-
Published On: Sun, Sep 12th, 2010

Guurtidu Waa Boog Furan (An Open Wound)

Smiley face
Share This
Tags

Xildhibaan Cabdiraxman Yuusuf Cartan

Hordhac

images/stories/xildhibaan-cartan.jpg Guurtidu waa boog furan, boogtuna dhaymo ayay u baahan tahay. Daw maaha in la yidhaahdo, “maxaa boogta milil uga socda?” Waaba boogee! Boogtu in la dhayo ayay u baahan tahay. Maaha in lagu hanbabaro marka mililku qarxo dabadeedna la is-haaraamo, lays dhaliilo, cidiba cidda kale farta ku fiiqdo.

 Dhammaanteen masuuliyad baa inaga saaran wax-ka-qabashada iyo dhayidda boogta.

Boog-dillaacii ugu weynaa

Aynnu dib ugu yare noqono. Boog dillaacii ugu weynaa ee guurtidu la beegsatay Somaliland  wuxuu ahaa bishii May ee 2006dii  afarta sandood farta isu taageen. Waxay ahayd arrin ugub ah, marka dhinac kasta la eego, dhinac dhaqan, dastuur iyo anshax. Waxayna tummaati ku ahayd qawaaniinta maamul wanaagga iyo dimuqraadiyada ay Somaliland higsanaysey.
May 2006, waxay ahayd markii boogta guurtidu sida xun afka u kala qaaday.

Hasa yeeshee mililkii berigaa boogta ka soo butaacay cid buu ayaantaas la udgoonaa oo ku raaxaysanaysay. Intii ficilkaasi la qudhmoonaa iyagana markii danbe waxaad moodaysay in dareenkii wax urintu ka suulay, waayo wixii nabarada guurtida ka soo kankamayey waxa kurbo ah oo sii raagta kuma yeelan.
Waxad moodaysay in kuwaas arrinkoodu ahaa “la xawla lanaa walaa quwa”.

Wixii waqtigaas ka danbeeyey, in kastoo ay hoosta ka shuuqaysay, boogtii qolof baa fuushay, waxaaba laysaga qaatay inay bogsatay.
Dhammaanteen, saddexda xisbi qaran, golaha wakiilada, xukuumadda, shicib weynaha, adigu dhammaanteen, waxaynnu ku foofnay hawlahii inoo darnaa waqtigaa sida: isku dayiddii maamuus ka xayuubintii madaxweynihii hore, dib-u-dhigiddii muddeynta doorashada madaxtooyada, iyo ugu danbayentii qabashadii iyo hirgelintii doorashadaas iyada ah ee qabsoontay 26kii Juun. Waqtigaas oo dhan waxa aynnu indhaha ka lalinayney in nabarkan hoosta ka shuuqayaa u mar kale qarxi doono.

Boog-dillacii ugu danbeeyey:

Waa kan nabarkii mar kale qarxay bilowgii Sebtember, 2010, waa tan mar kale ay daneeyayaahii siyaasaddu qaylada ka wadheen, xitaa xisbigii Udub. Waxa keliya ee markan shaki igaga jiraa wuxu yahay: in sidii waagii hore ay cid gaar ahi ku raaxaysanayso qadhmoonka nabarka ka soo kankamaya.

Ma la dhayi karaa Boogta Guurtida?

Haa waa la dhayi karaa. Waxay ahayd in afartii sandood ay kordhisteen gudhooda, ay isu yimmaaddaan golayaasha qaranka, (labada gole ee barlamaanka iyo xukuumadda) oo ay ka wada arrinsadaan in dib loo eego kaalinta golaha guurtidu ku yeelanayo geedi socodka dimuqraadiyada Somaliland. Taas oo khasbayasay in marka hore la furo dood qaran oo ay ka wada qayb galaan dhammaan daneeyeyaasha muhiimka oo dhammi. Arrintaasi waxay horseedi lahayd in dastuurka Somaliland dib-u-eegis lagu sameeyo. Waxa ka dhalan lahaa, xitaa haddii guurtidu loo daayo in awoodda muddo kordhinta, si wacan loo qeexo, qaabka ay muddo kordhinta u marayaan, cidda iyada (guurtida) mudda kordhinta u samaynaysaa iwm.

Hase yeeshee, wada shaqayn la’aantii golayaasha qaranka ayaa horseedday in la dhayi kari waayo boogta hoosta ka shuuqaysay.
Dhibaatadii laga il-duufay laguna guul darraystay in afar sano ka hor waxa laga qabto ayaa maanta ina hortaagan. Waxa loo baahan yahay in golayaasha qaranku iyagoo kaashanaya daneeyayaasha muhiimka ah ay ajandaha kowaad ka dhigtaan sidii caabuqaa loo daweyn lahaa. Gaar ahaan iyadoo aan ku rajo weynahay in jawiga wada shaqayneed ee golayaasha qaranku waqtigan xaadirka u heellan yahay inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka huursan oo arrinta guurtida kow ka tahay iyo qaybyo-tirka dastuurka oo ah hoyga is-qabadka iyo muranaka siyaasiga ah.

Soo Af-jaridda Qalalaasaha Muddo Kordhintii Guurta
Waxay ila tahay inaan muranka taagani ku saabsanayan maxay guurtidu muddo kordhinta u samaysay. Marka laga yimmaaddo sida hawsha yar ama dhayalsiga leh ee ay arrinta dhumucdaas leh u galeen, (waxay arrinka ku dhammeeyeen nus gelin), dhab ahaantii muranka jiraa wuxu daarran yahay laba ammuurood.

1) muddada ay guurtidu golayaasha u kordhisay oo badan. (Golayaasha deegaanka sannad iyo lix bilood, Golaha Wakiilada laba sannadood iyo lix bilood iyo Golaha Guurtida oo ah saddex sanndood iyo lix bilood).

2) Kordhintaas iyada ah oo aan Golaha Guurtidu wax talo ah ka weydiin hay’adaha dhigeeda ah sida Golaha Wakiilada iyo Xukuumadda iyo daneeyeyaasha kale sida axsaabta iyo komishanka doorashooyinka qaranka.

Marka xaal sidaas yahay, looma baahna inan tamarteenna ku lumino is haaraam iyo doodo ma dhalays ah. Looma baahna in la isku mashquuliyo ama laysku dayo in la buriyo go’aankii guurtidu soo saartay, balse xikmaddu waxay ku jirtaa halkii mush-kiladdan iyada ah looga wareegi lahaa.

Muddeynta Doorashooyinku

Guurtidu waxay ina siisay muddo aynu gudaheeda doorashada deegaanka ku qaban karno. Miyeynu isla diidan nahay in Maalinta ay doorashadu qabsoonto oo la doorto gole cusub uu cimriga golihii hore ku dhammaanyo?

Haddaba, hay’adaha qaranka, gaar ahaan Komishanka doorashooyinka ayay u taallaa inuu muddeeyo xilliga ugu dhakhsiiyaha badan ee uu qaban karo doorashada golayaasha deegaanka. Xilligaasu waa inuu ka soo hore maraa sannadka iyo lixda bilood ee guurtidu astaysay. Komishanka ayaa marti looga yahay inuu qiyaaso xilligay ku diyaargaroobi karaan, dhaqaaale ahaan iyo farsamo ahaan. Waxa laga sugayaa jadwal cad oo taariikhaysan. Komishanka ayay u taal hadday doorshada ku qabanayaa lix bilood gudahood wax ka yar ama wax ka badan, sidaas si le’eg ayaa loola macaamilayaa golaha wakiilada laf ahaantiisa.

Muddada uu Komishanka Qaranku ku hawlan yahay dejinta jadwalka doorshooyinka golayaasha deegaanka, waxa Golaha Wakiilada iyo Madaxweynaha looga fadhiyaa arrimaha soo socda:

1. Golaha Wakiilada waxa laga sugayaa inay boodh-ka ka tumaan xeer-nidaamiyihii lagu diiwaan gelinayey urrurada siyaasadda ee ka qayb galaya doorashada deegaanka.

2. Madaxweynaha waxa laga sugayaa inuu magacaabo guddigii diiwaan-gelinta urrurda siyaasiga ah oo noqon doonta mid joogto ah.

Marka dhinac laga eego, Golaha Guurtidu way ku mahadsan yihiin inay ku dhiiradaan inay bixiyaan waqti kaafi ah, waqti aan suququl ahayn oo haddii guntiga dhiisha layskaga dhigo lagaga bogan karo hawlaha qaranka hor yaal.

Runtii,  waa muddo kordhin fursad siinaysa in qaranku dardar geliyo geedi socodka dimuqraadiga ah, gaar ahaan doorashooyinkii uu maamulkii kan ka horreeyey uu candadawlay.
 
 
Qalinkii: Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan.
Hargeysa.

 

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>