Hargeysa (Araweelo News Network) “Anigoo ku hadlaya magaca garabka dhallinyarada xisbul-xaakimka KULMIYE waxaannu aad iyo aad u saluugsanahay, ugana soo horjeednaa qaabka lagu saleeyey

saami-qaybsiga ergooyinka ka qaybgalaya shirweynaha saddexaad ee xisbigayaga. Waxaannu leenahay arrintaas ma oggolin, mana aqbalayno, waayo qabiil xisbi qaran laguma dhisi karo, waxaanuna u aragnaa mid lagu dulmiyayo xuquuqda dhallinyarada, sidoo kalena liddi ku ah nidaamka dimoqraadiyadda ee ka hana-qaaday Jamhuuriyadda Somaliland.” Sidaa waxa yidhi xildhibaan Axmed Daahir Axmed oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Degaanka Hargeysa , sidoo kalena xubin ka ah golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo uu dhallinyarada u metelo.
Waxa kaloo xildhibaan Axmed Daahir uu sheegay in dhallinyaradu yihiin codbixiyeyaasha ugu badan ee xisbiyada qaranku taageeradooda ku kala guulaystaan, sidaa darteedna ay aad uga xun yihiin, ugana walaacsan yihiin qaabka beelaysiga ku dhisan ee loo qaybiyey ergooyinka shirweynaha KULMIYE oo uu ku tilmaamay inay tahay tallaabo aan la aqbali karin oo lagu dulmay xuquuqda dhallinyarada.
Ugu dambayn, waxa uu hoggaanka KULMIYE ugu baaqay in si degdeg ah wax looga qabto cabashada dhallinyarada xisbiga ee la xidhiidha qaabka saami-qaybsiga ergooyinka shirweynaha 3aad ee xisbiga dalka hoggaamiya.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *