Waxaanu ka codsanayanaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo,Wasiirka Arrimaha Gudaha,Cali Warancade iyo HantiGuud ee Qaranka,inay si deg dega wax uga qabtaan Maayarka 

degmada Togwajaale, Xaashi Muxumed Cabdi (Xaashi Qashin),oo ku guul dareystay inuu baahida bulshada iyo tabashadooda wax ka qabto,musuq  maasuq iyo hantidii boobna faraha kula jira,gudaafada & qashinkuna meel walba buux dhaafiyeen ,lagana baqayo in xanuuno iyo cuduro ka dilaacaan degaanka.

Waxaanu ku war galineynaa Madaxweynaha Somaliland , inuu Maayarka Togwajaale Xaashi Muxumed Cabdi (Xaashi Qashin) ceeb iyo fadeexad kuu soo jiiday lacago xad dhaafana uu ka urursday dadka degaanka,waxna aanu ugu qaban , taasoo sabab u noqon karta inay bulshada iyo xisbiga KULMIYE kala xidhiidh furtaan , haddii  aan baahidooda wax laga qaban.

Waxaa laga baqayaa in degmada Tog-wajaale xanuuno iyo cuduro ka dilaacaan,sabata oo ah  qashinka iyo gudaafada oo meel walbba  buux dhaafisay , Eyda iyo  dadkuna meel biyaha ka wada cabbaan,laakiin aan Maayarka Togwajaale Xaashi Muxumed Cabdi (Xaashi Qashin),uu Hargeysa degan yahay,kana soo shaqo tago,dan iyo muraad toona aanu ka lahayn cabashadooda.

Madaxweyne haddii Wasiirka Arrimaha Gudaha,Cali Maxamed Warancade iyo Hanti dhawrka Qaranku waxba ka qaban waayaan qayla dhaanta dadka degaanka waxaanu kaga jawaabi doonnaa MUDAHARAAD gilgila degmada Wajaale , kaa soo kala  xidhi doona isku socodka labada dal ee Somaliland iyo Ethipia.

Xasan Sheekh Nuur
Tog-wajaale,Somaliland
gabiley20@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *