photo

Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku dhaariyay todobada xubnood ee  ay ka kooban yihiin gudida diiwaan gelinta ururada siyaasada iyo ansixinta axsaabta qaranka oo dhowaan golaha wakiiladu ansixiyeen. Kadib

 

markii Madaxweynuhu magcaabay.
Dhaarta xubnahaa waxa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Madaxweyne Xigeenka C/raxmaan Seylici, waxaana Xubnaha gacanta loo saaray   kitaabka quraanka kariimka ah, iyadoo  lagu dhaariyay   dhaarta  uu jideeyay xeerarka iyo dastuurka Somaliland  oo ay ka mid ahaayeen erayadan “Waxa Igu walaahay ah oo igu bilaahi ah inaanaan ka mid ahayn kuna jirin urur iyo xisbi qaran kana mid noqonayn urur iyo xisbi kale inta aan xilka hayo uguna adeegayo bulshada Somaliland cadaalad, sinaan iyo daacadnimo.”

 

photo

photo

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxmed Maxamuud (Siilaanyo) oo dhaarta xubnahaasi ka dib  hadal dardaaran ah u jeediyay wuxuu yidhi,  “ILAAHAY waxaan ka barayayaa inshaalaahu tacaalaa inaad hawshaas si xil kasnimo ah uga soo baxdaan oo ILAAHAY idiin  fududeeyo hawsha.”
Qaar  ka mid ah xubnaha  Guddidaa oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay inay xilkooda u gudan doonaan si daacadnimo iyo wadaniyad leh oo  waafaqsan  dastuurka iyo shuruucda dalka.
Magacyada Guddida diiwaan gelinta Ururada iyo ansixinta axsaabta qaranku  waxay kala yihiin sidan:-
1        Cabdalle Ibraahim Maxamed
2.      Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Ciyaale)
3.      Xasan Axmed Ducaale (Macalin): Garyaqaan
4.      Cumar Xasan Jaamac
5.       Maxamed Cabdi Maalik
6.      Aadan Geedi Qayadi
7.       Ismaaciil Cabdilaahi Cali

photo

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *