Berbera(ANN)Wefti ka socda Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta oo shalay soo gaadhay magaalada Berbera, ayaa ka qaybgalay raashin loo qaybiyay qaar ka mid ah dadka danyarta ah ee Berbera. Weftigan oo u hoggaaminyay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha ee Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale, waxa

safarkoodu ahaa qaybinta raashinkan oo ay Dawladdaha Imaaraadku ugu deeqeen abaaraha ka taagan Somaliland.
wasiirka wasaarada macdanta tamarta iyo biyaha Xuseen Cabdi Ducaale mar uu halkaa raashinka lagu qeybinaayay uu saxaafada kula hadlay, ayaa sheegay in raashinkan ay hay’ada bisha cas ugu deeqday dadka Somaliland yahay (900)sagaal boqol oo tan oo noocyo badan isugu jira waxaana hadaladii wasiirka kamid ahaa “Raashinkan aad arkeysaan ee halkan lagu qeybinaayo waxa inoogu deeqday dawlada imiraatka carabta waxaanay kadanbeysay socdaalkii aan dhawaan kutagay wadanka imiraatka carabta oo anu waxyaabo badan qolooyinkaa isla meel dhignay waxaana kamid ahaa oo anu ka soo wada hadalay waxaana kmid ahaa in ay inaga caawiyaan abaaraha deeqdan aad imika rakaysaana waa raashin isugu jira Bariis.Sonkor.Daqiiq iyo Saliid tirade guud ee raashinkuna waa (900)sagaal boqol oo tan waxaana qeybiyay oo qorsheeyay sida loogu qeybinayo gobolada Gudida abaaraha ee soomaaliland halkan(Berbera)waxa loogu tala in ama loo qoodeeyay in raashin la siiyo (1000)qoys oo kamida dadka danyarta ah eek u dhaqan gobolka saaxil intan manta raashinka qaadanaysaana intii ugu horeysay waxaana tiradooda lagu sheegay sadex boqol oo qoys(300) qeybinta raashinka waana la wada gaadhsiinayaa cidii liistada ku qorneyd ee hore loo soo diwaan galiyay aniga iyo waftigan bisha casina waanu kormeeraynaa oo manta waxa aanu idiin sii dhaafayna dhinaca burco iyana hawshan bari laga bilaabi doono.

Raashinkan ayaa manta lagu qeybiyay xarunta shamiitada sibidhka Berbera oo imika aan shaqeyn iyada oo aan la garaneyn sababta keentay in magaalada laga saaro raashinka iyo dadka loo qeybinaayo balse waxa la sheegayaa in uu arintaa kadanbeeyay badhasaabka Gobolka saaxil Maxamuud Cali Hayste(Ramaax).
Dadka raashinka loo qaybiyay oo aan ka badnayn lixdan qoys waxaa basas lagaga qaaday magaalada, iyadoo la geeyay goobta raashinka lagu qaybinayay ee dulleedka Wershadda, iyadoo la sheegay in raashinkaas loo qaybin doono 300 oo qoys.

Raashinada noocyadana ayaa wakhtiyadii xukumadii hore hayadani keeni jirtay balse inta badan meel ay maraan lama arki jirin waxaana qaadan jiray oo gobolkan saaxil u xilsaaraa niman ku mamay caawimooyinka noocana ah oo sifooyin qaldan u leexsan jiray.
Araweelonews Mobile

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *