Daraabulis(rraweelo News Network) Koox hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan oo ka mid ah kooxaha dalka Libiya ayaa dhacay lacago malaayiin dollar ah, taas  oo ay xukuumadda Liibiya ee aan awooda lahayn ugu deeqeen

wadamada reer galbeedku.

Kooxda dhacday lacagta aya jidgooyo u galay gaadhi ay saarnayd lacagtaa meel u dhaxaysa magaalooyinka Sirta iyo Daraabulis, waxayna afduubeen gaadhi kuwa xamuulka qaada ah oo ay saarnayd lacag cadadkeeda lagu qiyaasay75 Milyan oo dollar.

Col. Cabdi Fataax Maxamed  oo ah Taliyaha xukuumadda Liibiya ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in gacantooda ay ka baxday lacagtaa oo malaayiin dollar ah, iyadoo ladoonayay in lacagtaa lagu shubo Bankiga dhexe ee magaalada Daraabulis.

“Maleeshiyo hubeysan ayaa dhacay lacag ka badan 73 Milyan oo dollar booliska ayaa ku raad jooga kooxaha leexsaday gaadhiga lacagtu saarnayd, waana mid aan aad baan uga xunahay falkan budhcadnimo oo ah mid taariikhda baal madoow u gelaya liibiya”ayuu yidhi Col. Cabdi Fataax Max’med.

Dalka Libiya wax aka jirta fawdo iyo maamul xumo, iyadoo magaalooyinka qaarkood ay ka taliyaan malayshiyaad hubaysan oo an cidna ka amar qaadan, kuwaas oo qaarkood kasoo jeedaan kooxaha xag jirka ah, iyadoo gebei ahaaanba nidaamkii dalka iyo kala danbayntii luntay markii xilka lagaga tuuray  Col. Qadaafi duulaankii reer galbeedku hogaaminayeen laba sanadood ka hor.
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *