Wasiirka Macdanta ee Somaliland iyo Shirkadaha Sahaminta Macdanta ayaa u muuqada in ay soo afjarayaan howlihii saami iibinta ee Kheyraadka dalka Somaliland.

Waxaa aad sare uga kacay suuqyada ganacsiga caalamka gaar ahaan dalka Turkiga iyo Koonfur Afrika (+10.33%) samiyadda shirkaddaha yaryar ee Sahaminta Macdanaha iyo Kheyraadka dabiiciga ah.

Sida ku cad boggaga internetka ee Shirkadahaas,  waxay shirkaddahani ka shaqeeyaan iibinta macluumaadka macdanta, saliidda iyo gaaska ee ay ka ururiyaan badda iyo bariga ,  iyagoo oo dhinaca kalena Shirkadahani  ka sii iibiyaan Shirkado kale  heshiisyada ay la galeen Xukuumada Somaliland , kuwaasoo Bilyan doolars ku sii iibiya, Liisamada caddaymaha ah ee  Xukuumada la galeen lana  xidhiidha meelaha ay ka haystaan macluumaadka  xogaha Macdanta iyo Kheyraadka dabiiciga ah.

Waxan halkan ku cadeynayaa in heshiisyada dowladda Soomaaliland la gashay shirkadahan shisheeye ay yihiin heshiisyo sharci darro ah, lana sii kala iibinayo saamiyo oo khiyaamo badana ku jirto, sidoo kalena aan lagala tashan golaha baarlamaanka Somaliland.

Waxan ugu baaqayaa in Wasiirka Macdanta iyo shirkadahaas ay joojiyaan dhaqdhaqaaqyada iyo safarada ganacsi ee ay wadaan, inta ay ka cadeynayaan in heshiiskoodu yahay mid sharci ah iyo mid aan sharci ahayn.

Prof. Mohamed Ahmed Farah (Jaafaa)

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *