Burco(ANN)Munaasiabad balaadhan oo lagu maamuusay sanad guuradii 21aad ee kasoo wareegtay markii ay xoogagii dhaq-dhaqaaqa SNM si miidaama ah usugu soo tuureen magaalada Burco ee xarunta Togdheer 27 May 1988, ayaa laga xusay magaalada Burco.  qiimaha ay

 

maalintani u leedahay, ayaa lagu maamusay munaasibad  ay ka soo qaybgaleen boqolaal qof oo ay mid ahaayeen majaahidiintii SNM ee dalka usoo halgamay ,xaasaskoodii ,aqoonyahano ,wasiiro ,iyo laamaha dawladda ee gobolka Togdheer ayaa xalayto lagu qabtay Jaamacadda weyn ee magaalada Burco.

Wasiir dawlaha wasaaradda maaliyadda Somaliland MD Cismaan C/llaahi Saxardiid (Cadaani )oo xuskaasi ka qaybgalay ayaa umadda reer Somaliland gudo iyo debad-ba uso jeediyay in ay daryeelaan  xaasaskii iyo ubadkii ay ka tageen mujaahidiintii xornimadda Somaliland u shahiiday iyo kuwa ka nool.

Wasiir dawlaha wasaaradda maaliyada Somaliland  Cismaan C/llaahi Saxardiid (Caadaani) oo ugu horayn halkaas ka hadlay xafladii xuskaasi soo gunaanaday ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay maalintani xanbaarsantahay waxa hadaladiisii ka mid ahaa .

“ Marka hore waxa mahad-naq mudan dhamaan mujaahidiintii intii dhimatay iyo inta nool-ba sidaa awgeed halgankii aynu soo galay waxa uu ahaa mid xaq ah waayo qofka marka xaaskiisa ,caruurtiisa iyo maalkiisa loogu yimaado diinta islaamka ayaa ku faraysa isdifaac ,halganka noocaas ah ee aynu soo maray runtii in si yar u xusno wax la qaadan karo maaha oo dad ayaa u dhintay. ,mudnaantuna waxay tahay in la ilaaliyo mujaahidiinta qoysaskii iyo caruurtii ay ka dhinteen waayo iyagaa reerka bariiska u shaqaynaayay waxa uu ka doortay caruurtiisii ,xaaskiisii iyo ehelkiisii in aydu cisigaa ku fadhidaan iyo xornimadaasmarkaa waar hadaynu dad jira nahay in dadkaasi la ilaaliyo waa mid xaq ah .

Badhasaabka gobolka Togdheer Cabdo Axmed Aayar oo ina madashaasi ka hadlay ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “ Maanta waa maalin qaaliya waana maalintii taliskii Siyaad Bare ee ragiimka ahaa dalka laga sifeeyay gaar’ahaan gobolka Togdheer ,waxaanan halkan ka xusi karaa in dad badani ku nafwaayeen taariikhda la soo maray ,waaxane tani ina faraysaa in isku duubnida iyo midnimada dhabaato kasta lagag bixi karo .

Waxaanan bulshada reer Togdheer farayaa in 27-ka may sida si ka balaadhan loo xuso oo ay ogaadaan nabada iyo xoriyada ay haystaan halkanka loo soo galay iyo mujaahidiinta usoo shahiiday “ Sidaasi ayuu badhasaabku hadalkiisa kaga baxay

Caruurtaa mujaahidku dhalayna caruurteena ayay la mid yihiin ,qofkastoo inaga mid ahna dawlad iyo shicib gudo iyo dabe-ba xil ayaa ka saran ilaalinta caruurtaasi ‘” Sidaasi ayuu wasiirku yidhi.

Guddoomiyaha jimciyadda Soyaal ee gobolka Togdheer Muj ,Jaamac Shawr oo isna  munaasibadaasi ka hadlay ayaa hadalkiisa ku bilaabay.

“ Xuskan maanta waxa uu ka turjumayaa galitaankii ay mujaahidiintii SNM Burco soo galeen go’aankii ay SNM qaadatay   qoladii kale dib ayay uga dhaceen balse reer Burco way soo galeen  ,hadaan tusaale usoo qaato Muj. Maxamed Cali ,Muj. Harag-waafi ,Muj. Abokor Shaadhyare ,Muj. Hayliqin ,Muj. Madax-diin ragaasi wadanka u shahiiday caawa xaasakoodii halkan ayay  inala joogaan iyadoo ay dalka madaxweynayaal badani soo mareen ,hadana kursiga maanta Axmed Siilaanyo ku fadhiyana  jifo ayay u yihiin ragaas dhintay xaasaskoodii iyo ubadkooduba  sidaa awgeed waxaan leeyahay madaxda halakn fadhida ee Wasiir Cadaani ka mid ka yahay iyo badhasaabka gobolka Togdheer warqad ayaanu idiin soo qoraynaa ee hooyooyinkaas madaxweynaha ha loo geeyo fariintaydana ha la gaadhsiiyo ,waayo dumarkaasi mudnaan ayay leeyihiin  “ Sidaasi ayuu hadlkiisa ku soo xidhay Guddoomiyaha Sooyaal .

Waxa haboon in loo fakaro sida xildhibaan Nac-nac oo Lixle hooyadii guri u dhisay iyadoo Somaliland oo dhami joogta oo dayac ku noolayd inta uu qurbajooga la kaashaday, sideebay u dhici kartaa Lixle hooyadii ama Aadan Saleebaan ama Aadan-shiine ,Maxame Cali ehelkiisii in uu dayac ku noolaado waa maxay dad-nimada aynu sheeganaynaa imasa hooyo oo kale ama caruur mujaahid dhalay ayaa cedlo ku dayacan imisa mujaahid oo nool ayaa gidaaradaa ku dayacan oo aynu wada dhaafaynaa waar waxaan leeyahay fadhiga ha laga kaco oo dadka wadanka usoo halgamay ha la daryeelo oo wax haloo qabto “ Sidaasi ayuu hadalkiisa kaga baxay MD. Cadaani wasiir .

dhinaca kale waxa iyna ka mid ahaa dadkii madashaa ka hadlay Mubaarik Yuusuf Cilmi oo u mahadnaqay maamulka Jaamacadda Burco shirkadda Deero Group oo qabanqaabada xafladan gacan ka gastay iyo mujaahidiin kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Muj. Muuse Nuur Faandhe ,Muj Faarax Ifiso iyo hooyooyin ka mid ahaa xaasaskii ay ka tageen halyayyadii dalka u shahiiday.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *