Qlove1ofka oo jacayl ku dhaco waxa uu u faa’iideedayaa in maskaxdiisu si fiican u shaqayso, isla markaana jidh ahaan noqdo qof fir fircoon, siday sheegtay cilmi-baadhis ay samaysay Jaamacadda California ee dalka Maraykanka.

 

Khubaradan oo baadhitaan ku sameeyey maskaxda dad sheegay in jacayl hayo, waxay ogaadeen in qofka markuu xubbi ku jiro uu noqdo mid aad u firfircoon, maskaxdiisuna si fiican u fikirto, awoodda shaqadeeduna kor u kacdo.

Sidoo kale, daraasaddu waxay sheegtay in caadiifaddu muhiim u tahay farxadda bani’aadamka iyo in qofku ku xidhnaado bulshadiisa, waxaanay cilmi-baadhistu soo jeedisay in dareenka jacayl keeno in qofku si fiican u fikiro.

“In wadajir la ahaado waxay keentaa in qofku noqdo mid si fiican u fikira. Waxa kale oo qofka jacaylku hayaa noqdaa mid aad u naxariis badan oo qalbigiisu soo dhawayn badan yahay, maskax ahaanna si fiican u fikira,” ayaa lagu yidhi qoraal ay soo saareen khubarada cilmi-baadhista sameeyey oo ka tirsan Jaamacadda California.

//

Cilmi-baadhistan waxa laga qaaday 20 qof oo da’doodu celcelis ahaan tahay 20 jir, waxana mid kasta la baadhay maskaxdiisa, gaar ahaan waqtiyo uu qoraal u dirayey qof uu aad u jecel yahay, siiba kelmado naxariis jacayl ka muuqato uu qofku farriin ahaan ugu dirayey lamaanihiisa kale, natiijada soo baxdayna waxay noqotay in dadkaasi badankoodii maskaxdoodu fikirka aad u badisay, shaqada ay jidhka u haysayna si fiican u kordhisay.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *