qoraalWaxaa caado u ahaan jirtey  Soomaalida inay ku maareeyaan, nabad iyo walaaltinimona ka dhex abuuraan khilaafaadka soo kala dhex gala shakhsiyaad ama beelo iyagu soohdin wadaag leh,  ama isku maandhaafa

 

arrimo iyaga u gaar ah.  Ragga loo xuli jirey inay ka hawl galaan arrimahaas kilaafaadka ah waxay ahaan jireen rag xul ah oo aan marnaba looga biqi jirin wax surma seegtayn ama eexasho ku ah garta ay markaas ku guda jiraan. Ragaas oo lagu magcaabi jirey XEER BEEGTI waxay hadalkooda ku bilaabi jiree, “ILAAHOW AQOONNA HA NAGU CADAABIN, EEXNA HA NAGAGA TEGIN” micnaheeduna tahay inay Ilaahay hortii Gartaas si daacad ah oo aan eexasho lahayn ugaga hawl gelayaan.

Si kastaba ha loo qaatee, hordhacaygu wuxuu fure u yahay in odoroska iyo saadaalada aan ka leeyahay Madaxweynaha Mustaqbalka ku salaysanyahay xogaha dhabta ah iyo aragtiyaha kala duwan ee  dadka iyagu caqligooda iyo maskaxdooda xorta u ahi ka kala qabaan miisaanka madaxtinimo ee ay kala leeyihiin saddexda Xisbi  ee maanta Dalka ka jira oo kala ah Xisbul Xaakimka (Kulmiye), Labada Xisbi Mucaarad ee UCID iyo WADDANI.

Marka  xaqiiqada jirta la adeegsado, way adagtahay in la odoroso saadaal dhab ah oo lagu jaan gooyo  Madaxweynaha Mustaqbalka S/L, sababtuna tahay lama malaynta qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo aan taageeradooda xisbiyeed ku dhisnayn mabda’ iyo waddani nimo dhab ah oo ay ku barriinsadaan Xisbi keliya, balse marba halka iyo xisbiga ay nolol maalmoodkooda ka helayaan uga kala diga rogtaan. Ka saadaalinta Madaxweynaha mustaqbalka ayaa odoreskeedu ku salaysantahay Saddexda Xisbi qaran iyo ragga ilaa iminka loo tuhun qabo inay leeyihiin damac madaxtooyo.

Saadaasha Madaxweynaha Mustaqbalka S/L iyo Xisbiga UCID.

Xisbiga UCID oo soo bixitaankiisii fartu ku godneyd, isla markaasna uu mayalka u hayo Siyaasi Ruug caddaa ah, Mudane Faysal Cali Waraabe , ahna nin qaranimada S/L si weyn ugu damqada, isla markaasna ka soo doogey jallaafooyin badan iyo daqaradii ka soo gaadhey ku barriiqashdii doorashooyinkii hore ee Madaxtooyada ayaan weli siyaasaddiisu ahayn mid si dhab ah looga saadaaliyo. Waa sida loo badanyahay e, dadka siyaasadda u caafimaadka qaba ayaa ku dhaliila Mudane Faysal Siyaasi aan erayada iyo odhaahda mucaaradnimadiisa u kala miidaan deyin, inta bandanna laanta uu geedka kaga taagan yahay gunta ka jara!

Siday doontaba ha iska ahaatee, Dadka siyaasadda ka faallooda ayaa u badiya Geesinimada, aqoonyahanimada, iyo waddaninimada Faysal Cali Waraabe inay tahay mid aan weli helin cid isla bar-bar taagta taageero siyaasad iyo aqoon miisaan culus leh  oo kaabta tan uu isagu  had iyo jeer keligii guntiga ugu xidhto. Waxaa kaloo iyaduna nasiib darro noqotay markii rag dhowaan Xisbiga  ku soo biiray, lagana filaayey inay Xisbiga siyaasad caafimaad qabta la soo galaan kuna hogaamiyaan ay lumiyeen kalsoonidii taageerayshii uu xisbigu lahaa.

Isku soo wada xoori oo, dadka siyaasadda u daacadda ahi waxay ku kala baydhi waayeen in aanay maanta ka muuqan Xisbiga UCID  Nin buuxin kara Jagada Madaxtinimada oo aan ahayn Faysal Cali Waraabe, yahayna ninka keliya ee maanta noqon kara Madaxweynaha Mustaqbalka ee S/L haddii uu  siyaaasadda, maamulka Xisbiga, iyo tan Mucaaradnimoba ee iminka xisbigiisu ku shaqeeyo wax ka beddelo, isla markaasna ka xakameeya taageerayaashiisa qayla dhaanta xanbaarsan xil kasnima darada iyo anshax Xumada ee ay u adeegsadaan warbaahinta, had iyo jeerna ka farxisa cadowga S/L.

Saadaasha Madaxweynaha Mustaqbalka S/L iyo Xisbiga WADDANI.

Xisbiga WADDANI oo uu mayalka u hayo Mudane Cabdirehman Cirro, isla markaasna ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa ah Xisbi ku cusub saaxadda xisbiyada ee S/L, isla markaasna hadal hayntiisu u badantahay in uu gacan saar maqaam sare ah la lahaa Xukuumadda waqtigii doorashooyinka Deegaanka. Inkastoo loo badbiyo in xisbigu ku soo baxay taageeradii iyo kalsoonidii uu shicibka ku lahaa, haddana kama madhnayn tuhun ah in badhitaarkii iyo gacan saarkii uu la lahaa Xukuumadda ku soo hooyey guul weyn oo uu ku sigay Xisbul Xaakimka Kulmiye.

Arrinku si kastaba ha iska ahaadee, Musharaxa mustaqbalka Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee laga saadaalinayo Xisbiga WADDANI ayaa weli ah gacan uur ku jirta, maadaama aan weli la hubin ragga iyagu damacaas leh ee isla soo sharaxi doona Mudane Cirro.

Sida loo badinayo, waxaa lagu kala baydh-baydhi waayey in mudane Cirro yahay nin qun yar socod ah, lehna dabeecad uu mucaarad iyo muxaafadba saaxiibtinimo la yeesho, isla markaasna aan xaqiiqada dhabta ah ee u qarsoon cidina mala awaali Karin. Waxaa kaloo lagu xantaa in uu yahay nin aanay Qaranimada iyo  Qabyaaladdu iskaga khaldamin, looguna soo hagaagin reeraysiga iyo Gobolaysiga ee uu yahay nin Qaran.

In kastoo loo badinayo inuu yahay nin kasban kara kalsoonida shiciba, haddana waxaa shaki weyn laga qabaa in uu yahay nin dabinada iyo shirqoolada mu’aamaradaysan ee laga dhex maleego gudaha xisbigiisa iyo Golaha Wakiiladaba uu yahay nin si yar u geli kara.

Dabinadaas iyo Shirqooladaas tuhunka laga qabo ayaa dadku daliil uga dhigaan ku biiristii ama taageeradii uu u muujiyey Golihii Wada Tashiga iyo Toosiinta, isla markaasna loo tiriyaa inuu beryahan dambe shuruucdii u taalley Golaha wakiilada uu Guddoomiyaha ka yahay wax badan ka garoocday, daqarra bandanna gaadhsiiyey, ilaa iminkana qaylo, sawahan iyo mubdi weyni  ka jiro.

Guntii iyo gunaanadkii, inkastoo ay dhaliilo jiraan, haddana waxay saadaashu odorosaysaa in uu Madaxweynaha Mustaqbalka S/L aan cidina uga dhoweyn Mudane C/Rehman Cirro, waa haddii uu la yimaaddo  feejignaan iyo siyaasad cad oo cilmiyeysan.

Saadaasha Madaxweynaha Mustaqbalka S/L iyo Xisbiga KULMYE.

Xisbiga KULMIYE oo muddo dheer ku soo jirey  halgan uu ku hantiyo Kursiga Madaxtooyada, deedafeyn badan oo loo geesteyna dul qaad badan ka soo muujiyey ayaa ah kan maanta Xukuumaddiisu ka taliso Jamhuuriyadda S/L, Mudane Siilaanyona ka yahay madaxweynaha halka Mudane Muuse Biixina ka yahay Guddoomiyaha Xisbul Xaakimka, KULMIYE.

Arrintu si kastaba ha iska ahaatee, Xisbiga Kulmiye ayaa iminka noqday mid taladu ku baahsantahay ka dib markii rag ruug caddaa ah, muddo dheerna samir ku soo  jirey iyo kuwo dhowaan saaxadda siyaasadda cagaha la soo galay loolan kursi jacayl ku hirdameen. In kastoo dadka siyaasadda ka saadaaliyaa rumaysanyihiin in Xisbiga KULMIYE ku dhisanyahay mabaadii’ cilmiyeysan iyo wada jir ku jihaysan sii xoojinta Xisbiga, haddana arrintaas cakirantey waxay caqabad weyn iyo laf dhuun gashay ku noqotay qabsoomiddii  Shir weynihii Xisbiga KULMIYE, taas oo laga baqayo in uu Xisbiga Kulmiye maro  waddadii soo noqosha la’aanta (Irreversible) ee uu hore u maray Xisbigii UDUB.

Guntii iyo Gunaanadkii, waxay dadka siyaasadda u caafimaad qabaa saadaalinayaan in Xisbiga iminka talada hayaa mar labaad ku gulaysanayo, una badinayaan Mudane Muuse Biixi ama Mudane Ahmed Siilaanyo hadba kii iska soo sharraxa Xisbiga KULMIYE, taasuna waxay ku suurta geli kartaa oo keliya Siilaanyo oo si deg deg ah Xukuumaddiisa iyo maamulkiisa wax uga beddela, sida:

–      Wasiirada ; gaar ahaan kuwii kamaraddu sida foosha xun u qabatay waqtigii doorashooyinka deegaanada, ilaa iminkana cawaaqib xumadiii ay dhigeen Xukuumaddu u dhitinayso.

–      Wasiirada; gaar ahaan kuwa qabyaaladdu madax martay, ee beeshooda oo qudha ku soo ururiyey wasaaraddiisa.

–      Wasiirada; gaar ahaan kuwa aan lahayn maamuil iyo maarayn toonna, isla markaasna aan lahayn akademiyad ay kula jaan qaadi karaan xidhiidhada caalamiga ah.

–      Wasiirada; sida kuwa ku abuuray deegaanadii ay ka soo jeedeen bur-burka ee ka jooga hungada  iyo tiqa darada.

–      Wasiirada; sida kuwa aan kudhaca iyo go’aan qaadashada lahayn

–      Xakamaynta maamulada qarsoon ee awoodaha gaarka leh.

–      Hirgelinta iyo u sinaanta awoodaha golaha fulinta ee  xukuumadda

–      Xakamaynta Musuqmaasuqa xakamaha goostay iyo xaalufinta hantida  qranka

–      Ka qaadista dayrka Xukuumadda iyo shicibka kala dhexyaalla ee ah Afmiishaarada     .

–      Ku dhowaansha Shicibka iyo dhegeysadkooda.

–      Wax ka beddelista macaamilka Gobolada iyo deegaanada adeegyadii

bulshadu is wada xidheen, sida Gobolka Sanaag iyo  kuwa kale  ee la midka ah.

Waa Billaahi Towfiiq

Ahmed Shire (Baandheeye), Hargeisa
yufle1@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *