Waxaan jecelahay in yar oo aan idiin soo sheeko-dhaafay in aan dib ugu noqdo. Maalintaa ay taariikhdu ahayd 27kii Ogos ee aan qoray warqaddii aan ku beddelay labadii Agaasime-waaxeed, sidii dhaqankooduba ahaa raxantii Wasaaradda Warfaafinta xero-weydaarka ka ahayd, waxay isku shubeen Madaxtooyada. Barqadii waxa halkaa tegay saddex ka mid ah Agaasimayaashii Waaxaha oo kala ahaa: Axmed Saleebaan oo ah Agaasimaha Waaxda Farsamada, Khadar oo ahaa Agaasimihii TV-ga qaranka ee London iyo Dhuxul oo ahaa Agaasimihii TV-ga Qaranka. Sida aanu wararka ku helaynay, Agaasime Khadar oo keliya ayaa la sii daayay oo Madaxweynaha ugu tegay gurigiisa. Khadar keli ahaantii sababta loo sii daayay waxa loo aanaynayaa isaga oo xidhiidh aad u dhow la leh Baashe Cawil oo uu Madaxweynuhu soddog u yahay. Habeennimadii 27kii Ogosna Madaxweynuhu wuxu ii sheegay in maalinnimadii uu qof keliya arkay, mar aan ka dacwoonayay dadkan shaqaalaha ah ee ay ku qaabbilayaan Madaxtooyada, kaas oo aan anna u qaatay in uu Khadar ahaa. Waxaan amminsanahay warqaddii khadka cas ku qorneyd ee uu habeenkaa Madaxweynuhu ila soo hor fadhiistay in uu Khadar u tebiyay waxyaabihii ku qornaa oo aan ahayn wax igu cusbaa. Waa sida aan is-leeyahay ee weliba ay una badnaan karto.

Arrinta kale ee xusuusta iyo hoos-ka-xarriiqa mudani waa ka-war-hayntii Mujaahid Faadumo-cawo ee waxyaabahan dhacayay. Mujaahid Faadumo-cawo waayo-aragnimo badan ayay arrimahan aan ku jiro ku qabtay, aadna waxay u taqaannay dhaqammadayda. Tusaale ahaan mararka ay tilifoonnadu igu soo dhacaan inta badan waa ay garataa halka ay ka yimaaddeen iyada oo aan maqlayn.

Habeenkaa 27kii ogos markii tilifoonka Madaxweynuhu igu soo dhacay waan ag joogay xaaskayga. Sidii dhaqankuba ahaa markii aan lambarkii I soo garaacay arkay, ayaan qolkii hurdada degdeg ugu dhaqaaqay aniga oo intii aan sii socday hadalka gaaggaabinayay si aan la ii maqal. Markiiba waxay garatay in tilifoonku meel sare ka yimid. Qolkaygii hurdada waxaan ka soo baxay aniga oo suudh xidhan oo isu diyaariyay in aan Madaxweynaha la kulmo. Waxba kama qarin ee waxaan u sheegay in Madaxtooyadii la iiga yeedhay. Si fiican ayay ula socotay xaaladda taagnayd iyo waayaha aloosnaa ee ku xeersanaa Wasaaraddii aan ka hawl-gelayay.

Markii aan habeennimadii soo hoyday ee aan qolkii hurdada galay ayay igu tidhi: “Bal ii warran, sidee wax u dhaceen? Intii aad maqnayd oo dhan ma hadal baad ku jirtay.” Waxaan ugu jawaabay: “Haa Odeygii iyo baanu wada-hadlaynay, waxaanan u malaynayaa in uu ilaa xad wax iga qaatay.”

Mujaahid Faadumo-cawo, waqti badan kuma ay qaadan in ay dareenkeeda iyada oo qanacsan I siiso, waxaanay igu tidhi habeenkaas: “Xataa haddii uu qancay, waa lagaaga danbeynayaa oo warqaddi eriga berri ama saad-danbe waad helaysaa.” Waxay intaa ii raacisay: “Goor baas ayaad u tagtay, waynu se ka reysan doonnaa.”

Habeenkaana sidaas ayaan ku seexday aniga oo dareensanaa in culays badani iga dhacay.

28/8/2012ka:

  • Kala-maan! Subaxnimadii markii aan xafiiskaygii soo galay ayaan wareystay in Idaacaddii Siddeedaad Radio Hargeysa laga saaray iyo in kale, waxaana la iigu jawaabay in ay weli dhex-taal xarunta. Heer ayaan gaadhay aan Wasiirka Awqaafta iyo Diinta Sheekh Khaliil ka codsado in uu xafiiska Wasaaradda Warfaafinta iigu yimaaddo, maa daama aanu shalay ballan ku kala tagnay. Markii uu Sheekhu ii yimid, waxaan ku idhi: Fadlan Idaacaddan Siddeedaad iiga saar xarunta Wasaaradda oo adba Wasaarad ayaad leedahay e taada geyso. Waxa kale oo aan u caddeeyay in aanan diyaar u ahayn in aan arrintan saxaafadda u baahiyo, bal se waqtigan aan isku koobi doono in aan isaga codsigaa u sameeyo. Waxaan u arkayay in ay halis ku ahayd ilaa maantana ku tahay ammaanka iyo nabadgelyada qaranka. Bal ka warrama Idaacad la jitaabiyay oo hadlaysa oo wasaarad aad masuul ka tahay wasiirro kale soo dhex dhigtaan. Miyaanay halis Qaran ahayn? Wuxu iga ballan-qaaday in uu maalinta Sabtida oo ay bisha Sebtember 1da tahay ka qaadi doono, maa daama uu magaalada ka maqnaa Injineerkii meesha dhigay. Oo Injineerka ma waxaad moodaysaan mid Wasaaradda dibaddeeda ka yimid. Ninkan aynu ka sheekaynaynaa waa ninka masuulka ka ah mishiinnada laydhka ee Wasaaradda Warfaafinta oo ilaa lix mashiin gaadha. Bal ka warrama xil-qaadka iyo xil-gudashada caynkaas ah! Waa wiil yar oo aan maqlay in aanu xataa Injineer iyo wax u dhow midnaba ahayn. Waa wiil dhallinyaro ah oo ka soo baxay xabsiyada Ingiriiska oo halkan loola soo cararay, sida aan maqlay, lala doontay xilkan halista ah ee qarankana halbowlaha u ah. Waa mashaakilka ugu badan ee haysta hayadaheenna qaranka. Marka aanu qofku aqoon iyo waayo-aragnimo lahayn, ayuu dhaqannadan aan ka sheekaynayo naf moodaa, sidaana dantii guud ku burburtaa. Wax lagu faano ayay noqotayba Madaxtooyada ayaan ku xidhanay ama hebel ku xidhan yahay. Waxaan garanayaa maalmo aanu aniga iyo Agaasimihii Guud ee Wasaaraddu ka dalbannay in uu warbixin qoran naga siiyo xaaladda mishiinnada oo aanu ugu taag weynay. Waa ninka ay Wasaaradda Madaxtooyadu nagu odhan jirtay Injineer Axmed Saleebaan ayaa noo sheegay in aydaan mishiinkaa u baahnayn. Bal ka warrama dee! Nasiib-wanaagga Sheekh Khaliil, nasiib-darradayda ama nasiib-darrada Qarankaba kii ay doonto ha haato e, Arbacadii oo ay bisha Ogos ahayd 29ka, 2012ka ayaa xilkii Wasaaradda si rasmiya la iiga qaaday. Wasiirkaasi ballankiisa ma fulin, bar halis ah oo xarunta Wasaaradda ahna waa ay ku xeraysan tahay Idaacaddii Siddeedaad ee koontarabaanka ahayd. Waxay dhex taal qolka uu ku rakiban yahay baahiyaha TV-ga Qaranku oo masuuliyaddisu aad u xaddidan tahay. Anteenadeedu waxay ku rakiban tahay oo ay sida dhillowyahanka ugu maran tahay Anteenada TV-ga Qaranka. Markii hore intii aan Juba ku maqnaa ayaa Anteenada Idaacaddan Siddeedaad lagu maray Anteenada Idaacadda FM-ta ee VOA-da oo cabasho ka dib laga furay ama rogayba. Haddii baahi dawladeed loo qabo maxaa loo adeegsan waayay shanta idaacadood ee ay dawladdu leedahay ee meesha ku rakiban? Laba hirarka gaaggaaban ah iyo saddex FM oo dawladdu leedahay ayaa yaal ee maxaa looga baahan yahay miinadan Wasaaradda la dhex dhigay. Shaqaaluhu waxay u yaqaannaan Fanji oo af Amxaari ah lana macno ah miino. Waad la yaabaysaa mararka ay ka sheekaynayaa. Waxay yidhaahdaan: Fanji baa la keenay. Waa ta halkaa la sii sido. Fanjadii waa la rakibay. Waa la jitaabiyay. Fanjidii way hadashay iyo wax la mid ah.

 

(La soco……………………………)

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *