti-dhowrka Guud iyo Maxkamadda ayay u taallay oo wax midkeenna go’aan ka qaadan karo ma aha, aniguna Wasiir ahaan maanta si ku-meel-gaadh ah ayaan xilkii uga wareejiyay,
  • Haddii kale Madaxweyne, yarku laf dhuunta gashay ayuu ku noqday maamulka e’, intaan xaflad ugu qabto Hudheellada mid ka mid ah aan shahaadooyin siiyo, shaqada in uu ka fadhiistana ka codsado,

Madaxweynuhu inta uu yar naxay ayuu igu yidhi hadal u muuqday, maya ee sidaas ha yeelin. Aniguna mowduucaa waxaan kaga baxay: “Haddaba Maxkamadda aan ka sugno.”

v  Ka dib mowduucii adkaa ayaa bilaabmay. Waxoogaa su’aalo ah oo aan ii cusbayn oo in badan la I weydiiyay oo ku saabsan ‘Sattelite-ka’ TV-ga oo lacag badan laga qaado iyo sheeko lacago la lunsaday ku saabsan ayuu I weydiiyay. Anna waxaan u sheegay in aan meeshaba joogay oo aan xilka hayay muddo gaaban oo afar bilood ku dhow, heshiisyadan ‘Satetelite-kana’ uu saxeexay Wasiir iga horreeyay, heshiiskaasina weli taagan yahay. Arrintii lacagaha iyo xisaabaadka oo in badan soo noqnoqotayna, waxaan ku gaabsaday in ay fiican tahay in hanti-dhowrka iyo Maxkamadaha loo dhaafo. Waxaan amminsnahay in Madaxweynaha beryahanba lagu disayay musuq-maasuq ayaa Wasaaraddii Warfaafinta hadheeyay, si uu xidhiidhkayagu u xumaado, dan se kama aan gelin. Waxaan aamminsanahay in muddaba Madaxweynaha la liqsiinayay in Wasaaradda musuq-maasuq ka jiro, anigana inta badan waxa la igu odhan jiray Xasan Maxamuud ayaa loo jeedaaye, adigu ha is-mashquulin. Caqligooda ayaan la yaabi jiray. Oo Xasan Maxamuud miyaanu ka mid ahayn hawl-wadeennada Agaasimayaasha ah ee xilku iga saaran yahay. Sidee loo takooraa oo gaar looga dhigaa aniga miyuu iiga soocan yahay inta kale. Xasan maxamuud waxa intaa noo dheeraa in naloo aanaynayay in aanu Dila iyo Gebilay ka soo kala jeednay, taasina xaaladda degaan carqaladaynaysay. Dareenkaa Madaxweynaha kama aan qarin, waanan u sheegay wixii loo maagi waayay intii ay wasiirradii hore joogeen.

 

v  Intaa ka dib Madaxeynuhu wuxu igala hadlay labadii Agaasime ee aan xilalka ka wareejiyay, isaga oo iga codsaday in aan ku soo celiyo xilalkoodii. In kasta oo muddo saacad ku dhow laga murmayay arrintaa oo hadalka la isku cel-celiyay, waxaan Madaxweynaha si qaddarin leh ugu sheegay in aanan go’aankayga ka noqonayn. Waxaan u sheegay in ay tahay awooddayda Wasiirnimo in aan amarradaa soo saaro, karaamadaydana aanay ahayn in aan ka noqdaa. Dooddii markii ay nagu dheeraatay, ayaan Madaxweynaha ka codsaday maa daama aanan go’aankaygii ka noqonayn, in uu isagu aniga xil-hayntayda go’aan ka gaadho, haddii kale aan anigu istiqaaladdayda soo qorayo. Tuduc Hadraawi lahaa ayaa igu soo dhacay oo odhanayay:

“Dhimashadau xabaal iyo,

Maro laba-dhudoodiyo,

Rubaddoo ku dhaaftiyo,

Iil dhexdiisa maaha,

Sharafkoo dhantaalmiyo,

Dhex-xumaanta weeyaan,”

Sidee ayaan ku oggolaadaa laba Agaasime oo aan warqad beddel ah u qoray oo war-baahinta gashay soo celi! Sharaftayda qofnimo ma aha. Sharaftayda wasiirnimo ma aha. Sharaftayda xubin xukuumadda ka tirsa ma aha. Sharaftayda halgamaa Mujaahid ah ma aha. Sharaftayda muwaaddin caadi ah oo reer Somaliland ah ma aha. Sharaftayda muwaaddin Hargeysaawiya ma aha. Sharafta xubinnimadayda aan kula shaqeeyo ee kula bah ahay Madaxweynaha ma aha. Dee markaa side ayaan ku aqbalayaa? Arrintani waa mid su’aal aan jawaab loo hayn gelinaysa cidda run ahaantii haysa mas’uuliyadda Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta. Ma Wasiirkaa xilka haya mise raxanta war-sheekada?

Idaacadda siddeedaad: Mowduucani wuxu ka mid ahaa mowduucyadii aad iyo aadka xasaasiga u ahaa ee aanu Madaxtooyada habeenkaa kaga doodnay ama kaga murannayba. Markii aan u sheegay in aan toddoba Idaacadood Xarunta Wasaaradda Warfaafinta kaga tegay haddana aan ugu imid Idaacad siddeedaad, ballanka Ilaahay labada dhaban ayuu gacmaha saaray isaga oo anfariirsan. Wuxu la soo booday: “Oo yaa leh?” Anna waxaan u sheegay in aanay Idaacaddan koontarabaanka ahi iyada oo lugeynaysa wasaaradda dhex tegin ee dad mas’uuliin ahi ay dhex geeyeen oo weliba xukuumadda uu madaxda ka yahay iibsan doonto oo miisaaniyadda kal danbe ee 2013ka lagu dari doono. Idaacadda aanu Madaxweynuhu ka war qabin, wasiirradiisa qaar ka mid ah ayaa og oo ka mid ahaa dadkii meesha dhigay iyaga oo kaashanayay dad aan xilkas ahayn oo xilal ka haya wasaaradda.

v  Arrimaha kale ee habeenkaas la igu qabsaday waxa ka mid ahaa in mushaharka shaqaalaha TV-ga ee dibadda aan qofka mas’uulka ka ah u wada diro oo uu isagu sida ay ula muuqato ama uu is-yidhaahdo waa loo hawl-galayba ugu qaybiyo. London oo keliya ayay 14 qof ka qoran yihiin. Mushaharka qofka shaqaystay ayaa leh, anna waxaan ku adkaystay in aan qof walba ‘Account-kiisa’ Dahabshiil ugu shubayo, tirada shaqaalahana la dhimi doono oo ilaa 4 keliya laga soo reebi doono, isla markaana CV-yadooda la weydiin doono oo aqoon iyo waayo-aragnimo wax lagu xulan doono. Waa mar labaadkii aan Madaxweynaha iyo inta ku xeersan aanu mowduucan mushaharka qofka loo dhiibayo ka wada hadallo. Maalintii Mudane Xirsi iyo afarta Agaasime-waaxeed Madaxweynaha iga dacweynayeenna madashii waxaan ka caddeeyay in aanu Qarankan tamarta yari qaadi karayn 14 shaqaale oo London ka hawl-gala, isla markaana aanan mushaharkooda qof keliya ku hagaajinayn oo ay curfiga dawladnimo iyo nidaamka maamulka lacagta ka soo hor jeeddo. Waxaan u soo gaadhay haddii mushaharka shaqaalaha Madaxtooyada qof loogu dhiibo, waaba arrin la eegi karo, laakiin wax aanay iyaguba yeelin in aniga la igu dirqiyo ma ay ahayn.

v  Habeenkan dheeraa, waxaan kala hadlay Madaxweynaha in aanan hawsha Wasaaradda ku wadi karayn is-bar-bar yaac iyo cid kale oo laga dhegaysto xaaladda iyo warbixinta Wasaaradda. Waxaan u sheegay in aanan dhaqanka caynkaas ah ee la caadaystay ku shaqayn karayn.

v  Aad ayaan xanuunkii I hayay u dareemayay habeenkaas, Madaxweynuhuna markii uu xaaladdaydii arkay ayuu igu yidhi orod iska hoyo. Dabayaaqadii dooddaa, waxa nala soo fadhiistay Madaxweyne-ku-xigeenka oo aan waxba nagu darsan maa daama aanu hadalka horraantiisii ogeyn. Waa sida aan is-idhi. Sidaa ayaan ku hoyday aniga aad u daallan.

Maxaa intaa ka danbeeyay? Waa inoo berri haddii Eebbe inagu simo.

(La soco…………………………………)

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *