SOLTHargeysa(Arraweelo News Network)Kalfadhigii Saddexaad ee Golaha Deegaanka Hargeysa oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Degaanka Hargeysa, isla markaana ah Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan

 

Maxamuud Caydiid (SOLTELCO) ayaa gudagalay dooda xeerarka horyaal golahaa.
Fadhigan oo ay ka soo qayb-galeen siddeed iyo toban ka mid ah Xildhibaannada Golaha Degaanka Hargeysa, waxa sidoo kalena goob ka ahaa Xogahayaha Golaha Degaanka Hargeysa oo ah Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Hargeysa  Mawliid Weris Cabdullaahi.
Fadhiga oo lagu qabtay hoolka shirarka ee Dawladda Hoose ee Hargeysa, waxa si weyn loogu naaqishay xeer-hoosaadka Golaha oo in muddo ah la soo diyaarinayay.

Sidoo kale waxa Qodobbada ugu muhiimsan ee lafaguray waxa ka mid ahaa samaynta guddiga joogtada ah ee Golaha, xeerka anshax-marinta mudaneyaasha iyo nidaamka loo raacayo, muddada ay qaadan karaan safarrada dibadda iyo baahiyaha caafimaad ee ay dibadda u aadayaan Maayarka iyo maayar ku-xigeenku iyo qodobbo kale oo kaabaya habsami u socodka shaqada ay Golaha Deegaanku u hayaan bulshada Hargeysa.

Intii fadhigu socday ayaa xildhibaannada loo qaybiyay xeerar kale oo uu ka mid yahay xeerka tacriifadda iyo kuwo kale oo lagu lafaguri doono fadhiyada soo socda haddii Alle idmo.

Ugu dambayntii xildhibaannada ayaa u codeeyay xeerkan, waxaana go’aankiisa ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha oo ah Maayarka Caasimadda Hargeys Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTELCO), isagoo yidhi, “Waxaynu saaka naashiqnay xeer-hoosaadka Golaha Deegaanka Hargeysa. Fadhiga waxa soo xaadiray 18 mudane. Waxa u codeeyay 17 mudane. Guddoomiyuhuna ma codayn. Sidaa ayuuna ku dhaqan-galay xeer-hoosaadka golaha deegaanka caasimadda Hargeysa.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *