Pof.  Maxamed Jama Robleh
 images/stories/prof. mohamed jama robleh.jpg  Halgamada hubaysan ee xorriyad doobka ahi yaalaaba waxa ay u dhacaan laba miduun,in ay fashilaan iyo in ay ku guuleystaan, ka dibna ka taliyaan goobtaa iyada ah. Haddaba mid aan la filayn ayaa Somaliland ka dhacday oo ah inay SNM 

 wareejiso maamulkii oo dibedda uga baxaan, waana ta keentay in Muj. Siilaanyo iyo dhiggiiba muddo laga weedho madaxnimada dalka iyada oo ay ahayd tay ilaa maanta ka talin lahaayeen .
Adduunkan cid waliba waxa ay mutaysatay ayaa lagu abaal-mariyaa ee ma dhacdo in dhagaha laga furaysto,  ama loo diido guusha ciddii innoo keentay.  Halgankii dalkan Somaliland dib loogu soo xoreeyey waxa ku naf-waayey mujaahidiin tiro badan oo geesiyaal ahaa oo aan cidi u ogeyn wixii ay dadka iyo dalkaba u soo galeen. Waxa kale oo dhinaca taalla agoontii iyo waalidkii ay ka tageen oon iyana cidi daryeelin, noloshoodana aan meel lagu tiirin, in ay jiraan iyo in kalena aan loo ogeyn.  Waxa intaa raaca naafadii oo meelahaa iyo gidaaradaa yuurura oon iyana tixgelin la siinin . Intaa marka laga soo gudbo waxa jira geesiyadii kale ee ka soo badbaaday halgankii SNM oo iyana laga weedho maamulka dalka oo iyana maalinba mid qubuuraha loo taxaabo oo khudbado laga duljeediyo meydkiisa isagoon noloshiisaba la ogeyn iyo waxa uu ku sugan yahay, Waxase ka sii daran kuwa kale ee goballada kale ee dalka lagu kala aaso, cidina aanay soo qaadin . intaaba waxaa ka sii daran ubadka, ooriyaha iyo waalidka jilicsanaa ee ay ka tageen ee darxumada ku nool aan cidina u ogeyn.  Halgamada sida SNM oo kala ah mujaahidiinta waxa loo tixgeliyaa oo marka ay u yar tahay la siiyaa hadday wax kale waayaan bilad sharafyo ay dadka kaga mudnaadaan, waxase dhacday in beryahan dambe sharaftoodii iyo halgankoodiiba la sheelo oo yasid la yidhaahdo waa S-tii hore iyo wax la mid ah . SNM sidee loo illaawey?,  xaggeese lagu illaawey?. Nin raggi waa ogyahay wixii ay dadkan iyo dalkanba u soo galeen iyo guusha ay, Alle ka sekow, soo xero-geliyeen, nacasna waa loo sheegi doonaa. SNM waa kuwii,idinkoo og wixii laydinku hayey, gummeysigii idinka dulqaaday ee aroor hore ku habsaday 27 Meey,1988 ee hilfaha u saaray dhiblowgii 18 Meey,1991, kuna dhawaaqay dib ula soo noqoshada madaxbannaanidaa. Geesiyadii SNM ee dhimasho ugu badheedhay in aad xorriyad ku noolaataan maanta miyay tahay in la illaawo?,   Haddaba hadhaagii SNM gorma ayay helayaan xaqii ay dalka ku lahaayeen iyo bulshadaba?. Jawaabta su’aashani waxa ay u taallaa guddoomiyihii SNM, Madaxweynaha maanta ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Xaaji Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo inta la garaadka ah ee u damqata SNM.  Waxa aan qabaa ictiraafka Somaliland in ay ka horrayso ictiraafka SNM-tii, ku dhintay iyo agoontii, kuwii ku naafoobey iyo kuwa ka noolba, taasoo maanta laga sugaayo in Madaxweyne Siilaanyo dhamaystiro iyo in kale, iyada oo intaasiba kor u soo eegayaan wuxuu ka falo maanta.
 Haddaba waxa aan ku talo-bixin lahaa si wax loogu taro SNM-tii, ku dhintay iyo ku nool iyo taariikh ahaanba:
1. In lagu maamuuso kaadh u gaar ah oo loogu texgeliyo adeegyada gaarka ah.
2. In la daryeelo agoontii mujaahidiinta xag dhaqaale iyo xaggii kaleetaba.
3. In la dhiso dhaqaalaha iyo daryeelka aqooneed ee naafada SNM ee gobollada ku kala filiqsan, lana ururiyo.
4. In la tixgaliyo hadhaagii kale oo maamulka dawladda lagu maamuuso aqoontooda iyo kartidoodaba loo tixgeliyo iyo guushii ay keenneen ee nimcadan dhashay.
5. In la xoojiyo xusidda maalinta Mujaahidka, meel gaar ahna loo sameeyo loogu duceeyo iyaga iyo waalidiintaba oo laga beddello isgoyskii yasidda boodhadhka loogu taagi jirey.
6. In qorshe loo sameeyo lagaga saaro mujaahidiinta gumacyada iyo falliidhada obocda u fadhiya oo dibed iyo gudaba qalitaan loo fidiyo si caafimaadkooda loo daryeelo.
7. In la diiwaan-gesho SNM-tii (ku dhintay iyo ku noolba), aasaasayaashii,madaxdii(golayaasha),saraakiil,aqoonyahan iyo ciidamaba oo taariikh laga reebo.
8. In lagu maamuuso magac bixinta dugsiyada,dhismayaasha,garoonada (airports) dariiqyada caasimadda iyo mashaariicda oo loogu  magac-daro mujaahidiinta SNM ee cabdilaahi Askar ugu dambeeyey, Eebbe ha u wada naxariistee.
9. In waxbarshada agoonta SNM dugsiyada ilaa jaamacadaha bilaash looga yeelo (public & private), ID-yo gaar ahna loo sameeyo, oo loona  tixgeliyo waxbarashada dibedaha (scholarships).
10. In la kobciyo tayada iyo muhiimadda xafiiska mujaahidiinta ee Sooyaal, awoodna loo siiyo hawlahaa iyaga ah, xukuumadduna xoogga saarto wax la qabadkooda iyo fulintaba.
11. In xubno maamuus ah loogu daro golayaasha Guurtida iyo Baarlamaanka oo SNM ku magacaaban taariikh ahaan.
12. in la ururiyo qonbogka lafihii mujaahidiinta ee gidaarka caasimadda iyo magaalooyinka kaleba godadka lagu dumiyey oo meel gaar ah lagu aaso, sida 12 god dumay ku jira hannuunintii Dugsiga.sare ee GacanLibaax,dadweynuhuna ka hawlgalaan.
13. In aan la illaawin mar walba iyo meel walba tixgelinta iyo maamuuska SNM, jaraa’idkana maqaallo gaar ah laga siiyo iyo Tv-yadaba.
14. In xukuumadda cusubi tixgelin siiso ku dhaqanka iyo fulinta qodobadaas, oo dhiiri-geliso xafiiska mujaahidiinta ee “Sooyaal”, miisaaniyadana wax loogu daro .
15. In bulsho ahaan loo aqoonsado guushii ay soo hooyeen ee keentay xorriyaddaa lagu naaloonayo iyo nimcadaa nabadda hullaaban,gaar ahaan hantiileyaasha la kowsadey.
16. In wax-magaratada iyo inta ku baraarugtey nimcadan Somaliland la dareensiiyo oo loo sheego in geesiyaal u god-galeen, agoontiina weli daayac derbiyada jiifaan.
17. In xus gaar ah loo sameeyo maalmihii SNM-ta oo tixgelin loogu daro fasaxyada (public holidays) sida 27 Meey,1988 ama 31 Meey,1988, xafiisyada dawladdana maamuus ahaan loogu dhejiyo.
18. In shuruucda khusaysa arrimahaa SNM la habeeyo si loogu gudbiyo golaha oo Dastuurka loogu daro waxay dalkan ka mutaysteen iyo abaalmarinba.
  Xaaji Axmed, mujaahidka, Madaxweyne siilaanyo waxa aan leeyahay, madaxa meel ka sarraysa oo la salaaxaa ma jirto, ee adiga ayaa ay kuu tallaa sidii aad wax ugu  qaban lahayd hawlaha SNM, xag maamul, dhaqaale,maamuus iyo waxtarba, taas baana aynu wax ku noqon karnaa marka laysu ogaado ninba wixii uu galay ama gudey iyo abaalmarintoodba. Madaxweyne adiga ayay malaa SNM ku sugeysey, kuna dhawraysaa in aad arrimahooda wax weyn ka qaban doontid, ka guddoomiyihii SNM iyo ka madaxweynaha maantaba, insha’allaa.
Allaa mahad leh. Muj. Maxamed Jaamac Rooble.
     

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *