Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud ayaa maanta qasriga madaxtooyadda ku qaabilay wefdi ganacsato Malaysian ah oo booqasho ku yimi Somaliland shalay, kuwaas oo doonaya inay maalgashi ku sameeyaan dalka. Kulanka Madaxweynaha iyo Wefdiga

 

 

oo aanay saxaafadu goob joog ka ahayn ayaa lagu sheegay qoraal saxaafeed kulankaa ka dib kasoo baxay madaxtooyada inay labada dhinac ee Xukuumadda  Somaliland iyo wefdiga ganacstada Malaysia kaga wada hadleen arrimaha maalgashiga dalka.
Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland C/llaahi Daahir Cukuse ayaa u qornaa sidan;- “Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed  Maxamed  Maxamuud  (Siilaanyo) ayaa Qasriga madaxtoooyada maanta ku qaabilay Wefti 7 xubnood ka kooban oo Maal-gashadayaal ah kana socda Dalka Maleysiya.

Madaxweynuhu waxa uu Xubnaha Weftiga uga Waramay Siyaasada Xukuumada Somaliland ee la Xidhiidha Maalgashiga Dalka, waxaanu Madaxweynuhu si faah-faahsan u cadeeyey inay Dawlada Somaliland Gacmo furan ku soo dhawaynayso Cidkasta oo maalgashi ku samaynaysa qaybaha kala duwan ee khayraadka Dalka. Sida:-

Beeraha, Kalluumaysiga, Badda, Ganacsiga, Macddanta, Shidaalka iyo IWM.

Madaxweynuhu wuxuu u  sheegay inay Shuruucda Maalgashiga iyo Nabada taala  Dalku u fududdaynayso, isla maraana u suurta gelinayso, cidii Danaynaysa inay maalgashato Somaliland.

Xubnaha weftiga ayaa iyaguna sheegay sida ay ugu faraxsan yihiin kulanka madaxweynaha iyo sida loogu soo dhaweeyey Dalka, waxaanay sheegeen in ay Nabadgelyada Somaliland iyo Khayraadka Dihin ee yaallaaba ku dhiiri gelinayaan maalgashiga dalka ee ay u yimaaeen.

Dhinaca Xukuumada waxa madaxweynaha ku wehelinaayey ,Madaxweyne ku xigeenka JSL &  Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada JSL.

Xubnaha Weftiga Malaysia  waxay kala ahaayeen Sidan :-

1.        Dato Ir. Aziz bin Mustafa                        Director of JPZ & Advicer
2.       Shamsul Anuar bin Shasudin     Director, Cosign Sdn bhn
3.      Nik Arshad bin Nik Mohamed     Director, Kumpulan Senireka
4.     Nik Azlan bin Nik Mohamed        Director, Kumpulan Senireka
5.      Idris bin Mohamed Noh              Director, Arab Saudi
6.      Rosli bin Abu Bakar                      Broadcast
7.       Hassan bin Samian                Regional Manager, Propel Abu Dhabi, UEM.”
Ayaa lagu yidhi qoraalka madaxtooyada.
Dhinaca kale wefdiga Malaysianka ah oo shalay kasoo degey gegida diyaaradaha ee Berbera, waxa gadhwadeen u ahaa wakiilka Somaliland  ee dalka Malaysia C/risaaq Maxamed Maxamuud oo ah ganacsade ka mid ah Mulkiilayaasha wersheda Hilibka ee Burco, iyadoo ay  Madaarka Berbera ku soo dhaweeyeen  gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Hayste (Ramaax) iyo Masuulliyiin ka tirsan  Wasaaradda Arimaha debeda Somaliland oo uu horkacaayay C/risaaq Xaji Xusseen, isla markaana kulamo kula yeeshay halkaa masuuliyiinta laamaha dawladda ee berbera. Wefdiga ayaa la filayaa inay booqdaan magaalada burco ee xarunta gobolka Togdheer mudada ay joogaan Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *