Wasiirka madaxtooyada xukuumada madaxweyne siilanyo xirsi cali xaaji xasan, ayaa  waraysi uu la yeeshay HCTV kaga hadlay arrimo badan,  waraysigaas oo uu ka qaaday weriye maxamed illig uu kaga waramay wax yaabo tiro badan oo ay bulshada reer somaliland ka

aamin sanatay xukuumada uu wasiirka ka yahay ama hadynu dhinac kale ka eegno la odhon karo waa shaqsiga xukuumada siilanyo ugu awooda badan ee maata xukuumada siilanyo ugu jira kaalintii uu maslax maxamed siyaad bare ku jiri jiray sideedatameeyadii markii aabihii siyaad bare xukunka hayay intii xukuumad soomaraysay somalilandna aanay dhicin shaqsi sidan oo kale ku noqda xukuumadihii kala dan beeyay isaga mooyee!,

Hadaba arri mahaas oo dhinacyo badan taabanaya waxaa ka mid ahaa, su,aal, mudane wasiir waxaad ka warantaa xadhiga boqor cismaan miyaan  la odhan karin xoriytul qawl ayuu u xidhan yahay?,
jawaab xirsi, maya lama odhan karo oo anigu taa maqabo hadaan faah  faahin ka bixiyo xadhiga nin kaas waxa uu yidhi dowlada hala weeraro  waxa kale oo taaba ka sii daraa oo uu yidhi boqorku xukuumadu waa  alshabaab oo xitaa anigan kula hadlaaya ayuu alshabaab igu sheegay oo waxa uu ku tala galay in dalka la weeraro oo korka laga bangereeyo!, hadaba markaynu hadalka wasiirka fasiro waxaa ka muuqatay in uu isaga waa wasiirkee uu u xidhan yahay boqor cismaan aw maxamuud oo colaad gaara uu xirsi uqabo boqorka oo uu leeyahay waxa uu igu sheegay  alshabaab uu u aanay san yahay boqor cismaan, maantana xirsi u helay boqorka jaanis iyo awood dowladeed oo uu kaga aarsado,
Hadaba waxaa isway diin leh xukuumadii umadu u codaysay ma waxay ku dan baysay in nin waliba ciduu doono intuu shaadh dowladeed soo gashado nin kuu colaad u hayay uu ka aarsado!  somalida ayaa tidhaah dhuumasho dhabarku muuqdaa dhuumasho maaha! xirsi ilaahay SWT ayaa intuu HCTV horkeenay ka hadliyay oo waxii uurkiisa ku jiray badka soo dhigay had iyo goor qofka dulman ee xaqdarada lagu haysto ilaahay ayaa u hiiliya SWT waayo isgaa balan qaaday inuu qofka dulman uu u
hiilinayo waayo xirsi boqorka muu soo agfadhiisteen meel uu joogo hadii uu xirsi caadiya ahaan lahaa oo aanu awooda dowladnimo haysan laakiin midhka uu dheeryahay waa ta awooda umadu u dhaarisay
madaxweyne siilanyo ee uu garabka ka helaayo,

Soomalidu waxay  tidhaahdaa  carab dalab leh,  adin dalab leh laga garan og! qofka bani aadamka ahi markuu hadlo ayaa la garan karaa ujeedada ku dheehan hadalkiisa iyo waxa uu uga dan leeyahay wasiir
xirsi arinka maldah ayuu islahaa. laakiin waxa uu kashifay boqor cismaan cida uu u xidhan yahay inay isaga tahay waayo wax badan ayaa lays way diiyay waar madaxweynaha hadal uu ku yidhi malaa boqorku uma xidhnee maxaa meesha ka khaldan ileen waatii madaxweyne riyaale isba  ilaa reerkiisa
la af lagaa deeyay, nin baa laga hayey waar hashu maankayga gadee ma maasar bay liqday! , nin kalaa waxa uu yidhi waar salaadu xagay ka xidhmi ladahay! show meesha  xirsi ayaa kumaran oo
boqorka xidhay isagoo hadalkaas daba socda maxaad iigu sheegtay alshabaab, hadaba waxaynu eegnaaba waa xirsi iyo xukuumadan gacanta loo gashay halkay isla fadhiistaan waxaan ku soo xidhayaa qormadan gaaban ereyadii abwaan gaariya ee ahaa (ayaanbaa iman doonta agablay hanbadaada
mujrim oogo madow oo islaam sheeganayaa isasii kaba raacsho!).

Aadan Axmed Nuur
khuurshe11@hotmail.com

Dublin Ireland

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *