qoraalSida lawada ogsoonyahay  dhallinyeradu wexey wadanka ka yihiin boqolkiiba shan iyo todobaatan, sannadkiina jaamacadaha waxaa kasoo baxa cadad badan aan loo haynin meel lagu jiheeyo, intaas inleegna waxay

 

kasoo baxaan dugsiyada sare, wixii ka hooseeyana waa wax u dhigma ammaseba ka badan oo iyena u baahan in la meeleyo, waxaas oo dhanna waxaa ka masuul ah wasaaradda dhallinyerada iyo ciyaaraha, maadaama aaney dawladdu intaasoo  miisaan ah aaney qaabili karin wax u qabadkooda, hadaba wexey ahayd wasaaradda dhallinyerada iyo ciyaaruhu maaweelo, ciyaaro iyo wexey kaga fogaadaan wixii xumo oo dhan sida tahriibta, qaad cunista iyo boobista moobilada i.w.m. ay kaga kaaftoomaan dhallinta u sameeyaan.

Hadaba waxaan leeyahay waxaa kaalintoodii gabtey wasaarada dhallinyerada iyo cayaaraha, tusaale gaaban hadaan idiin siiyo: Wadan jirey ayuu dhaqaalihiisu u aad u hooseeyey, dhallintiisuna ay fara badneyd waxaaney ku kici jirteen wax da’yarteenu maanta  ku kacdo, markaa rag aqoonle ayaa u fikirey dabadeedna madaxdoodii ayey kula taliyeen dawladoodii dhallintu wexey ku degi lahayd niyadooduna ku dhismi lahayd oo ah in lagu jiheeyo cayaaraha loona sameeyo garoomo badan oo ay ku kala baahan loona xulo dad aqoon u leh oo ku haga tubta hagaagsan, wadankii iyo dhallintiisiba sidaasu ku degey.

Hadaba waxaa mucjisa dalkeena ku noqotey ilaa iyo maallintii xornimadeena aynu lasoo noqoney inaan wasaarada cayaaraha aan loo Sahamin dadkii ku haboonaa ee aqoonta u lahaa cayaaraha iyo shuruucdeeda, waxaana nasiib daro ah inagoo dawlad dhisan ahayn saddex iyo labaatan sanadood inuu maanta wasiirku yidhaahdo shuruucdii ciyaaraha lagu hagi lahaa ayaan guddi olombiga u magacaabey si ay u sameeyaan xubnahaasoo uka magacabey dalka dibediisa oo aan wacyiga dhalinta aan waxba ka ogeyn kalana socon gudo iyo dibedba, iyedoo aan dalka laga waayin dadkii aqoonta u lahaa heer kastaba haka gaadheen cayaaraha markaas ma wexey ka dhiganyihiin habartii xaabada qaadi kari weydey ee la yidhi badh iska dhin ee tidhi ii biiriya, tii oo qaladaadkii hore aaney meel dhigin ayey maantana gashey khaladkii ugu weynaa, caalamkuse ma inaga siisanaaya wasaaradda cayaaraha ayaa soo dhistey gudida olombigada iyo xidhiidhada markey doontona iyedaa ridda,  waxaana la yidhi geeloo daaq daaqo maallintaad gamboor daaqdo ayaa lagu yaaba, ma waxaaney ogeyn dadku in uu indha leeyahay uu dhega leeyahay waxna arkaayo waxna maqlaayo.

Waxaana jirta maahmaah kale oo tidhaahda midho gun yaala midho geed saaran looma daadsho, Hadaba dadkii kaalmahaaa buuxin lahaa ee dalka joogey ee aqoontana u lahaa sow laguma gefin moral jebna kuma dhacaayo dalkiina lama nacsiinaayo tahriibtana laguma kalifin.

Markeynu wasaaradda cayaaraha dib ugu noqono sow la mid maaha xereda yedu waa wada ul, ul laqaatana malaha, dhammaantoodna wexey la mid yihiin, afartii waraabe ee midi indhaha la’aa, iyo midna dhega la’aa, midina lugo la’aa midina san la’aa, ayaa kii sanka la’aa wuxuu yidhi xoolaan uriyey, kii idhaha la’aana wuxuu yidhi waaban arkaaya, kii dhegaha la’aana wuxuu yidhi shanqadhoodi baan maqlaaya, kii lugaha la’aana wuxuu yidhi oo maxaa ina dhigey meynu yaacno, markaasaa dhammaantood wexey kala kulmeen jeb iyo hoog aaney ka filaneynin, hadaba maallin walba wax wax lagu qaato ayaa wasaaradda ka dhaca waxaaney qaladka dhaca ku saxan qalad kii hore ka weyn, hadaba waxaa la yidhi meyd maxaa u dambeeyey iyo kaa lasii sido, Olombig baa la dhisey baa la yidhi hadaba waxaa suaal ah cidda olombigada dhista waa ayoo?, cidda ansixisana waa ayoo dadweynoow waa iga suaal? Kabasii darane haba la dhisee halkee laga dhisey? Waxaa laga dhisey dad  dibedda jooga oo la yidhi wakiilo ayaa u maamulaaya oo shaqadoodii u wadaaya iyo kuwo bakhaareey ah oo hawsha ay leeyihiinba aan ka baxaynin, hadaba miyaaney ahayn waraabayaashii aan soo sheegey.

Dawladda maanta jirta wexey ku kacdey oo  heegan u tahay habeen iyo dharaarba iney doc walba dalka ka dhisto  wadankana wax u qabato sida wadooyinka, xafiisyadii iyo adeegyadii kaleba wey hagaajisey, hadaba waxaa ayaan daro ah iney ilowsantahay halkii ugu darneyd ee xoogu kasoo dhismaayey oo ah dhallinyerada, sidaa waxaan u leeyahay xooluhu haddii ay raaf dilaacaan waxaa loo diraa dhakhtarkii xoolaha ee aqoontooda bartey, hadaba waxaa la yidhi cudurka kaa gala fardaha haddii dameer laga gubo dawodiisii lama helin.

Hadaba arrintu wexey u egtahay odeygii la tilmaamey ee yidhi reerka waan arkaayayee waa ogaan garab mar waxaa la mid ah dhaliishan aan arkeyno oo lawada dareensanyahay oo aan isbedel lagu sameyneynin, kabasii darane tii oo dhallintu filaneyso iney maanta beri dhaami doonto oo wasaaradda la keeni doono dad loo soo xuley hogaankana u qabaneysa, ayaa mar kastaba la keenaa kuwii hore kuwo ka liita oo aan aqoon iyo ehel isboortiba aan lahayn taasoo mar walba hawlihii laga sugaayey wasaaradda ay  sidaa fadhiid ku noqdaan.

Bal hadaba ilaahey baan idin ku dhaarshee ilaa maallintii wasaaradda la magacaabey ee alla hau naxariistee ee jaahweyn loo dhiibey ilaa iyo maanta bal tira kooba intii wasiir iyo intii agaasime isaga dambeeyey ee aan midna ehel isboorti ahayn xag aqooneed iyo xag waaya aragnimoba aaney lahayn, hadaba ma aqoon baa loo

xulaayey mise reer baa loo xulaayey? Ku darsoo haddii reerka lagu maamuusaayo ma waxaa laga waayey nin aqoon u leh ciyaaraha. Berigii dawladii hore ee siyaad bare ayey magaalada boorama ay gariirtey, markaasaa wasiir dhega la’ ayaa loo direy, mar markii ka dambeyseyna diyaaradii xabashida ayaa rusheysey markaasaa loo dire nin indha la’, markaas islaan geesiyada ahayd oo ka dhalatey ayaa tidhi siyaad baroow aad iyo aad baad noo necebtahay, waayo buu yidhi, markii buurta sow la yidhaahdo ay gariirtey nin dhega la’ ayaad noo soo dirtey, markey diyaaradu  narusheyseyna nin indha la’ ayaad noo soo dirtey, hadaba nin dhega li’ gariir ma maqlo, nin indha li’na wax ma arko

Hadaba waxaa la yidhi  xabaaluhuba wey isku faanaanee bal eega dawlada jaarkeena ee soomaaliya ee laba iyo labaatanka sanadoodba dagaalka ku jirtey oo aaney mar qudha ka ragaadin wasaaradooda cayaaruhu garoomadoodi iyo cayaartoydooduba maanta ay la tartamayaan kuwa adduunka, waxaaney sidaa ku gaadheen maaha sida kuweena oo ah anoo aabahay khaatiyaan la jooga ayuu aabahayna aabihii keeney ee ayaga dadkoodii aqoonta u lahaa cayaaraha ayey ka faaideysteen oo hogaaminaayey, inagana xageena dadkii aqoonta u lahaa miscirir iyo dhacamo ayaa loo dhigey oo hangool faraara leh ayaa laisaga cadaadinaayey, markaas arrintu wexey fadhida baadi nimaan lahayn bey ag joogtaa.

Ugu dambeyntii waxaan ku talin lahaa dhaliili Colaad maahee waa toosin iyedoo wasaaradda cayaaruhu ay ka maagtey iney isugu yeedho dadkii   ay ka faaideysan lahaayeen waxna u tari lahaa una arkeen iney cadow ku yihiin iyegoo leh meeshey idin ka qaadi doonaan waa sidey u fahmeene, laakiinse arrintu sidaa maahee waxaan leeyahay si aynu hore ugu socono da’yartana wax uga faaideysato,  waa iney saddexda gole qaran oo aaney wasaarada cayaaruhu ku jirin waa iney isugu yeedhaa  dadkii ehelka u ahaa cayaaraha ee  miisaanka culus ku leh dalka oo ay ka wareystaan ciyaaraha wixii dib u dhacan iyo buuqan maallin walba jira ee aan jogsaneynin ku keeney si ay qaloocana uga saaraan una saxan sida sharcigu tilmaamaayo.

La soco:

Waxa soo diyaariyey:  Axmed Ismaciil Xusein.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *