-
Published On: Sat, Sep 11th, 2010

Mudane Madaxweyne, Waxaan Maqli Jirey “Awr Baa Dhinac Ka Raran”, Balse Ayaamahan Dambe Waxaan Hareerahayga Ka Maqlayey “Awrkii oo Dhinac iyo Caloosha”……………………..!

Smiley face
Share This
Tags

Shicibka Somaliland wuxuu gaadhey heer uu u bislaado inuu kala garto dariiqa iyo majaraha dantu ugu jirto ee uu ku hiigsan karo inuu mar uun salka la helo guri barwaaqo iyo xasilooni taam ah, kagana baydho dariiqa hungada iyo halaaga. Shaki kuma jiro inuu shicibku ku soo waaya arkay isbeddeladii soo taxnaa ee la jaan qaadayey

Dawladihii soo taxnaa marka laga soo bilaabo Dawaladdii Marxuum A/Rehman Ahmed Ali (AHN) ilaa Tii ugu dambeeysey ee Mudane Daahir Rayaale Kaahin hogaanka u hayey.
In kastoo hagardaamooyin siyaasadeed oo dana gaar ah laga leeyahay laga dhex wadey, haddana muran kuma jiro in guulaha horumareed iyo sharafta S/Land manta ku naalloonayso tahay mid ka hirgashahy dhinca Shicibka. Waxaa kaloo aan muran ku jirin in aan marnaba shicibku  helin hogaan Xukuumadeed oo u hagar la’ danta Qaranka ee shicibku ku hiigsan karo hore u mar la taaban karo, balse mark kastaba  majaraha lagu hagayey uu ahaa mid ka dhan ah, kana maqantahay halbeegyada lagu kobciyo ka midha dhalinta Dimuqraadiyadda ee laf dhabartu u tahay caddaaladda oo dhidibada loo adkeeyo,balse caddaaladdii noqotay mid ku hafatay habaaskii  ciyaaraha musuqmaasaqa ee Madaxtooyada  laga daawanayey ayna  ka mid ahaayeen:
• Golihii Sharci dejinta oo jiibkii iyo jaantii ciyaarta shuruucda Dalka  isla heliwaayey ka dib markii golihii Fulintu ciyaarahii wax isdaba marinta  iyo dhaantooyinkii musuqmaaqa ay ku dhinac qabsadeen.
• Golihii Guurtida  oo isna u xagliyey inay dhaantadii Musuqmaasaqa iyo wax isdaba marinta  ku sii xoojiyaan guux iyo reen (galaydhyays) ahna hugunka iyo  yulqanka  loo adeegsado ismuujinta iyo awood sheegashada lagu rux-ruxdo dhaameelka iyo xaq darrooyinka raaraha sare saran.
• Madax dhaqameedyadii oo iyana ciyaarihii kaga qayb galay Xadro iyo Shallaad luqada ay ku qaadayaan noqotay mid ay la fahmi waayaan golayaasha garoonka ciyaaruhu uga socdeen, balse luqadaas maldahani noqotay mid farxad gelisa daawadayaasha, kuna abuurtay sii jeclaysii ciyaaruhu ku sii socdaan.
• Kuwa kaba sii daran inta kor ku xusan oo iyaguna wata magacyo JIFI sare, JIFI hoose iyo Beel Heblaayo  ka soo geedayaal oo iyaguna ciyaaraha garoonka ka socda mid walba  badhtanka isugu wada tuuraya, fahmayana luqooyinka iyo guuxa ciyaaraha lagu daadihinayo.
• Waxaaba kasii wada daray, oo isku fuuq-fuuqsaday Kooxoo iyagu la magac baxay “Gudcur socod”, kana mid ah gadhwadeennada Xisbiyada Mucaaradka oo iyagu jaantana ka adkeeya ciyaaraha garoonka madaxtooyada ka socda, sacabka iyo jiibkana danaha xisbiga ku xoojiya.
• Dhaameel daadiska oo isaguna noqday Rashka iyo Xabadaha(fire Works) kor loo ridayey oo  qayb laxaad leh ka ahaa meel fog wax ka soo jiidashada, fantisiyaha  iyo sii dar-dar gelinta ciyaaraha u jeeddo badanka ah.
• Ilihii Dhaqaaalaha  oo iyaguna noqday  naas nuujis  u dabran dana gaar ahaaneed iyo in lagu harrad tiro golayaasha ciyaaraha isku dhabqay ku daaley si aanay ciyaaraha uga tamar darrayn.
• Mas’uul kasta oo halkuu xilk ummadda iyo qaranka uga hayey isna ka dhigtay dhufeys uu siduu doono isugu laba roga, deyr adgna ka dhigtay beel waqaqaynta iyo ciyi siinta ciyaartoyda.
• Hantidii Guud  ee Qaranka oo noqotay mid sidii la doono loo sarrifto
• Shaqaalayntii (mid wasaaradeed iyo mid haya’deedba) oo noqotay isku meelayn dabada ku wadata dan beeleed ama mid shakhsiyeed aan lahayn milgihii qaranimda.
• Lama soo koobi karee waxaa ka dhacday qaatee qaado, qaran maxayga galay !!!!
Intaas oo tacluus iyo darxumooyin ah ee aan kor ku xusay waxay hormood ka noqdeen inay sababaan:
• Geeddi socodkii Diimoqraadiyada iyo Hannaankii Dawlad lagu hagi lahaa.
• Tala wadaagii iyo wada tashigii hay’adaha dastruuga ah oo cirka lagu laalay.
• Habkii iyo qaabkii loo adeegsan lahaa ictiraaf raadiska oo indho la’aan ku dambeeyey.
• Dhaqaalihii qaranka iyo Ilihii wax soo soorka oo noqday mid Abaar iyo xaaluf ku dhaco.
• U adeeggii bulshada  oo isna lagu beddeley u adeegis dadyaw gaar ah iyo dana khaas ah.
• Shaqa la’aan sababtay mucsirnimo, horseedayna tahriib iyo is miidaabin ku kowsatey dhallinyaradii iyo aqoonyahanadii qaranka ilayska u ahayd.
• Mas’uulintii qaranka iyo wasaaradahoodii oo iyana beddely wasaarado reer Qansax iyo Reer Qudhac.
Intaas iyo in ka badanba oo Qaranimadana “KUD”iyo “BOOG” ku noqotay, curyaamiseyna  hor u socodkii Dawladnimo, waxa hogaanka u ahayd  caddaalad darro si baaxad leh ugu xididaysatay Maamuladii kala horeeyey. Mar haddii caddaalad darro timaaddo, waxaa iyana cirka laga eegayaa aqoontii wax iftiiminaysey ee hilinka toosan wax ku hageysey, taas oo keentay in Xisbiga Kulmiye ummaddiisa ugu dhawaaqo “ISBEDDEL” ay ku illaawi karaan wixii harraad iyo hawaare ahaa ee ay labaatanka (20ka) sannadood kala soo kulmeen maamuladii iyo Xukuumadahoodii isdaba joogey. Waaya aragnimadii iyo bisaylkuu shicibku u bislaaday inay isbeddel helaan waxay ku baaqeen inay codkooda Kursiga ku saaraan Mudane Ahmed Mohamed Mohamuud, kagana dhabeeyey, Codkoodiina Kursigii Sharaft ku fadhiisiyey.
La isma caasiyee, Sharaf waxa Mudan:
• Madaxweynihii Hore, Mudane Daahir Rayaale oo si geesinimo leh guusha Xisbiga Kulmiye  u qiray, uguna hambalyeeyey, Xilkiina si sharaf leh ugu wareejiyey Madaxweyne Silaanyo.
• Waxaa kaloo sharaf iyo qadderin mudan, baal dahab ahna ka galay  qaranimada Somaliland iyo Caalamkaba Komishankii Qaranka, looguna yeedhi karo “Aabbayaashii Caddaalada iyo Aqoontu dugsanaysey”, oo iyagu si xalaal iyo xaq soornimo ah u hirgeliyey doorashadii Madaxtooyada.
• Waxaa ammaan iyo sharaf Mudan Taliyaha Ciidanka Qaranka oo isna si waddaninimo ku dheehantahay u sugay ammaankii doorashada iyo guud ahaanba dalka gudahiisa.
• Waxaa Sharaf Mudan Shicibka Masiirkoodi si nabad gelyo leh ugu codeeyey.
Haddaba, maxaa maanta la gudboon Madaxweynaha, oo Sharaftiisa iyo tan Qarankuba ku jirtaa?
Si looga gudbo caqabadihii la soo maray loogana dhabeeyo ballanqaadyadii isbeddelkii shicibku codkooda ku dhiibtey, Kuma soo koobin, balse waxaan ku talin lahaa qodabadan hoos ku qorani inay aasaas u yhiin wixii maanta Madaxweynaha la  gudboon inuu Maamulkiisa iyo madaxweynanimadiisa ku guto.
• In Xukuumadaada laga helo Caddaalad xooggan oo daafaha dalkoo dhan iyo caalamkaba laga dareemo.
• In Xukuumadaada laga helo Aqoon wax hagta.
• In Xukuumadaada laga helo Maamul wanaag.
• Saddexdaas haddii tan hore la waayo labada kale iyana meesha way ka baxayaan, waan indho iyo dhega la’aan.
• Deyrkii iyo xaydaannadii is daba yaalley, ama Derbiyadii Laba Ashaallaha ahaa ee Xukuumadda iyo Shicibka u kala dhexeeyey in laga qaado, oo ka madaxweyne ahaan  aad shicibka si toos ah isugu xidhantaan.
• In aan Wasiiradaadu iyo wasaaradahoodu noqon kuwa beelo ku faanaan ee ay noqdaan kuwa qaranku ku faano, begsiiyana Cuduradii laga qaaday kuwii hore.
• In aan wasiiradaada iyo wasaaradahoodu noqon kuwa gobolaysan ee ay noqdaan kuwa guud ahaan dalka iyo goboladoo dhan caddaalad ugu adeega.
• In Golahaaga Fulinta iyo Maamulka xukuumadaaduba si wada jira ah ugu hawl galaan wacyi gelinta shicibka, lagana cashariyo cudurka qabiilka ee beelaysan ama gobolaysan ee had iyo jeer gaar wax u doonka ah, hore umarka waddankana ku noqday cudur dilaa ah oo aan laga kicin.
• In shicibka laga wacyi geliyo lagana xoreeyo si xun wax u sheegyada ku majara habaabiya Shicibka danahooda gaar ah, ee ku qadhaabta hab siyaasiyeedka guracan iyo hab dhaqameedka dillaalaysan ee mallaalaysan.
• Madax weyne, Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi Gelintu waa halbawlaha xidhiidhinta dalka gudahiisa iyo debediisaba, waayo habeen iyo maalinba malaayiin indhood oo qaarkood aanay si fiican wax u arkayn  iyo malaayiin dhegood oo qaarkood aanay si fiican wax u maqlayn ayaa ka sugaya halka Xukuumaddu wax marinayso(maqal iyo muuqaal),  waxa u qabsoomay, ballanqaadyadii waxa ka hirgalay iyo Madaxweynihii muuxuu ku dhawaaqay. Sidaas Darteed waa in xoogga la saaraa sidii loogu dhammaystiri lahaa Wasaaradda  agabkii ay dalka iyo Debeddaba ku gaadhsiin lahayd adeegeeda iyo wacyigelintaba.
• In sharciga lala tiigsado cid alla iyo ciddii ay ka soo yeedho Baaq hadal ama mid qoraal ahba ee masiirka qaranka waxyeello mooyaan e aan  marnaba wax tar u lahayn. 
• In shaqaalaynta muwaadiniinta S/Land loo maro nidaam caddaalad iyo aqoon ku dhisan.
• In shaqaala qaybinta wasaaradaha, hay’adaha iyo goboladuba noqdaan qaybin iyo isku dhafid miisaan iyo cilmi aqooneed ku dhisan ee aan la isu dul saar-saarin, waa Haybta Madaxweynaha, waa haybta wasiirka, waa haybta Agaasimaha iyo wa qof gobolka ama Degmada u Dhashay.
• Madaxweyne, gobolo Faynuuskii Caddaaladu mar hore ka bakhtiyey ayaa Dalka ka jira, balse shidistiisa ay ka horreyso Dariiqii loo sii mari lahaa, kana mid ahaa ballanqaadyadii Codka iyo Taageerada lagugu siiyey.
• Mudane Madaxweyne, Aqoon yahannadii, Dhallinyaradii iyo Xoogagii Dalku, waxay subaxa hore ku indha furtaan Jaraa’idka Hargeysa ka soo baxa (iyaga ayaa shah iyo quraacba u ah), iyagoo aad ugu niyaayiroonaya inay ka akhriyaan isbeddel wax ka beddela xaaladaha waxbarasho iyo tan dhaqaale ee ay maanta  ku suganyihiin. Weli Dawladdu waa curdin, hase ahaatee, qancinta iyo yididiilada aad codkaaga iyo qoraalkaaga  ku gaadhsiio ayaa wax weyn u taraya.
• Mudane Madaxweyne, maanta Shicibkii wuxuu wada noqday Shicib wada siyaasi ah, waxaa soo baxay Tijaar wada siyaasi ah, Ururo wada siyaasi ah, Madaxdhaqameedyo wada siyaasiyiin ah. Waa in lahela sharcigii iyo wacyi gelintii kala xaddidi lahaa Xukuumadda iyo iyaga ina isku milmaan.
• Mudane Madaxweyne, Madaxtooyadu waa muraayaddii beesha caalamku dalka ka daawanaysey,  lagana qiyaas qaadanayey dhinac kasta oo dawlad laga qiimeeyo. Waxay u dhigantaa aqalka Maraykanka looga taliyo (White House). Sidaas darted waa in la mariyaa milgaha ay Madaxtooyadu ku leedahay Waddanka.
• Mudane Madaxweyne, Waxaan maqli jirey “Awr baa dhinac ka raran”, balse ayaamahan dambe waxaan hareerahayga ka maqlayey “Awrkii Dhinac  iyo Caloosha ayuu ka raran yahay”. Mar haddii Awrku Rarkii  Caloosha ku sido, anigu garan maayo sida loo farsameeyey saddexdii Xadhig ee Awrka iyo Rarka isu hayn jirey ee kala ahaa, Caynkii, Bayddii iyo Daba geliskii. Mana garanayo in xaajadanu tahay hab farsamo oo casriyaysan oo loogu tala galay iyo in uu dheelligii labadii dhinaca mid xagga  caloosha  u wareegey. Mudane Madaxweyne, mar haddii hayaanku dheeryahay, wuxuu Awrku u baahanyahay in si dhakhso ah loo dheelli tiro.
Mudane Madaxweyne, Ilaahay Adiga iyo Xukuumadaadaba Xilkaas culus ha idiin fududeeyo. Aamiiiiiiiiiiii.

Qalinkii: Ahmed Shire Mohamed (Baandheeye), UAE

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>