Duur

Waxa baryahan si xawli ah uga dhex socday Somaliland arrin ku laba kaclaynta xawliga leh ee adeegsiga magaca habar magaado oo la aaminsan yahay inay si wayn dabada uga riixayaan

 

xisbiyada mucaaradka ah qaarkood taasoo dani ugu jirto inay ku kasbadaan dad wayne tiro badan oo kala yaala gobolo fara badan oo hadii laga hadhi waayo qabiilka iyo beelnimada, qaadanaysa kaalin xoog leh, haddii aynu si kale u nidhaahno waxay noqonaysaa laba saldhig oo wayn oo ku abtirsada hooyooyinkii dhalay ilma sheikh isaxaaq.
Waxaan is leeyahay soo noolaynta magaca magaado oo kubada siyaasada la ciyaaraysa habar
xabuusheed waxay ku timid qodobada hoos ku qoran:-
•    Inkasta oo beelnimada sharci ahaan looga guuray qaran marka laga bilaabo shirkii boorama ee taariikhiga ahaa ee wax wayn ka qabtay cago u taagida nabada iyo geedi socodka somalialnd.
•    Taariikhdu waxay inoo sheegaysaa markasta oo dib loogu noqdo beelnimo iyo qabiil waxaa sii daciifa midnimada iyo wada jirka umada sidaasoo kale markasta oo loo guuro qaranimo waxa xoogaysta geedi socodka dhismaha dalka tilmaan ahaan kaalintii muhiimka ahayd ee xisbulahi uu ka qaatay somalilland 1957-1960 taasoo wax wayn ka tartay in la gaadho xoriyadii 26 june 1960 iyada oo ay hogaaminayeen labadii xisbi ee SNL IYO USP oo helay 32 kursi halka xisbigii NUF uu helay 1 kursi.
•    Ku tartanka beelnimada waxa in badan u sabab ah siyaasiyiin ku xoojinaaya ku helida jago wasiirnimo ama xilkale oo dawladnimo oo markay helaana albaabada, telephonada iyo dhagaha ka xidha beeshii ay shalayto ka dhiganayeen garabka.
•    Waxa kale oo sababa dhiirigalinta beelnimada masuuliyiinta ugu saraysa golayaasha xukuumada qaarkood oo u daacada wax kasta oo beeshiisu ku gaadhi karto xilalka ugu waayan Somaliland iyagoo isticmaalaya hab kasta oo u suuro galinaya haday tahay inay noqdan abaanduule dagaal sida 1994 ama garsoore dhinaca sidii dhacday mararbadan sida khilaafkii kulmiye ( oo isticmaala la jiifiyaana banaan la taagaana banaan ) .
•    Waxa kale oo xoojiya kaftan ahaan ( haweenbaa ku heshiiyay inay dhigaan siyaaradii xaawa markaasaa raggii waxay yidhaahdeen intay shireen inakuna aan dhigno siyaaradii aadam  CS markaa waxay yidhaahdeen haddii xaawa siyaaro loo dhigay ma aadam ayaa goblamay) taas macnaheedu waxay tahay haddi shirkii GAR ADAG ee habar xabuusheed uu xalaal ahaa oo midho keenay maxaa xaaraantinimaynaya haddu dhaco shirka habar magaado oo uu keeno madaxwayne ama hogaamiye dalka u qabta waxa uu u baahan yahay ama ugu yaraan qaata waqtigiisa haddi laga hadhi wayaayay ku shaqaysiga beelnimoyo iyo qabiilnimo).
Sida warar xogogaali sheegeen madaxwaynuhu wuxuu dardaaran adag siiyay wasiiro ka soo jeeda beelasha habaryoonis si gaara isagoo ka hadlaaaya xawliga ay ku socoto arinta habar magaado oo siyaasadaysan.
Madaxwaynaha waxaanu leenahay, mudane madaxwayne lama dhisi karo madaxwayne wasiirkiisu uu ridaayo, lamana dhicin karo geel ninkii lahaa dhacaayo, waxaanu taa ula jeednaa wasiirada aad ku hayso kuraasta shanta sanno sidii adiga laguula doortay, ma qaldana haddi ay u qaateen inay iyagu kuraasta leeyihiin oo ay  ka fogaadeen xidhiidhka beesha ay ka yimaadeen halka wax ka dayacmeenna maaha olole uu wado xisbiyada mucaaridka ah ee waa baadi ay dayaceen wasiiradaadu oo ay ka faa’iidaysanayaan xisbiyada mucaaradkii.
Kulan kadis ah oo dhex maray wasiir xaaji xirsi yo aw duur (wasiirkii hore ee arimaha gudaha)  18 july 2014 abaaro 4:00 galabnimo jidka mara hawdka masaajidka tabliiqa.

Warar rasmi ah oo laga helay ilo xogogaal ah waxay sheegayaan inuu telefoon u soo diray xaaji xirsi wasiirkii hore ee arimaha gudaha oo ku jiray masaajidka tabliiqa ka dibna duur u baxay jidka laamiga ah oo uu ku sugaayo xaaji xirsi halkaasoo ay iska raaceen, halkaasoo waliba uu safar ku jiray xaaji xirsi dalka sucuudiga 19 bisha hal maalin ka dib, arintaasi waxay muujinaysaa muhiimada way eek u duugan kulankaa deg dega waqtiga diiqa ku ahaa ninkii safraayay haddana isagu uu waday ololaha kulanka su’aasha dadwaynu waxay tahay:-
•Hawl adag oo la rabo in aw duur kaga hortago xawli u socodka habar magaado ee xisbiga adeerkii madaxda ka yahay taaso lagu yaqaano mr duur firfoocaan daacada kolba hawsha uu ku jiro sidii dagaalkiisii kulmiye ee doorashada madaxwaynaha Iyo  in laga xaal marinaayo xilkii laga qaaday?
Su’aashaa jawaabteeduna waxay u taalaa dadwaynaha.

Xasan suudi xirsi
Siyaasi madaxbanaan
Bashkail30@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *