Waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba leh,aan u dirayaa dhammaan shacabka xariirta ah ee reer Somaliland iyo inta maqaalkan akhrisataba.Waxaan Allaha awoodda leh  weydiisanaya , inuu innaga yeelo kuwii if iyo aakhiraba liibaa na, xaqa ku adima, dulmigana ka fogaada.

Diiwaanka Taariikhdii madoobeyd ee  Riyaale iyo kooxdii NSS ta, Hangashtii iyo damiir
laawayaashu,  badeen shacabka  iyo Qaranka Somaliland iyo mahadhooyinkii laga reebay ………

Guul darradiini horiyo,qoomamo la’aantiinan danbe,waxay la xaajo tahay,”Hooyooy
laba jeer dhintaye,godkiyo ,iilka igu rida.”
Waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba leh,aan u dirayaa dhammaan shacabka xariirta ah ee reer Somaliland iyo inta maqaalkan akhrisataba.Waxaan Allaha awoodda leh  weydiisanaya , inuu innaga yeelo kuwii if iyo aakhiraba liibaa na, xaqa ku adima, dulmigana ka fogaada.
Allah waa ii dhaliyey raganimo,ina baray qalinka ,hibana ii siiyey afka iyo luqada lagula hadlo kuwa xaqa bal maarsan ee wanaaga iyo walaaltinimada aan xeerin.Waxaad in badan maqasheen amaba akhrisateen in   Madxweynaha Qaranke enna , ee aqlabiyadda weyn lagu doorty ,  tan iyo maalintii  kursiga loo dhaariyey  aflagadooyin,ceebeyn,caadifadnimo, curfinimo, beelaysi, qabyaalad ,xaasidnimo , hanjabaad iyo kala fogayn, ay ka soo burqaneysay shaqsiyaad:

1-Wax yeello mooye aan waxtar u yeelan shacabka iyo Qaranimada Somaliland
2-Halgankii iyo taarikhdana aan waxba ku lahayn,baal madawna kaga qoran
3-Ma guurtadii iyo Qasanadii Qarankana dhaxal wareejiyey
4-Sidii Gofanaha dhiiggii umadda nuugay,lafihii iyo  tacabkii ummadana baa bah ka yeelay

Iyagoo intaa iyo in ka badan dalkan u geystay,darxumo iyo leel leelnna baday in badan oo innaga nid ah ,ayaa markii uu talada Dalka la wareegay Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo), wuxuu ku dhawaaqay inaan cidnna la daba galayn,waxnna loo raaceyn,wanaagana iyo wada jirkana uu ka hor mariyey wax walbba  ……..Billaa caleeg , Gobanimo waa u dhalasho iga dheh.

Somalidu waxay ku maah maahdaa,”Ninna caadii ma baajo,bahalnna qaydhiin ma daayo.” Nimankii intaas oo wanaaga loo galay,ee magacoodii la dhawray,la asturay,ee wixii ay galeen,aynu duu duubka ku liqnay,ayaa iyaba waa cibaaro ad duune , maanta sidii Tukihii geed walbba dushiisa ka waaqlaynaya !!!
cakuye miyaanay ahayn, adduun sii gabaabsiya iyo wanaagii oo fool xumadu ka magac roon tahay.

In badan buu Madaxweynhu u dulqaatay,u samray,kaadi badane waa loo gogol badiyaana ku dhaafay tawaawcooda,laa kiin wuxuu arrinkeedu  ku biyo shubtay maah maahdii ahayd,”Doqoni xin mooyee, xisaab ma oga.”
Markaa inuu cawdaa u gooyaa , oo laba kalmadood oo waafiya hawada u mariyaa, waa daw , ileyn
horaa loo yidhi “Doqonta usha agteedaa lagu dhuftaa, haday garan waydana, goshaa loo geshaaye.”….Taana waxaan leeyahay Madaxweyne waad asiibtay,bilaa caleeg  tu labaad ha u celin.

Bal aan dib u xasuusiyo Mahadhooyinkii laga reebay kooxdii Riyaale, ee NSS ta,hangashta,damiir laawayasha, ka dib markay ogaadeen inay guuli ka dheer tahay,waqtigiina ku soo yaraaday,calaa calkoodii iyo tiiranyadoodiina waxaa ka mid ahaa:

•”Waxaan dalka u imid inuusan Siilaanyo madaxweyne ka noqon Somaliland oo ragbaa igu ballamiyey,” Cawil,Wasiirkii Maaliyadda

• “Siilaanyo waa inuu cafis soo weydiistaa Riyaale ,haddii kale dalka kuma soo noqon karo,”Wasiir ku xigeenkii hore
a Arrimaha Dibadda,Kayse Aadan Ismaaciil

•”Riyaale dhab libaax buu ku hurdaa,cidna kama qaadi karto kursiga,”…Waa mala awalkii iyo khayaaligii Riyaale lagu seexin jiray……..Waxaase maanta dhab ah inuu Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku hurdo idan Alleh iyo shacabkii codka aqlabiyadda siiyey …….. Eash qiyaasak

•”Distoorka Somaliland dib ha loo furo si uu madaxweyne Riyaale dalka taladiisa uu hayo,” Cali Maxamed Warancade

Yaan tawaadu iga idlaane ,aan soo xakameeyo qormadan kooban,ee aan ku iftiiminayey,Diiwaanka Taariikhdii madoobey d ee  Riyaale iyo kooxdii NSS ta, Hangashtii iyo damiir laawayaashu, badeen shacabka  iyo Qaranka Somaliland iyo mah adhooyinkii laga reebay ….
Waxaan  kooxdaasi ka codsnayaa , kuna dhaafayaa , inay eryadan dhuuxaan,waayaha addunkana waxa ka koror sada an,Madaxweyne Axmed Siilaanayana, u hibeeyan kursiga Allaha awooda lihi siiyey…Ta kale,an iskiin baro ,fanaanadda caanka ah ee Amina Faarah Wabar,oo heestan idiin dhameys tiri doonta…

Haye Amina , codkaaga macaan ku cashari baan ku idhi,hadalkuba ha yaraadee:

***************************************
Goohaayeey , Goohaayeey,
Gabal dhacay dadaw ,gada
al ma u soo noqdaa,
intay goori goor tahaa ,
alla fuloow,guuli kuu dhawyd,

****************************************

Haddii talo kula gudboon,
aqoon gaabnimo gabtoo,
wanaagii kaa galbado,
Gorayo Haad noqotayoo,
Gob iyo xaalkeed is waa

****************************************

Gudbaye waxaan uga socdaa,
Geerida waa loo dhashaa,
Gun nimo waa laga dhintaa

*****************************************

Heesta oo dhameys tiran ka bogo:  http://www.youtube.com/watch?v=ZNG8h9STsZs&feature=related

Somaliland Ha Noolaato  …….   Long Live Somaliland

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *