Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha jaaliyada Djibouti ee Somaliland ayaa shahaado sharafyo abaalmarino guddoonsiiyay wasiirrada madaxtooyada Xirsi X. Xasan iyo waxbarashada Samsam Cabdi. Kadib markii sida uu sheegay  ay ku muteysteen kaalintii ay ka qaateen gurmadkii masiibada daadka

 

ee ka dhacdey dhawaan dooxa Agabar ee waqooyi Hargeysa.
Xafladan lagu xusayay dhacdadaasi naxdinta laheyd ee ay ku nafwaayeen 13 qof oo la socdey gawaadhida daadku qaaday oo shalay lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxaa ka soo qaybgalay  afar   ka mid ah salaadiinta  Somaliland iyo jaaliyada Jabuuti ee Somaliland degan qaar ka mid ah iyo marti sharaf kale.
Ugu hareyn waxaa halkaa ka hadlay Gudoomiyaha jaaliyada Jabuuti mudane, Siciid Maxmuud oo sheegay in uu u mahadcelinayo salaadiinta xaflada ka soo qayb galay iyo dhamaan marti sharafta kale ee xaflada ka soo qaybgalay, waxaanu yidhi  “ugu horeyn waxa aan u mahad celinayaa salaadiinta kale ah Suldan Jaamac Cismaan Aadan iyo Suldaan Xiis Bare yuusuf, Suldaan xuseen Ismaaciil Geele, Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub Nuur , sida waayeelnimad ah ee ay xaflada nooga la soo qayb galeen, waxaa kale oo aan halkan uga mahad Celinayaa xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo mudane Axmed Maxmed Maxmuud Siilaayo sidii ay uga hawlgashay masiibadii dhawaan ka dhacday dooxa Agabar, waxaanu si gaar ah ugu mahadnaqaynaa wasiirada wasaaradaha madaxtooyada iyo waxbarshada mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo marwo Samsam Cabdi Aadan sidii gaarka ahayd ee ay uga hawlgaleen masiibadaa dooxa Agabar”.
Mudane Siciid oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi, “Waa tii loo wada dhashay waxaana ilaahay ka baryayaa in uu intii masiibadaa ku dhimatay janadii ka waraabiyo ehelkoodii iyo qaraabadiina  samir iyo iimaan ka siiyo cidkasta oo ka hawlgashayna ilaahay ajar ka siiyo, waxaanan xafladan si gaar ah shahaadad sharaf ku siinaynaa labadaa wasiir sidii deg dag aheyd ee ay hagar la’aanta ugu gurmadeen dadkaa ay masiibadu haleeshay.”
Sudaan Jaamac Cismaan Aadan iyo Suldaan Xiis Bare Yuusuf oo iyaguna halkaa ka hadlay ayaa ugu horeyn u mahadceliyay jaaliyada Jabuuti ee xaflada qabatay, waxaanay yidhaahdeen salaadiintu anagoo ku hadlayna magaca salaadiinta Somaliland marka hore waxa aanu tacsi u diraynaa qoysaskii ay masiibadaasi soo gaadhay dhamaantood, waxaanan leenahay ilaahay samir iyo iimaan ha idinka siiyo cawil khayr qabana ha idinku badalo iyagana janadii fardowsa ha ka waraabiyo ayay yidhaahden.
Dhinaca kale waxa ay salaadiintu ugu baaqeen shacbiga labada dal ee Jabuuti iyo Somaliland in ay si wadajir ah gacan uga gaystaan dhismaha Dawga Cad ee isku xidha labada dal oo dhismihiisu socdo, waxaanay ugu baaqeen in cid kasta oo awoodaa ay la soo xidhiidhan gudida jidkaa dhisaysa, waxaanay sheegeen in hadii jidkaa la dhamaystiro ay yaraanayso dhibaatadaa maalin kasta ka dhacaysa qofkii wax ku darsadaan ay u tahay sadaqo jaari ah.
Labada wasiir ee shahaado sharafyada la siinay ayaan goobta kasoo xaadirin, balse waxaa shahaado sharaftii labada wasiir u gudoomay Suldaan Xuseen Ismaaciil Geele iyo Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub Nuur oo madasha joogay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *