Burco (ANN)Alle ha u naxaristee Mujaahid Cali Ismaaciil Xaashi (Cali Hayaan) oo ka mid ahaa saraakiishii sarsare ee SNM aya maanta  si heer qaran ah loogu aasay magaalada Burco maanta, waxaana  aaska marxuunka ka  qayb galay  Wasiirro ka tirsan xukuumada Somaliland, Mujaahidiin,

Madax dhaqameedl,  Salaadiin,Siyaasiyiin iyo dadweyne aad u tiara badan oo ka kala yimi gobolada Jamhuuriyadda Somaliland.
Dadka ka soo qaybgalay aaska ayaa si mug leh uga sheekeeyay taariikhda uu mujaahidkaa, waxayna  ku  tilmaameen  inuu ka mid ahaa mujaahidiintii S.N.M ee sida hagar la’aanta ah  uga qayb qaatay dagaaladii dib xoraynta halgankii lagaga hortegey  dawladii keli taliska ahayd ee Maxamed Siyaad Bare.
Wasiirka Xannaanada Xoollaha Somaliland Dr. Cabdi Aw daahir Cali ayaa sheegay in xiligii dagaalada dib xoraynta uu aqoon badan u lahaa marxuumka geeriyooday,   isaggoo arrintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi,  “Waxan Mujaahidka isku lahayn aqoon badan waxaanan anigu baratay mujaahidka waqtigii  halganka oo aan ahaa anigu ciyaal Iskuul,  isaguna uu ahaa Kornayl waxaanan maanta ku sifayn karaa inuu ahaa mid ka mid ah dadkii halbawlaha u ahaa xornimada aan maanta hoos hadhsanayno.”
Waxaanu Wasiirku Marxuumka Ilaahay uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo qoskii iyo shacbiga Somaliland-na samir iyo iimaan ka siiyo.

Wasiirka wasaarada Kaluumaysiga iyo Khayraadka badaha  Md. C/laahi Jaamac Cismaan (Geeljire) ayaa  sheegay inuu ahaa marxuunkani ruux ka mid ah dadka wanaagsan ee wadaniyaduleh  isagoo  Ilaahay uga barayay in isaga iyo mujaahidiintii kale ee shahiidayba uu  naxaristii jano ka waraabiyo.
Mujaahidiinta Maxamed Kaahin Axmed iyo Ibraahim Dhegaweyne,Baashe Cabdi Gaboobe oo iyana ka mid aha mujaahidiintii ay soo wada shaqeeyeen Marxuumka ayaa tilmaamay inuu ka mid ahaa raga fara ku tiriska ah ee ka qaybqaatay dagaaladii qadhaadaa ee xukunka lagaga tuuray taliskii milateri ee  Maxamed Siyaad Barre ee sida arxandarada ah u xasuuqay shacbiga Somaliland.
Waxaanay illaalahay uga baryeen marxuunka inuu naxaristii janno ka waraabiyo qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.
Alle ha u naxariistee Marxuum- Cali Hayaan wuxuu ku dhashay Gobolka Togdheer,waxaanu dugsiyadiisii hoose dhexe ku dhamaystay magaalada Burco intii u dhaxaysay 1951-1956.
Sandkii 1961 ayuu mujaahid Cali  Hayaan Jaamac tababar Milatari u tagay dalka Masar.waxaanu markii uu ka soo noqday ka mid noqday sariikiisha ciidamaddii Soomaaliya.
Marxuumku wuxuu ka mid noqday sarkiishii Ururkii dib u xoraynta dalka ee SNM waxaanu marxuumku ifka kaga tagay  7 carruur ah oo isugu jiray lix wiil iyo gabadh.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *