CARACAS(ANN) Madaxweynihii dalka Venezuela ee Latin America Mr. Hugo Chávez ayaa geeriyooday saacado ka hor. kadib markii uu haleelay xauunka cancer, waxaana dalka Venezuela ka bilaabmay baroordiiq la xidhiidha

 

hogaamiyihooda geeriyooday.

 

magaalooyinka Havana and Caracas, ayaa lagag dhawaaqay todobaad baroordiiq aamusnaan ah, waxayna geerida Hugo Chávez oo ahaa 58 jir, kusoo beegantay xili dalka ay ka jirtay kala qaybsanaan dhinaca siyaasada ah.

Hugo Chavez waxa uu dalka xukumayay 14 sanadood, isagoo xukunka ku fuulay kacdoon, wuxuuna wax ka qabtay dhinaca dhaqaalaha, ganacsiga iyo waxbarashada, iyadoo Wadanka Venezuela yahay wadanka afraad ee saliida ugu badan soo saara dunida, isla markaana u qaybiya saliida Laatiin Amerika iyo USA.

President Hugo Chavez of Venezuela greets supporters in Caracas, Venezuela in 2004. (Egilda Gomez/via The New York Times)Hugo Chavez, wuxuu ka mid ahaa hogaamiyayaal tiro yar oo si weyn uga soo horjeeda siyaasada maraykanka ee ku waajahan aduunka, waxaana marar badan hanjabaado ay is weydaarsadeen Maraykanka.

 

Sida uu dhigayo Dastuurka dalka waxa xukunka sii haynaya Madaxweyne xigeenka dalkaa Nicolás Maduro, kaas oo mudo bil ah haynaya xilka, iyadoo mudadaa lagu qabanayo doorasho. Ninkan xukunka la wareegay ayaa ah siyaasi an khibrad badan lahayn oo hore gudoomiye gobol u ahaa, balse Mr. Mr. Chávez ayaa Octobartii lasoo dhaafay u doortay inuu noqdo madaxweyne xigeen.

www.araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *