Rajiimkii digtaarooriga ahaa ee Maxamed Siyaad Barre iyo dawladihii rayidka ahaa ee ka horeeyey waxay iskaga mid ahaayeen xidhiidhkii ay la lahaayeen dalalka la deriska ah Somaliya oo ahaa mid ku

dhisan cunuf iyo dagaalo joogta ah oo aan dhamaad lahayn.

Xiisada Soomalidu ka aloosi jirtay gobolka waxay saamayn weyn ku yeelatay noloshii dadweynaha oo ah kuwa ugu saboolsan qaarada Afrika, waxa  daashaday abaaro (man- made) iyo in ay hadba dal qaxooti ku noqdaan, dhibaatada ugu badani waxay ka soo gaadhi jirtay soomalida qudhooda.  Khillaafka u dhexeya Somaliya iyo wadamada jaarka ah waxa laga soo maleegi jiray dibedaha, Somaliyana waa la soo dhex marin jiray.  Waxa markasta madhnaa khasnadaha dawladaha gobolka oo dhaqaalahoodu markii horeba yaraa waxay ku qarash-garayn jireen dhismaha ciidamo xoog badan iyo saanada milatariga ee

kala duwan.

Waxa aan mudnaantaba ku jirin oo meesha ka baxay adeegyadii bulshada.  Sikastaba ha ahaatee madaxdii Somaliya ee kala dambeeyey laguma tilmaami karo in ay ahaayeen muwaadiniin u taagan danta dadkooda ,dalkooda iyo ta gobolka toona, waxa ahaayeen midiidin lagu shaqaysto ama fulinaya danaha dawlado kale.

Ujeedaduna waxay ahayd in si joogto ah rabshado loogu sameeyo wadamada wabiga Nile-ku ka yimaado ama soo dhex maro(Blue & White Nile) siiba Itoobiya oo biyaha ugu badani ka yimaadaan si aanay fursad ugu helin in ay ka hirgeliso mashaariic waaweyn sida biyo-xidheeno si ay uga faa’idaystaan biyaha webiyadooda sidaa daraadeed Somaliya waxay ku caan baxday in ay tahay dalka ugu jaarnimada xun dunida oo dhan.

Inkasta oo burburkii Somaliya xasilooni daro hor leh mandaqada u horseeday hadana dinaca kale waxa meesha ka baxay cadaawadii samayska ahayd ama la abuuri jiray markii dawladii dhexe iyo madaxdii  la isticmaali jiray meesha ka baxeen ama la waayey hoy iyo gabood laga soo abaabulo jabhado ka dagaalama gudaha dalalka jaarka ah.

Waxa si gaar ah xusid mudan in shacabka Somaliland oo istratiji ahaan dhulkooda Itoobiya lagaga duuli jiray ay fahmeen ama arkeen in shucuubta Itoobiya aanay ahayn dad cadow u ah balse ay yihiin walaalo wax badan wadaaga wax badana wada qabsan kara haddii ay iskaashadaan, hase ahaate maalmahan waxa soo baxaya xogo iyo ifafaale muujinaya in dib loo soo nooleeyo xasaradii ka jiri jirtay gobolka iyada oo la adeegsanayo xukuumada cusub ee Somaliya, waxa la xaqiijinayaa dawlada Qatar oo wakhtigan ugu firfircoon isla markaana hormood ka ah meel marinta siyaasadaha dawlaha carabta in ay heshiis la gashay madaxweynaha Somaliya, heshiiskan oo aan weli la shaacin qodobada ugu muhiimsan waxa ka mid : In Somaliya hub looga soo iibiyo Masar iyo in la keeno khubaro milatari iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan sirdoonka Masaarida, dhaqaalaha waxa bixinaysa dawlada Qatar.

Heshiiska oo lagu kala saxeexday magaalada Doha bishii March, 2013 wuxuu xambaarsan yahay afar ujeedo:  In Somaaliya laga caawiyo dhismaha ciidan Qaran oo tayo leh.  In la yareeyo awooda siyaasadeed ee sii kordhaysa ee dawladaha Afrika gaar ahaan kuwa ciidamadu ka joogan Somaliya.

Wadanka Turkiga oo ah dawlad muslim ah oo xoog badan in aan loo ogolaan in ay la wareegto doorkii dunida carabtu ku lahayd arrimaha Somaliya. Iyo in la abuuro ama la barbaariyo kaadir siyaasiin iyo saraakiil ah oo feker ahaan taageersan ama fulinaya siyaasada wadamada carabtu ka leeyihiin bariga afrika. Waxase aan lagu xisaabtamin in sondonkii sanadood ee u danbeeyey ay dhacdooyin iyo isbedelo waaweyni ka dhaceen mandiqada dhinac kasta oo ay tahay tusaale ahaan waxa ku soo biiray laba dal oo cusub ( Koonfurta Sudan Iyo Somaliland) oo ku soo kordhiyay aragti furfuran oo ku salaysan nabad ku wada noolaashaha iyo iskaashiga dhamaan dalalka jaarka ah.

Gabogabadii wakhtigu wakhtigii ma aha, garashada iyo garaadka dadkuna kii shalay ma aha sidaadarteed  lagama yaabo in dibloomaasiyadii gabowday ay mar kale ka shaqayn doonto gobolka.

Cabdiraxman cadami

Abdirahmanadami@yahoo.com

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *