-
Published On: Sat, Feb 19th, 2011

Madaxweyne; Sidee Baad U Maareyn Mucuurtoonka Shacbiga Ee Dhinaca Maceeshada Faallo…. Weriye Cumar Maxamed Faarax

Smiley face
Share This
Tags

Inkasta oo ay la dhaqan, dhalasho iyo suuradba yihiin ummadooda reer Somaliland, waxay xarfaan ku yihiin yab-yabka adduunyada, dedaalkooda dheef doonka ahina ma yara. Waa muqaalka iyo sawirka ganacsatada waaweyn ee dalka ee haysta liisanka soo dejinta baddeecadaha daruuriga ah ee

soortu ugu muhiimsan tahay. Ganacsatadan oo marka si loo eego lagu tilmaamo kuwo arxan darran waxay dadweynaha saboolka ah iyo dabaqadaha bariis la dirirka ah ku hayaan dagaal culus oo ay ku naafeeyeen noloshii mujtamaca Somaliland. Waxay kordhiyeen qiimaha badeecadaha raashiinka qaab dhiig miirrad ah iyadoo aanu jirin raashin caalamka ka qaaliyoobay. Markii xukuumadda cusubi dalka ka dhalatayna waxay bilaabeen dagaal maceeshadeed kii ugu xumaa waxaanay qiimo tireen lacagtii dollarka ee ay iyagu dalka ku ajbureen ee suuqa waxa kala iibsigu ku sargo’naa, waxana qiimaha dollar-kuna gaadhay halkii ugu hooseysay, waxa cirka isku sii shareeray qiimaha raashinka, taas oo saameyn taban iyo niyad xumo ku abuurtay dadweynaha Somaliland, ee u alalaasayay midhihii ka soo baxay kalkii labaad ee doorashadii madaxtinimadda Somaliland ee dalka ka qabsoontay 26-kii June 2010-kii, oo ku beegnayd 50 guuraddii ka soo wareegtay maalintii shacbigii Somaliland ay xornimadoodii ka qaateen boqortooyadii Ingiriiska. Waxa dadweynuhu ay qabaan in madaxweynaha cusub Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ah siyaasi ruug-cadaa ah oo aqoon u leh cilmiga dhaqaalaha uu qaadi doono. Talaabooyin uu wax kaga qabanayo maceeshadan qaaliyowday, inkasta oo rayul caamka bulshadu ay ku dhaliilayeen in aanu marna ka hadal hindisihiisa uu ku waajahayo arrintaasi oo ah bilowga qorshe ganacsatadda ku jalaafaynayso xukuumadda cusub ee ka dhalatay aqlabiyadda iyo iraadada shacbigan la lag-damaya maceeshad bararka. Madaxweynaha Somaliland waxa saaran culays badan oo dadweynaha uga imanaya oo la xidhiidha arrintan, waana inuu maareeyo talaabana ka qaado ganacsatada dalka ee xadhko goostay si tabbanna uga faa’iidaysatay siyaasadda qarankan iyo kalmadda aan filayo inay xukuumadda ka maanacday inay qaado talaabooyin ay xaq u lahaayeen.

Weedhaasi oo ah wax loo yaqaanno “Ganacsiga xorta ah”. Hadba sida madaxweynuhu uga jibo keeno dagaalkaasi diyaargarowga uga baahani waxay ku xidhnaan doontaa inuu sii haysto kalsooniddii ummaddii ka sareysiisay ee uga hiilisay labadii tartame ee uu kaga adkaaday doorashadii madaxtooyada. Qadiyadda maceeshad bararku waa wax xukuumada uga baahan tahay jihaad, waxa ganacsataddu ay sitaan qumbulad ka xun rasaasta nool ee ay sitaan kooxaha nabad diidka ah ee Buuhoodle iyo Sool doonaya inay carqaladeeyaan. Waliba waxay leeyihiin siyaasad geed is maris ah oo ay madaxtooyooyinkii hore ku sabaalayn jireen kaasi oo Madaxweynaha uga baahan inaanu u beer dabcin.Xukuumadda waxa looga fadhiyaa inay ganacsatada ugu caqli celiso inay jabiyaan maceeshadda, haddii kalena ay dawladdu soo iibsato raashin ka dibna qiime macquul ah dib ugaga iibiso dadweynaha. Waxa kale oo oo xiligeeddii iyo maalinteedii la gaadhay in la soo celiyo kala xadeyntii ganacsigu lahaan jiray iyo iska dabo ceeshkii ganacsigii dhaqanka u ahaa. Ganacsatadda waaweumi waxay iskugu jiraan wax soo dejiye, jumladle iyo tafaariiqle. Maalqabeenadda Ilaahay wax siiyay ee Somaliland waxay xataa meesha ka saareen kaaryooneyaashii dadka wax ka iibsada u qaadi jiray iyaga oo sameystay gaadiid ay iyagu leeyihiin. Iska daa gaadiidkii dadweynaha ee raashinka uga soo daabuli jiray marsada Ber-bera, taasi waxay joojiyeen toban sano ka hor waxaanay iibsadeen gaadiid waaweyn oo iyagu leeyihiin. Waxa u baahan in xukuumada madaxweyne Siilaanyo dhaqan-geliso xeer shacbiga danyarta ahi u guuxeen ee labada aqal ee baarlamaanka. Wakiilada iyo Guurtidu meel mariyeen hase yeeshee madaxweynihii xilka ka degay Md. Daahir Rayaale uu is-hortaagay inuu qalinka ku duugo dhaqan-galkiisa xeerkaasi ahaa kala xadaynta ganacsiga waxa soo curiyey sanadkii 2004-tii wasiirkii hore ee ganacsiga Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo xiligan ah wasiirka maaliyadda. Xeerkaasi wuxuu ganacsiga u kala qaadayay shan qodob oo kala ahaa ? Ganacsadaha wax dhoofiya. ? Ganacsadaha wax soo dejiya ? Ganacsadaha wax dhoofiya waxna soo dejiya. ? Ganacsadaha jumladaha ah ? Ganacsadaha tafaariiqlaha ah. “Waxaanu leenahay ganacsaatada dalka haddii mushaharka naloo kordhiyey haddii aad jawaan bariis ah nagaga iibisaan nama qabto ee walaalayaal ummadda u naxariista oo raashinka jabiya” ayuu yidhi maamulaha dugsiga Hoose/Dhexe ee Axmed Gurey ee magaalada Hargeysa C/raxmaan Axmed Xuseen oo dhawaan u waramay qalabka warbaahinta. Sidoo kale, Afhayeenka Ururada Xuquulqul Insaanka iyo Difaacayaasha Xuquuqul Insaanka Somaliland ayaa isna ku tiraabay.”Waxa dalka taagan maceeshaddii oo Ganacsatada dalku ay u qaaliyeeyeen si aan loo dul qaadan Karin oo dhiig miirad ah,waxaan xukuumadda ka codsanayaa inay talaabo ka qaado arrintaasi oo ay ku dhiirato wax ka qabashadeeda.” Si kastaba arrintu ha ahaatee rajadii iyo samirkii bulshada ee la xidhiidhay in xal loo heli doono sicirka bararka cidina la qabin adduunka ayaa sii gabaabsi ah, sida looga bartay dhaqanka ganacsatada Somaliland-na waa mid aan is-beddelayn, waxase hadhay in awood dawladeed lagu waajaho oo qudha.

Xukuumaddana waxa magac iyo kalsooni aan tirtirmayn ugu filan haddii ay shacbiga ka dul qaadaan heeryada ganacsatada qalbiga adag. haddiise xukuumaddu ka baaqsato arrintan waxay noqon doontaa mid sanadka u horeeyaba wayda taageerada iyo iimaanka shacbigu ku qabaan, shacbiguna waxay noqon doonaan qaar taagan “isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye’e” oo ka inaabsadda midhihii doorashadii taariikhiga ahayd. Cumar Maxamed Faarax Somaliland.Org/Hargeysa cumarmfaarax@hotmail.com

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>